Hiiraan Online
Monday, May 20, 2013
Today from Hiiraan Online:
Home
Somali Music
Somali Map
Sports
Opinion
RSS
Facebook
Twitter
Google Plus
Wararka Maanta-
Sabti, Dec 8 , 2012
Madaxweynaha Soomaaliya oo si adag u Cambaareeyay Qaraxii ka dhacay Xaafadda Islii ee Magaalada Nairobi
Sabti, December 08, 2012 (HOL) — Madaxweynaha dowladda Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud oo maanta dib ugu soo laabtay Muqdisho ayaa cambaareeyay qaraxii xalay ka dhacay xaafadda Islii ee magaalada Nairobi oo uu ku dhaawamay xildhibaan Yuusuf Xasan oo ka tirsan baarlamaanka Kenya.
Madaxweynaha ayaa tacsi u diray ehellada dadkii ku dhintay qaraxaas, isagoo wax laga xumaado ku tilmaamay in dadka Alle baryaya la weeraro, isagoo muujiyay sida uu uga xun yahay weerarkaas oo aanay jirin cid sheegatay mas'uuliyaddiisa.
"Arrin aad iyo aad u murugo badan ayaa xalay ka dhacday dalka Kenya, halkaasoo lagu weeraray dad muslimiin ah oo salaad tukanayay - qaarna ay ku dhinteen kuwo kale oo ay mas'uuliyad hayayna ay ku dhaawacmeen, waana arrin aad u fool xun oo aan islaamnimada iyo Soomaalinimada raad ku lahayn. Waxaana tacsi u diraynaa xukuumadda iyo shacabka Kenya, gaar ahaan dadkii ay ehelladooda dhimashada iyo dhaawacu kasoo gaartay weerarkaas," ayuu madaxweynuhu ku yiri shir jaraa'id oo uu ku qabtay garoonka diyaaradaha Muqdisho.
Madaxweynuhu wuxuu hadalkiisa ku daray inay gacan ka siinayaan sidii ammaanka loo adkeyn lahaa, isagoo ugu baaqay labada shacab inay iska kaashadaan sidii ay ku sugi lahaayeen amaanka magaalada Nairobi iyo magaaloooyinka kale ee ay inta badan ka dhacaan weerarrada noocan oo kale ah.
"Arrintan waxay na-tusaysaa labo waxyaabood; kuwaasoo kala aha: in dadka noocaas ah aysan wax xushmad iyo qadarin ah u hayn shacabka Soomaaliyeed iyo kuwa Kenya Kenya, waxaana codsanaynaa in hal meel looga soo wada-jeesto kuwa noocaas ah," ayuu madaxweynuhu ku yiri shirkiisa jaraa'id. Isagoo sheegay in Kenya ay ciidammo u soo dirtay Soomaalida si ay gacan uga geystaan nabad ku soo celinta Soomaaliya.
Sidoo kale; madaxweynaha Soomaaliya wuxuu sheegay in sababaha dhibaatooyinka u gaarayaan dalka Kenya ay tahay sidee u caawin kartaa Soomaaliya, isagoo xusay in xildhibaan Yuusuf Xasan uu ahaa mudane aad u jecel Soomaalida, wuxuuna muujiyay sida uu uga xun yahay dhaawaca gaaray.
Ugu dambeyn, madaxweynaha Soomaaliya wuxuu shirkiisa jaraa'id uga hadlay safar uu ku tagay dalka Turkiga kaasoo qaatay muddo afar maalmood ah, wuxuuna xusay in madaxda Turkiga uu lasoo galay heshiisyo lagu horumarinayo Soomaaliya, kuwaas oo intooda badan billlaaban doona sannadkan soo socda.
Madaxweynaha Soomaaliya wuxuu ammaanay taageeradii ay dowladda Turkiga ka fulisay Soomaaliya sannadkii hore xilli ay xalaad adagi jirtay, isagoo sheegay inuu xiriirka Soomaaliya iyo kan Turkiga noqon doono mid gaara meel sare.
Maxamed Xaaji Xuseen, Hiiraan Online
maxuseen@hiiraan.com
Muqdisho, Soomaaliya
Post your comments
Dadkii ku Dhintay Qaraxii Islii oo la Aasay iyo Madax sare oo katirsan Dowladda Kenya oo Booqday Xildhibaan Yuusuf Xasan [SAWIRRO]
12/8/2012 9:52 AM EST
Sabti, December 08, 2012 (HOL) — Waxaa maanta qabuuraha Muslimiinta ee magaalada Nairobi lagu aasay qaar kamid ah dadkii ku dhintay qaraxii xalay ka dhacay masaajid ku yaal xaafadda Islii ee magaalada Nairobi.
Xildhibaanno ka tirsan Baarlamaanka Soomaaliya oo Maanta Gaaray Xarunta Gobolka Hiiraan ee Baladweyne
12/8/2012 8:31 AM EST
Sabti, December 08, 2012 (HOL) — Xildhibaanno ka tirsan baarlamaanka Soomaaliya iyo koox fanaaniin ah ayaa maanta gaaray magaalada Baladweyne ee xarunta gobollka Hiiraan, halkaa oo ay ku soo dhaweeyeen mas’uuliyiinta ka tirsan maamulka gobolka.
Puntland oo Kordhisay xilliga Furashada Xisbiyada Siyaasadeed iyo Qiimihii Diiwaangelinta oo hoos loo dhigay
12/8/2012 8:22 AM EST
Sabti, December 08, 2012 (HOL) — Guddiga doorashada Puntland ayaa saddex toddobaad oo dheeraad ah ku kordhiyay mudada furashada xisbiyada oo xiligii horay loogu qabtay uu dhammaad ku dhow yahay.
Guddiga Doorahooyinka Somaliland oo sheegay in dib loogu noqonayo tirinta Codadka Magaalada Hargeysa
12/8/2012 7:35 AM EST
Axad, December 09, 2012 (HOL) — Guddiga Doorashooyinka Somaliland ayaa sheegay in dib loogu noqonayo tirintii sanaaduuqda degmadda Hargeysa ee natiijadeedu rabshaduhu ka dhasheen, isla markaana hakiyeen natiijadii ku meelgaadhka ahayd ee lagu dhowaaqay.
Maxkamadda Ciidamada Qalabka Sida ee Soomaaliya oo Xukun Xabsi daa'in ah ku ridday Taliyihii Ciidanka Asluubta
12/8/2012 7:24 AM EST
Sabti, December 08, 2012 (HOL) — Maxkamadda ciidamada qalabka sida ee Somalia ayaa xakun xabsi daa’in ah ku ridday maanta oo Sabti ah taliyihii hore ee ciidamada Asluubta Soomaaliyeed, Jen. Cabdi Maxamad Ismaaciil (Indho-buur) kaddib markii lagu eedeeyay inuu xabsiga dhexe kasii daayay 14 maxaabiis oo Al-shabaab ka tirsanaa.
Ururka Ahlusunna oo Degmada Dhuusomareeb ka mamnuucay in hubka lagu dhexqaato iyo in rasaas lagu dhex rido
12/8/2012 6:30 AM EST
Sabti, December 08, 2012 (HOL) — Maamulka Ahlusunna Waljamaaca ee gobolka Galguduud ayaa ka manuucay xarunta gobolkaas ee Dhuusomareeb in hub lagu dhex qaato iyo si macno-darro ah rasaas loogu dhex-rido, iyagoo sheegay inay tallaabo ka qaadi doonaan ciddii jabisa amarkaas.
MADAXWEYNE XASAN SHEEKH: "Madaxda Turkiga waxyaabihii ugu weynaa ee aan kala hadlay waa Ammaanka"
12/8/2012 3:10 AM EST
Sabti, December 08, 2012 (HOL) — Madaxweynaha Soomaaliya oo booqasho saddex maalmood qaadatay ku tagay dalka Turkiga ayaa sheegay in waxyaabihii ugu weynaa ee uu kala hadlay madaxda dalka Turkiga ay ugu muhiimsanaayeen sidii ammaanka dalka loo sugi lahaa.
Faahfaahin ku saabsan khasaaraha ka dhashay Qaraxii ka Dhacay Xaafadda Islii ee Magaalada Nairobi
12/8/2012 3:07 AM EST
Sabti, December 08, 2012 (HOL) - Shan qof ayaa ku dhimatay lix kalena waa ay ku dhaawacmeen qarax xalay lala eegtay Xildhibaan Yuusuf Xasan xilli uu dadweeyne kula hadlayay masaajid ku yaal wadada loo yaqaan Jam street oo ka tirsan xaafadda islii ee magaalada Nairobi.
Dhallinyarada Muqdisho oo kulan Talo is-dhaafsi ah la yeeshay Guddoomiyaha Baarlamaanka Soomaaliya
12/8/2012 3:04 AM EST
Sabti, December 08, 2012 (HOL) — Xarunta golaha shacabka ee Muqdisho ayaa lagu qabtay kulan ay talooyin iyo su’aalo ay isku dhaafsanayeen guddoomiyaha baarlamaanka Soomaaliya, Maxemed Cismaan Jawaari iyo dhallinyarada magaalada Muqdisho. Kulankan oo ahaa kii ugu horreeyay noociisa oo ay yeeshaan madaxda dalka iyo dhallinyarada Muqdisho.
Somali News
FAO official arrested in Baidoa for Al-Shabab affiliation
-
HOL
12/8/2012 6:10 PM EST
An FAO official was today arrested for having alleged connections with the Al Shabab in Baidoa, a city in south central Somalia.
Promise of low-cost apartments draws unruly crowd, police say
-
Columbus Dispatch
12/8/2012 5:27 PM EST
Columbus police used pepper spray early today to control and disperse a larger-than-expected crowd of people who had gathered at a Northeast Side church to sign up for a subsidized-housing waiting list.
With 18 killed this year, ‘lawless’ Somalia is the deadliest post for media workers
-
National Post
12/8/2012 5:23 PM EST
Mohamed Mohamud Turyare was walking home from a Mogadishu mosque on Oct. 21 when two gunmen shot him in the stomach. Doctors were preparing to transfer the 22-year-old Radio Shabelle reporter out of the country for treatment when he died a week later.
Insecurity in Puntland Underscores Somali Militants' Staying-Power
-
VOA
12/8/2012 5:18 PM EST
NAIROBI - utonomous Puntland region after being driven out of their strongholds in the south. Politicians from Puntland blame the region's government for creating conditions for insecurity.
Afduubkii diyaaraddii Lufthansa ee Muqdisho laga dejiyay bishii October 17keedii 1977
-
HOL
12/8/2012 4:18 PM EST
Afduubkii diyaaraddii Lufthansa ee Muqdisho laga dejiyay bishii October 17keedii 1977.
Death toll in the Friday night's blast in Eastleigh climbs to five
-
HOL
12/8/2012 3:19 PM EST
Nairobi, Kenya (HOL) - Five people succumb to injuries they suffered in the Friday night's blast in Eastleigh leaving at least nine people admitted in hospitals nursing serious injuries.
Second blast in 2 days hits Somali neighborhood in Kenya
-
CNN
12/8/2012 5:24 AM EST
Nairobi, Kenya (CNN) -- A blast ripped through a neighborhood in Kenya's capital, killing three people in the second attack in as many days targeting the predominantly Somali area.
What drives Mo Farah?
-
Guardian
12/8/2012 5:22 AM EST
Once, he spent time playing computer games and eating curry. So how did Mo Farah become a man driven enough to win double gold at the Olympics?
Man charged with Birzebbuga shooting
-
Times of Malta
12/8/2012 5:17 AM EST
A 63-year-old man from Birzebbuga was remanded in custody today after he pleaded not guilty to trying to kill a Somali at the his flat in Triq l-Ghannejja, Birzebbuga, on Wednesday.
F.A.O. appeals for famine funds and food for Somalia
-
Xinhua
12/8/2012 5:15 AM EST
NAIROBI (Xinhua) -- The UN Food and Agriculture Organization (FAO) is seeking 443 million U.S. dollars over the next three years to help Somalia recover from severe famine which ended early 2012.
Danish Refugee Council: Emergency shelter for Somali refugees in Ethiopia
-
DRC
12/8/2012 5:14 AM EST
War, drought and consequences of famine in Somalia continue to force people to seek refuge across the border in Ethiopia. There, Danish Refugee Council has provided shelter and emergency assistance to thousands, but more aid is needed in one the region’s fast growing refugee settlements.