4/24/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Axad, July 15, 2012
Guddiga Doorashooyinka Somaliland iyo Golayaasha Sharci-dajinta oo ku kala aragti duwan habka ay Doorashooyinku u dhacayaan
Axad, July 15, 2012 (HOL) — Guddoomiyaha guddidda Doorashooyinka Somaliland, Ciise Yuusuf Xamari ayaa ka hadlay tallo soo-jeedin ay u soo jeediyeen goleyaasha Sharci dejinta inay wax ka bedelaan Astaantii hore ee doorashooyinka lagu gali jiray oo ay ka dhigeen in number lagu galo si ay ugu fududaato hawlaha doorashooyinka, balse soo jeedintaasi guddidda Doorashooyinka waxa ku gacan saydhay golaha Guurtidda oo diiday in number lagu galo doorashooyinka, maadaama oo ay badan yihiin dadka aan waxna qorin waxna akhriyin, isla markaana ay ku wareerayaan dadkaasi qofkay codka siin lahaayeen, sidaa awgeed ay lagu gallo doorashadda sidii birigii hore ee astaan lagu gali jiray.

Haseyeeshee, guddidda Doorashooyinka oo golaha Wakiiladda hor yimid ayaa sheegay in caqabadaha hor yaalla doorashooyinka ay ka mid tahay qaabka loo galayo doorashadda,maadaama oo ay tiradda asxaabta Siyaasadda ka qaybgalayaa badan tahay, sidaas darteed musharaxiintaas badani aanay ku gali Karin in qofkasta astaan ku galo, balse ay u dhibyar tahay guddi ahaan in lagu gallo number, isla markaana la is waafajiyo sharcigiii hore ee astaanta lagu galay iyo soo jeedintan cusub ee numbarka lagu galayo.

 “Haddii aynu soo qaadano Hargeysa waa 25 xubnood oo Golaha Deegaanka ah, 25 Xubnood oo ku yaala hal Warqad oo sagaal Xisbi min 25 soo sharaxayaan, waxa weeyaan 225 Musharax ayaa Warqada codaynta ku oolaysaa, taas oo keenaysa in codkii Muwaadinku aanu ku dhicin gacantuu doonayey oo ah marka uu 225 lagu soo qoro Warqad codayneed oo kaliya in ay ku keento sidii aynu hore u soo aragnay doorashadiinii  inuu Qofku kala garan-waayo 225 sumadood”ayuu yidhi guddoomiyah doorashooyinka oo sharaxaya sababta u codsadeen in wax laga bedelo habkii hore ee loo gali jiray doorashooynka.

 “waxaanu samaynay Doorasho tijaabo ah oo Waxaanu u yeedhnay 200 qof, 100 Qof oo wax akhriya iyo 100 oo aan waxba akhriyin, oo isugu jira Dad waaweyn iyo dhalinyaro oo Rag iyo Dumar-ba leh, waxa nooga soo baxay qaladaad yar-yar oo farsamo oo qofku ku dhacay markii uu codaynayey oo laga sixi karo daabacaada dambe, laakiin waxaanu si wacan u helnay oo nooga soo baxay in dadku lambarka ku faa’iidi karayaan”ayuu yidhi Guddoomiye Xamari.

Si kastaba ha ahaatee, Doorashooyinkii hore ee ka dhacay Somaliland ayaa waxa ninka musharaxa ahi ku gali jiray astaan la isla garanayo sida Neef Adhi ah, dundumo, dibi, balse qorshahaasi ayaa wax laga bedelay waxaanay codsadeen komishanka doorashooyinku in lagu bedelo astaantii lamber si ay u koobnaato waraaqda lagu codaynayo, oo tusaale ahaan qof la siiyo Lamber uu doorashadda ku galayo, maadaama oo dadka  isa soo sharaxayaa ay aad u badan yihiin astaantuna u baahan tahay waraaqo badan oo loo adeegsado, balse lambarku kooban yahay.

Haseyeeshee, arrintaasi waxa ganafka ku dhuftay golaha Guurtiddda oo sheegay in dadku yaqaanaan astaanta balse aanay Lamber garan Karin, taasina ay keenayso in jahawareer ku dhaco qofka codaynayo, sidaa awgeed lagu galo astaantii hore.

Dhinaca kale, waxa iyana khilaaf soo kala dhexgalay golaha wakiiladda iyo haweenka Somaliland ka dib markii golaha wakiiladdu dib u celiyeen soo jeedin madaxweynuhu soo jeediyey in haweenka iyo beelaha la hayb sooco xubno aan doorasho galin kuraas laga siiyo goleyaasha qaranka, maadaama oo haweenka iyo dadka la haybsoocaa doorasho ku soo baxayn. Haseyeeshee, golaha wakiiladda ayaa diiday in kooto la siiyo haweenka, isla markaana sharciga ka hor imanayso in dad gaar ah kooto kuraas ah la siiyo, sidaa darteedna dib loo celiyey soo jeedintaasi.

Kootadan haweenka la siinayey ee dib loo celiyey waxa ka xanaaqay haweenkii Somaliland oo dabadda ka riixayey in loo ansixiyo Kuraastaas kootadda ah, waxaanay kulan iskugu yimaadeen ku cambaareeyeen go’aan goluhu diiday in kooto gaar ah la siiyo haweenka, iyagoo ku baaqay isku soo bax ka dhan ah golaha wakiiladda ay haweenku iskugu yimaadaan si golaha loogu qasbo inay ogolaadaan xubno u gaar ah in la siiyo haweenka.

Sidoo kale, waxa iyaguna arrintan ka hadlay beelaha la haybsooco oo sheegay in haweenka iyo iyaga la isku dhufanayo, isla markaana haweenka saami badan la siiyey, halka beelaha la hayb sooco oo badana kuraasta lagu yareeyey, waxaanay soo dhoweeyeen xeerkaa dib loo ceeliyey maadaama oo cadaalad aanu ku dhisnayn.

Barkhad-Ladiif M. Cumar, Hiiraan Online  
[email protected]
Hargeysa, Somaliland