Hiiraan Online
Saturday, May 18, 2013
Today from Hiiraan Online:
Home
Somali Music
Somali Map
Sports
Opinion
RSS
Facebook
Twitter
Google Plus
Wararka Maanta-
Axad, Dec 9 , 2012
Xisbiga KULMIYE oo iska fogeeyay inay ku shubteen Codadkii Doorashooyinkii Golayaasha Deegaanka Somaliland
Axad, December 09, 2012 (HOL) — Guddoomiyaha xisbiga talada haya ee KULMIYE, Muuse Biixi Cabdi ayaa beeniyay in xisbigiisu uu ku shubtay codadkii doorashada Somaliland ee bishii hore dhammaadkeeda la qabtay, isagoo sheegay in haddii ay cabsho jirto loo baahan yahay in laga dacwoodo maxkamadaha dalka.
Xisbiga Kulmiye ayaa codad badan ka helay doorashooyinkii ka dhacay guud ahaan Somaliland, taasoo keentay in lagu eedeeyo Xisbiga KULMIYE inuu wax is-dabamarin sameeyay, iyadoo dhimasho iyo dhaawac ay sababtay natiijadii looga dhawaaqay magaalada Hargeysan maalin ka hor.
“Waxaan idin sheegayaa in xisbiga KULMIYE uusan samayn wax ku shubasho cod ah mana jiri mas'uul ka tirsan xisbiyada oo inta noo yimaada na yiraahda waxaas ayaan ka cabanaynaa. Sidoo kalena guddiga doorashada wax eed ah noogama iman,”ayuu yidhi guddoomiyaha xisbiga KULMIYE.
Isagoo hadalkiisa sii wata ayuu yiri: “Qofkii tartanka ku guuleysta wax walba ayaa laga filan karaa, taasi waa mid ka dhacda dunida oo dhan, waayo qofku wuxuu isku dayayaa inuu raadsado wax uu ku hadlo. Xisbi ahaan gobol walba natiijadii kasoo baxday iyo codadkii aan helnay waxaa noosoo gudbiyay guddiga doorashada; xisbi walbana wakiillo ayaa u joogay deegaannada doorashadu ka dhacday iyo goobihii lagu tiriyay intaba."
Guddoomiyaha KULMIYE wuxuu sheegay inaysan jirin cid awood u leh inay faragelin ku sameyso codadka murashaxiinta, sidoo kalena aysan jirin xisbi ama cid dadka ku qasabtay inay iyaga doortaan.
“Ciddii ku qanci wayda natiijada doorashada ee leh waxbaa inaga khaldan waxaa u furan inay maxkamadda tagto oo ay tilmaantaa waxay ka cabanayso si ay go'aan uga gaarto maxkamaddu cabashadiida," ayuu yiri Muuse Biixi oo sheegay inay diyaar u yihiin inay ka gar-baxaan cid walba oo eed u haysatay xisbigooda.
Ugu dambeyn, guddoomiyaha xisbiga KULMIYE wuxuu ammaanay u jeediyay guddiga doorashada Somaliland, ururradii ka qayb-galay doorashada iyo weliba musharrixiintii tartamayay, isagoo sheegay sidoo kalena u mahadceliyay xubnihii caalamiga ahaa ee doorashada Somaliland goobjoogayaasha ka ahaa.
Maxamed Xaaji Xuseen, Hiiraan Online
maxuseen@hiiran.com
Muqdisho, Soomaaliya
Post your comments
Boqollaal Qof oo lagu Qab-qabtay Howlgallo ay Ciidamada Booliska Kenya ka Sameeyeen Xaafadda Islii - Nairobi
12/9/2012 6:37 AM EST
Axad, December 09, 2012 (HOL) — Ciidamada booliska Kenya ayaa howlgallo ballaaran oo ay shalay ilaa xalay ka sameeyeen xaafadda Islii ku qab-qabtay in ka badan 300 oo qof oo u badan Soomaalida ku dhaqan xaafadda Islii.
Afhayeenka AMISOM iyo Afhayeenka Al-shabaab oo ka hadlay Qabsashada Degmada Jowhar ee Gobolka Shabeellad Dhexe
12/9/2012 6:33 AM EST
Axad, December 09, 2012 (HOL) — Afhayeenka AMISOM ayaa xaqiijiyay in AMISOM iyo ciidamada dowladda Soomaaliya ay la wareegeen gacan ku haynta degmada Jowhar oo 90-km dhinaca waqooyi kaga beegan Muqdisho, sidoo kale afhayeenka Al-shabaab ayaa isaguna sheegay inay xeelad dagaal uga baxeen Jowhar.
Ciidamada Dowladda Somalia iyo AMISOM oo si Rasmi ah ula Wareegay Gacan ku haynta Magaalada Jowhar
12/9/2012 3:37 AM EST
Axad, December 09, 2012 (HOL) — Ciidamada dowladda Soomaaliya iyo kuwa AMISOM ayaa si rasmi ah ula wareegay gacan ku haynta degmada Jowhar ee xarunta gobolka Shabeellada dhexe; kaddib markii xoogagga Al-shabaab ay isaga baxeen aroornimadii hore ee maanta oo Axad ah.
Xoogaggii Ururka Al-shabaab oo isaga baxay Jowhar iyo Ciidamada Dowladda iyo AMISOM oo ku Wajahan Degmadaas
12/9/2012 2:03 AM EST
Axad, December 09, 2012 (HOL) — Wararka saakay laga helayo degmada Jowhar ee xarunta gobolka Shabeellada Dhexe ayaa sheegaya in xoogaggii Al-shabaab ay intooda badan isaga baxeen degmadaas iyadoo sii daayay maxaabiistii ay gacanta ku hayeen.
Bambaano lagu weeraray Shineemo Aflaam iyo Ciyaaro laga Daawanayay oo Sababtay Dhimasho iyo Dhaawac
12/9/2012 1:51 AM EST
Axad, December 09, 2012 (HOL) — Hal qof ayaa ku dhintay ku dhawaad shan qof oo kalena dhaawacyo kala duwan ayaa kasoo gaaray bambaano xalay fiidkii lagu weeraray shineemo Muqdisho oo ku taalla degmada Wadajir, xilli halkaas lagu daawanaya ciyaaro iyo filimaan kale.
Somali News
AU, Somali troops capture Islamist stronghold
-
AFP
12/9/2012 7:29 AM EST
Nairobi: African Union troops and Somali forces seized the formerly Islamist-held town of Jowhar on Sunday, wresting control of one of the largest remaining towns held by the Al Qaida linked Al Shabab, officials said.
Friends shocked after York University student shot in alleged home invasion
-
Toronto Star
12/9/2012 7:26 AM EST
Friends of a York University student killed in an alleged Mississauga home invasion early Friday are shocked by his sudden death.
President Welcomes Japans Direct engagement with Somalia.
-
OFP
12/9/2012 7:23 AM EST
(Mogadishu, Somalia, December, 08, 2012) The President of the Federal Republic of Somalia H.E. Hassan Sheikh Mohamud welcomed Japan’s decision to directly support the government of Somalia.
Sudanese extremist cell members planned to fight in Somalia
-
ST
12/9/2012 7:20 AM EST
December 8, 2012 (KHARTOUM) – Members of an extremist cell uncovered in East Sudan were planning to travel to Somalia and join ranks of Islamic insurgents there, Sudan Tribune has learned.
Northern Fleet ship to reinforce anti-piracy mission near Somali coast in January
-
RBTH
12/9/2012 7:19 AM EST
The Severomorsk anti-submarine ship from the Russian Northern Fleet in January will join a tactical unit of the Pacific Fleet ships, which is to start performing an anti-piracy mission near the Somali coast within the next few days, a Russian Navy Main Staff spokesperson told Interfax-AVN on Saturday.