3/29/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Axad, Dec 9 , 2012
Xoogaggii Ururka Al-shabaab oo isaga baxay Jowhar iyo Ciidamada Dowladda iyo AMISOM oo ku Wajahan Degmadaas

Axad, December 09, 2012 (HOL) — Wararka saakay laga helayo degmada Jowhar ee xarunta gobolka Shabeellada Dhexe ayaa sheegaya in xoogaggii Al-shabaab ay intooda badan isaga baxeen degmadaas iyadoo sii daayay maxaabiistii ay gacanta ku hayeen.

Goobjoogayaal ku sugan degmada ayaa sheegay in xoogaggii Al-shabaab ay isaga baxeen saakay goobihii ay ku sugnaayeen sida saldhigga booliiska iyo xarunta maamulka gobolka, waxayna sii maxaabiistii ay hayeen, iyadoo sidoo kalena la xiray goobihii ganacsiga.

"Xaaladdu waa mid kacsan, dagaalyahannadii Al-shabaab degmada way isaga baxeen, waxay sii daayeen maxaabiistii xabsiga ku jirtay, ganacsiga oo dhanna waa la xiray," ayuu yiri goobjooge ku sugan degmada Jowhar oo magaciisa sababo ammaan u qariyay.

Degmada Jowhar ayaa ah degmada ugu weyn ku hartay gacanta Al-shabaab, iyadoo ciidamada dowladda iyo kuwa AMISOM oo isgarabsanaya la sheegay inay ku wajahan yihiin degmadaas iyagoo maraya laba jid.

"Qof walba wadnaha ayuu farta ku hayaa... waxaa laga bayaa isbedelka dhacaya sida uu noqon doono... inkastoo Al-shabaab ay isaga baxeen degmada haddana cabsi weyn ayaa jirtay," ayay tiri haweeney ku sugan degmada Jowhar.

Ciidamada dowladda iyo kuwa AMISOM ayaa la sheegay inay degmadaas xalay u jirsadeen masaafo ka yar 10-km, taasoo loo maleynayo inay sababtay in Xoogagii Al-shabaab ay isaga baxaan degmadaas oo ay tan iyo sannadkii 2009 ka talinayeen.

Xukuumadda Soomaaliya ayaa u aragta degmada Jowhar oo 90-km waqooyi kaga beegan Muqdisho inay muhiim u tahay, waxaana tan iyo sannadkan bartamihiisii ay ciidamada dowladda iyo kuwa AMISOM wadeen qorshe ay ku doonayaan inay ku qabsadaan degmadaas.

Maxamed Xaaji Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya













Click here
12/9/2012 7:25 AM EST
Axad, December 09, 2012 (HOL) — Guddoomiyaha xisbiga talada haya ee KULMIYE, Muuse Biixi Cabdi ayaa beeniyay in xisbigiisu uu ku shubtay codadkii doorashada Somaliland ee bishii hore dhammaadkeeda la qabtay, isagoo sheegay in haddii ay cabsho jirto loo baahan yahay in laga dacwoodo maxkamadaha dalka.

12/9/2012 6:37 AM EST
Axad, December 09, 2012 (HOL) — Ciidamada booliska Kenya ayaa howlgallo ballaaran oo ay shalay ilaa xalay ka sameeyeen xaafadda Islii ku qab-qabtay in ka badan 300 oo qof oo u badan Soomaalida ku dhaqan xaafadda Islii.

12/9/2012 6:33 AM EST
Axad, December 09, 2012 (HOL) — Afhayeenka AMISOM ayaa xaqiijiyay in AMISOM iyo ciidamada dowladda Soomaaliya ay la wareegeen gacan ku haynta degmada Jowhar oo 90-km dhinaca waqooyi kaga beegan Muqdisho, sidoo kale afhayeenka Al-shabaab ayaa isaguna sheegay inay xeelad dagaal uga baxeen Jowhar.

12/9/2012 3:37 AM EST
Axad, December 09, 2012 (HOL) — Ciidamada dowladda Soomaaliya iyo kuwa AMISOM ayaa si rasmi ah ula wareegay gacan ku haynta degmada Jowhar ee xarunta gobolka Shabeellada dhexe; kaddib markii xoogagga Al-shabaab ay isaga baxeen aroornimadii hore ee maanta oo Axad ah.

12/9/2012 1:51 AM EST
Axad, December 09, 2012 (HOL) — Hal qof ayaa ku dhintay ku dhawaad shan qof oo kalena dhaawacyo kala duwan ayaa kasoo gaaray bambaano xalay fiidkii lagu weeraray shineemo Muqdisho oo ku taalla degmada Wadajir, xilli halkaas lagu daawanaya ciyaaro iyo filimaan kale.