4/19/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Khamiis, Dec 6 , 2012
Golaha Wasiirrada Xukuumadda Somalia oo isku raacay inaan laga ganacsan karin Dharka, Gaadiidka Ciidamada iyo Hubka
Khamiis, December 06, 2012 (HOL) — Golaha wasiirrada xukuumadda Soomaaliya ayaa kulan ay maanta ku yeesheen Muqdisho waxay ku mamnuuceen ka ganacsiga hubka iyo direyska ciidamada, iyagoo sidoo kalena isku raacay in dib looga billaabo dekedda Muqdisho dhoofka xoolaha.

Shirka maanta ayaa waxaa guddoominayay ra'iisul wasaaraha Soomaaliya, Cabdi Faarax Shirdoon (Saacid) iyadoo ay ka maqnaayeen saddex wasiir oo ka mid ah wafdiga madaxweynaha ee safarka ku jooga dalka Turkiga, iyadoo shirka kaddib uu saxaafadda la hadlay wasiirka khayraadka dalka, Cabdirisaaq Cumar Maxamed.

"Golaha wasiirradu waxay si buuxda u mamnuuceen ka ganacsiga labiska ciidamada, gaadiidka ay isticmaalaan ciidamada iyo hubka, ciddii lagu helana go'aan cad ayay xukuumaddu ka qaadanaysaa," ayuu yiri wasiirka wasaaradda khayraadka dalka.

Wasiirku wuxuu hadalkiisa ku daray inaan ganacsi ahaan dalka loo keeni karin, sidoo kalena aan la arki karin cid tolaysa dharka ciidamada oo uu sheegay in qodobkan uu ahaa midkii ay aadka uga hadleen golaha wasiirrada intii uu shirkoodu socday.

"Hubka, rasaasta iyo baabuurta ciidamada ayaa ka mid ah kuwa la mamnuucay oo aan dib dambe dalka ganacsi ahaan loo keeni karin," ayuu yiri wasiirka, isagoo aan sheegin sida ay xukuumaddu ka yeelayso gaadiidka ciidmada ee hadda la wato iyo hubka lagu iibinayo caasimadda dhexdeeda.

Magaalada Muqdisho ayaa waxaa ku yaalla suuqyo lagu iibiyo hubka iyo dharka ay ciidamadu xirtaan, iyadoo dowladdii KMG ahayd ay dhowr jeer isku daysay inay la dagaalanto suuqyada hubka lagu iibiyo, inkastoo aan natiijo weyn laga gaarin.

Dhanka kale, wasiirka wasaaradda khayraadka dalka ayaa sheegay in sidoo kale ay isku raaceen golaha wasiirrada xukuumadda Soomaaliya in dib loo billaabo dhoofinta xoolaha Soomaalida.

"Qodobka kale ee go'aanka laga gaaray waa in dekedda weyn ee Muqdisho dib looga billaabo dhoofinta xoolaha, iyadoo kasoo shaqeynta arrintaa loo xilsaaray shan wasiir iyo ganacstada xoolaha," ayuu yiri wasiirka khayraadka dalka.

Shirka golaha wasiirrada ee maanta ayaa noqonaya kii labaad oo go'aanno ay kasoo saaraan wasiirrada Soomaaliya tan iyo intii codka kalsoonida ay ka heleen golaha baarlamaanka Soomaaliya bishii lasoo dhaafay.

Maxamed Xaaji Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya