Hiiraan Online
Saturday, May 25, 2013
Today from Hiiraan Online:
Home
Somali Music
Somali Map
Sports
Opinion
RSS
Facebook
Twitter
Google Plus
Wararka Maanta-
Axad, July 15, 2012
Guddiga Doorashooyinka Somaliland iyo Golayaasha Sharci-dajinta oo ku kala aragti duwan habka ay Doorashooyinku u dhacayaan
Axad, July 15, 2012 (HOL) — Guddoomiyaha guddidda Doorashooyinka Somaliland, Ciise Yuusuf Xamari ayaa ka hadlay tallo soo-jeedin ay u soo jeediyeen goleyaasha Sharci dejinta inay wax ka bedelaan Astaantii hore ee doorashooyinka lagu gali jiray oo ay ka dhigeen in number lagu galo si ay ugu fududaato hawlaha doorashooyinka, balse soo jeedintaasi guddidda Doorashooyinka waxa ku gacan saydhay golaha Guurtidda oo diiday in number lagu galo doorashooyinka, maadaama oo ay badan yihiin dadka aan waxna qorin waxna akhriyin, isla markaana ay ku wareerayaan dadkaasi qofkay codka siin lahaayeen, sidaa awgeed ay lagu gallo doorashadda sidii birigii hore ee astaan lagu gali jiray.
Haseyeeshee, guddidda Doorashooyinka oo golaha Wakiiladda hor yimid ayaa sheegay in caqabadaha hor yaalla doorashooyinka ay ka mid tahay qaabka loo galayo doorashadda,maadaama oo ay tiradda asxaabta Siyaasadda ka qaybgalayaa badan tahay, sidaas darteed musharaxiintaas badani aanay ku gali Karin in qofkasta astaan ku galo, balse ay u dhibyar tahay guddi ahaan in lagu gallo number, isla markaana la is waafajiyo sharcigiii hore ee astaanta lagu galay iyo soo jeedintan cusub ee numbarka lagu galayo.
“Haddii aynu soo qaadano Hargeysa waa 25 xubnood oo Golaha Deegaanka ah, 25 Xubnood oo ku yaala hal Warqad oo sagaal Xisbi min 25 soo sharaxayaan, waxa weeyaan 225 Musharax ayaa Warqada codaynta ku oolaysaa, taas oo keenaysa in codkii Muwaadinku aanu ku dhicin gacantuu doonayey oo ah marka uu 225 lagu soo qoro Warqad codayneed oo kaliya in ay ku keento sidii aynu hore u soo aragnay doorashadiinii inuu Qofku kala garan-waayo 225 sumadood”ayuu yidhi guddoomiyah doorashooyinka oo sharaxaya sababta u codsadeen in wax laga bedelo habkii hore ee loo gali jiray doorashooynka.
“waxaanu samaynay Doorasho tijaabo ah oo Waxaanu u yeedhnay 200 qof, 100 Qof oo wax akhriya iyo 100 oo aan waxba akhriyin, oo isugu jira Dad waaweyn iyo dhalinyaro oo Rag iyo Dumar-ba leh, waxa nooga soo baxay qaladaad yar-yar oo farsamo oo qofku ku dhacay markii uu codaynayey oo laga sixi karo daabacaada dambe, laakiin waxaanu si wacan u helnay oo nooga soo baxay in dadku lambarka ku faa’iidi karayaan”ayuu yidhi Guddoomiye Xamari.
Si kastaba ha ahaatee, Doorashooyinkii hore ee ka dhacay Somaliland ayaa waxa ninka musharaxa ahi ku gali jiray astaan la isla garanayo sida Neef Adhi ah, dundumo, dibi, balse qorshahaasi ayaa wax laga bedelay waxaanay codsadeen komishanka doorashooyinku in lagu bedelo astaantii lamber si ay u koobnaato waraaqda lagu codaynayo, oo tusaale ahaan qof la siiyo Lamber uu doorashadda ku galayo, maadaama oo dadka isa soo sharaxayaa ay aad u badan yihiin astaantuna u baahan tahay waraaqo badan oo loo adeegsado, balse lambarku kooban yahay.
Haseyeeshee, arrintaasi waxa ganafka ku dhuftay golaha Guurtiddda oo sheegay in dadku yaqaanaan astaanta balse aanay Lamber garan Karin, taasina ay keenayso in jahawareer ku dhaco qofka codaynayo, sidaa awgeed lagu galo astaantii hore.
Dhinaca kale, waxa iyana khilaaf soo kala dhexgalay golaha wakiiladda iyo haweenka Somaliland ka dib markii golaha wakiiladdu dib u celiyeen soo jeedin madaxweynuhu soo jeediyey in haweenka iyo beelaha la hayb sooco xubno aan doorasho galin kuraas laga siiyo goleyaasha qaranka, maadaama oo haweenka iyo dadka la haybsoocaa doorasho ku soo baxayn. Haseyeeshee, golaha wakiiladda ayaa diiday in kooto la siiyo haweenka, isla markaana sharciga ka hor imanayso in dad gaar ah kooto kuraas ah la siiyo, sidaa darteedna dib loo celiyey soo jeedintaasi.
Kootadan haweenka la siinayey ee dib loo celiyey waxa ka xanaaqay haweenkii Somaliland oo dabadda ka riixayey in loo ansixiyo Kuraastaas kootadda ah, waxaanay kulan iskugu yimaadeen ku cambaareeyeen go’aan goluhu diiday in kooto gaar ah la siiyo haweenka, iyagoo ku baaqay isku soo bax ka dhan ah golaha wakiiladda ay haweenku iskugu yimaadaan si golaha loogu qasbo inay ogolaadaan xubno u gaar ah in la siiyo haweenka.
Sidoo kale, waxa iyaguna arrintan ka hadlay beelaha la haybsooco oo sheegay in haweenka iyo iyaga la isku dhufanayo, isla markaana haweenka saami badan la siiyey, halka beelaha la hayb sooco oo badana kuraasta lagu yareeyey, waxaanay soo dhoweeyeen xeerkaa dib loo ceeliyey maadaama oo cadaalad aanu ku dhisnayn.
Barkhad-Ladiif M. Cumar, Hiiraan Online
barkhadladiif@hiiraan.com
Hargeysa, Somaliland
Post your comments
Kooxda FC Juba oo ku guuleysatey koobkii Isbuuca Soomalida Seattle July 7 – July 14 2012
7/15/2012 6:48 PM EST
Axad, July 15, 2012 (HOL) - Tartan kubada cagta ah oo loogu magac darey Somali Week Seattle ayaa waxoow si xiiso badan uga socdey garoomada Chief Sealth Stadium iyo Foster High Stadium kasoo eey ka qeyb galayeen 12 kooxood oo ka kala yimid magaaladan Seattle iyo Goboladda waaweyn ee dalka Mareykanka sida Minnesota, Denver, Utah, Oregon.
Kooxo Bastoolado hubeysan oo Degmada Huriwaan ee Gobolka Banaadir ku dilay laba ruux mid kalena ku dhaawacay
7/15/2012 8:59 AM EST
Axad, July 15, 2012 (HOL) — Kooxo bastoolado ku hubeysan ayaa maanta ku dilay xaafadda Suuqa Xoolaha ee degmada Huriwaa laba wiil oo dhallinyaro ah, halka ay mid kalena ku dhaawacmeen.
Dagaal khaasaare geystay oo Booliiska Itoobiya iyo dad Muslimiinta ah ku dhexmaray Magaalada Addis Ababa
7/15/2012 7:57 AM EST
Axad, July 15, 2012 (HOL) — Ugu yaraan hal qof ayaa ku dhintay, 16-qof oo kalena way ku dhaawacmeen iska-horimaadyo bartamaha magaalada Addis Ababa ee dalka Itoobiya ku dhexmaray salay oo Sabti ahayd booliiska federaalka dalkaas iyo kooxo muslimiin ah.
Kooxda Baarista Qaramada Midoobay oo ku eedeysay Madaxda ugu Sarreysa DKMG Soomaaliya inay lunsadeen Hanti Qaran
7/15/2012 3:14 AM EST
Axad, July 15, 2012 (HOL) - Kooxda Baarista (Monitoring Group) oo ay Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobay u xilsaartay baarista qaabka loo maamulay dhaqaalaha soo gala dowladda KMG ah ee Soomaaliya ayaa warbixin hordhac ah oo laga helay ku eedesay madaxda sare ee dowladda Soomaaliya inay lunsadeen hanti gaareysa 131-milyan oo doollar.
Xarakada Al-shabaab oo guulo ka sheegatay Weerarro ay ku qaadday Ciidanka DKMG iyo kuwa Itoobiya iyo AMISOM
7/15/2012 2:55 AM EST
Axad, July 15, 2012 (HOL) — Xarakada Al-shabaab ayaa guulo ka sheegatay iska-horimaadyo ka dhacay deegaanno ka tirsan gobollada Bakool iyo Shabeellada Hoose iyo waddada isku xirta Muqdisho iyo Afgooye.
Madaxweyne ku xigeenka Somaliland oo booqday deegaanadda galbeedka Somaliland ee abaaruhu ka jiraan
7/15/2012 2:35 AM EST
Axad, July 15, 2012 (HOL) — Madaxweyne ku xigeenka Somaliland, Cabdiraxmaan Cabdilaahi Ismaaciil (Saylici), ayaa safar shaqo ku tagay magaaladda Boorame ee gobolka Awdal, isagoo sheegay inuu doonayo inuu u yimid si uu gacan uga gaysto abaaraha baahsan ee ka jira deegaanadaasi.
Iskahorimaad khasare geystay oo ka dhacay duleedka Degmada Afmadow ee Gobolka Jubbada Hoose
7/15/2012 2:32 AM EST
Axad, July 15, 2012 (HOL) — Iska-horimaad xooggan oo u dhexeeya ciidamada dowladda KMG ah oo kaashanaya kuwa AMISOM iyo xoogagga Al-shabaab ayaa maanta ka dhacay meel qiyaastii 5-km u jirta magaalada Afmadow ee gobolka Jubada Hoose.
Somali News
United Nations to Freeze Corrupt Somalia Politicians' Assets
-
AP
7/15/2012 3:08 PM EST
NAIROBI, Kenya (AP) — Corrupt Somali politicians could face travel bans and have their foreign assets frozen under tough new United Nations sanctions, a U.N. official said Tuesday, a move that analysts said could also help get desperately needed food aid to the country's growing number of famine victims.
Foreigners should respect Kenyans, says Raila
-
KBC
7/15/2012 7:55 AM EST
Prime Minister Raila Odinga has directed the ministry of Foreign Affairs and the Attorney General to strip off Shelter Afrique's Managing Director Mr. Alassane Ba of his diplomatic immunity so that he can face charges of assault.
AU summit opens to discuss conflict, vote on top job
-
Daily Nation
7/15/2012 7:50 AM EST
African Union leaders opened their biannual summit on Sunday to discuss the continent's hotspots including DR Congo and Mali, although elections for the bloc's top job overshadowed the agenda.
K’naan ‘killed’ in diss track by US-based rapper
-
Capital FM
7/15/2012 7:47 AM EST
Somali-Canadian rapper K’naan has had holes poked into his waving flag by a relatively new rapper and countryman, Kay.
Influx of Daadab refugees poses security risk
-
Daily Nation
7/15/2012 7:38 AM EST
Gaps in aid to Daadab refugee camp could worsen insecurity in the East African region if not addressed, a new report says.
Ethiopian Police Clash With Muslims Before AU Summit Meeting
-
HO
7/15/2012 7:33 AM EST
Hundreds of people were injured and arrested when Ethiopian police clashed with Muslims in the capital, Addis Ababa, where African leaders are gathering for a summit, and one person may have died, an Islamic committee said.
Terrorist attacks in Kenya impeding scientific research
-
UWN
7/15/2012 7:30 AM EST
Scientists expressed concerns that armed terrorist groups linked to the Somalia-based Al-Shabaab terrorist group are making it difficult to conduct marine research and conservation in the area.
Fighters jump ship as profits dry
-
News Strait Times
7/15/2012 4:34 AM EST
NEW DIRECTION: More and more al-Shabab militants in Somalia are defecting because it is no longer lucrative, writes Abdi Gule
Kidnapped Kenyans aid workers moved to Somalia pirate hub
-
The Star (Kenya)
7/15/2012 4:32 AM EST
The abductors of three Kenyan aid workers kidnapped in Puntland on Wednesday evening have moved them to a pirate hub in Hobyo but have not made any demands.
Boston mosque saves Somali youth
-
OnIslam
7/15/2012 4:30 AM EST
CAIRO – A Boston mosque has launched a new initiative to encourage young Somali teenagers to avoid problems in the street life and draw them to mosques to spread awareness among American Muslims about the problem for gangs and drugs.
Somali gov't says "89 suspected terrorists" arrested in Mogadishu
-
Xinhua
7/15/2012 4:27 AM EST
MOGADISHU, July 14 (Xinhua) -- The Somali government on Saturday said its security forces arrested 89 people suspected of having links with the militant group of Al-Shabaab in overnight raids in the capital Mogadishu this week.
Suicide bombs hoaxer jailed
-
The Star
7/15/2012 4:23 AM EST
A HOAX caller from Sheffield sparked a national terror alert when he rang police and told them suicide bombers were going to attack London - on the day US defence secretary Hilary Clinton and other top politicians were due to fly into the UK.