3/28/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Axad, July 15, 2012
Kooxda FC Juba oo ku guuleysatey koobkii Isbuuca Soomalida Seattle July 7 – July 14 2012


Axad, July 15, 2012 (HOL) - Tartan kubada cagta ah oo loogu magac darey Somali Week Seattle  ayaa waxoow si xiiso badan uga socdey garoomada Chief Sealth Stadium iyo Foster High Stadium kasoo eey ka qeyb galayeen 12 kooxood oo ka kala yimid magaaladan Seattle iyo Goboladda waaweyn ee dalka Mareykanka sida Minnesota, Denver, Utah, Oregon. Hadaba kooxahii ku loolamayey koobkan kubadda Cagta ah waxeey kala ahaayeen:
 
Banadir
Iftin
Juba F. C
North Stars
Walaalaha
Utah
Horn Africa
BYS
Denver
Kent
Eden Prairie
Tawakal F. C

 
Kooxahaan ayaa loo qeybshey 4 qeybood ayadoo eey Semi-Finalka isku soo hereen kooxaha
 
Banadir vs North Stars iyo
Iftin vs Juba F.C

Cayaarahaan oo ah kuwo aad loo xiiseeyo ayaa waxaa sanad kasto waqtiyadaan lagu qabtaa gobolkaan Washington ayadoo sanadkaan tartanka maamulkiisa hogaanka u haayeen rag aqyaar ah oo aad looga tixgaliyo magaalada Seattle kuwaasoon dhihi karno waxeey u daadihinayeen ciyaaraha si sharfan. Dadweyne badan ayaa saadaalinayay in kooxaha Iftin iyo Banaadir oo taageerayaal badan ku dhex leh Seattle eey finalaha usoo gudbi doonaan balse waxaa taas beeniyay kooxaha Northern Stars iyo F.C Juba oo ayagu dharbaaxo xun ku dhuftey labadii kooxood ee dadweynahu la jeclaayeen ineey u soo baxaan fiinalaha.



Hadaba cayaartii maanta ee Fiinalaha ayaa Kooxaha Juba F.C iyo North Stars waxa eey soo bandhigeen ciyaar aad loola dhacey ayadoo maanta eey aheyd maalin garoonka weyn ee Chief Sealth Stadium soo camireen dadweyne aad u tira badan oo kakala yimid daafaha magaalada Seattle iyo magaalooyiinka u dhow dhow.
 
Labadan kooxood ayaa waxeey isku dhaafi waayeen  barbar dhac ayadoo markii daqiiqado dheeri ah lagu darey kadib eey gool qurxan la yimaadeen kooxda FC Juba ayadoo goolkaasina noqdey goolkii kooxda Juba  eey guusha ku qaadeen.

Kooxda F. C Juba oo u badan cayaartooy dhalinyar horeyna ugu guuleeystatey Championshipkii 2011 Seattle ayaa waxaa eey soo bandhigeen dadaal badan iyo cayaar wanaagsan ayagoona si xarago lehna mar labaad ku noqdey Championka Seattle 2012.
 
Gabagadii ayaa tababaraha Kooxda Juba F.C Maxamuud waxaa gacanta loo galshey koobkii eey kooxo badani ku haminayeen balse ku guuleeysteen kooxdiisu kaasoo eey gudoonsiiyeen Culumadda Masaajidka weyn ee Abubakar.
 
Ilyaas Cabdi Xayuuke, Hiiraan Online
Seattle, WA (USA)













Click here
7/15/2012 9:00 AM EST
Axad, July 15, 2012 (HOL) — Guddoomiyaha guddidda Doorashooyinka Somaliland, Ciise Yuusuf Xamari ayaa ka hadlay tallo soo-jeedin ay u soo jeediyeen goleyaasha Sharci dejinta inay wax ka bedelaan Astaantii hore ee doorashooyinka lagu gali jiray oo ay ka dhigeen in number lagu galo si ay ugu fududaato hawlaha doorashooyinka, balse soo jeedintaasi guddidda Doorashooyinka waxa ku gacan saydhay golaha Guurtidda oo diiday in number lagu galo doorashooyinka, maadaama oo ay badan yihiin dadka aan waxna qorin waxna akhriyin, isla markaana ay ku wareerayaan dadkaasi qofkay codka siin lahaayeen, sidaa awgeed ay lagu gallo doorashadda sidii birigii hore ee astaan lagu gali jiray.

7/15/2012 8:59 AM EST
Axad, July 15, 2012 (HOL) — Kooxo bastoolado ku hubeysan ayaa maanta ku dilay xaafadda Suuqa Xoolaha ee degmada Huriwaa laba wiil oo dhallinyaro ah, halka ay mid kalena ku dhaawacmeen.

7/15/2012 7:57 AM EST
Axad, July 15, 2012 (HOL) — Ugu yaraan hal qof ayaa ku dhintay, 16-qof oo kalena way ku dhaawacmeen iska-horimaadyo bartamaha magaalada Addis Ababa ee dalka Itoobiya ku dhexmaray salay oo Sabti ahayd booliiska federaalka dalkaas iyo kooxo muslimiin ah.

7/15/2012 3:14 AM EST
Axad, July 15, 2012 (HOL) - Kooxda Baarista (Monitoring Group) oo ay Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobay u xilsaartay baarista qaabka loo maamulay dhaqaalaha soo gala dowladda KMG ah ee Soomaaliya ayaa warbixin hordhac ah oo laga helay ku eedesay madaxda sare ee dowladda Soomaaliya inay lunsadeen hanti gaareysa 131-milyan oo doollar.

7/15/2012 2:55 AM EST
Axad, July 15, 2012 (HOL) — Xarakada Al-shabaab ayaa guulo ka sheegatay iska-horimaadyo ka dhacay deegaanno ka tirsan gobollada Bakool iyo Shabeellada Hoose iyo waddada isku xirta Muqdisho iyo Afgooye.

7/15/2012 2:35 AM EST
Axad, July 15, 2012 (HOL) — Madaxweyne ku xigeenka Somaliland, Cabdiraxmaan Cabdilaahi Ismaaciil (Saylici), ayaa safar shaqo ku tagay magaaladda Boorame ee gobolka Awdal, isagoo sheegay inuu doonayo inuu u yimid si uu gacan uga gaysto abaaraha baahsan ee ka jira deegaanadaasi.

7/15/2012 2:32 AM EST
Axad, July 15, 2012 (HOL) — Iska-horimaad xooggan oo u dhexeeya ciidamada dowladda KMG ah oo kaashanaya kuwa AMISOM iyo xoogagga Al-shabaab ayaa maanta ka dhacay meel qiyaastii 5-km u jirta magaalada Afmadow ee gobolka Jubada Hoose.