4/18/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Khamiis, Dec 6 , 2012
Ciidamada Maamulka Gobolka Hiiraan iyo AMISOM oo ku howlan sidii Amniga Beledweyne lagu sugi lahaa

Khamiis, December, 06, 2012 (HOL) --  Tan iyo wixii ka danbeeyay dhawaan markii ay rag hubeysan ku toogteen magaalada Baladweyne guddoomiyihii gollaha odayaasha dhaqanka gobollka Hiiraan nabadoon Max’ed Shiikh Xusseen Maryacade, ciidamada maamulka gobollka iyo AMISOM waxaa ay ku howlanaayeen sidii loo xoojin lahaa amniga magaalada.

Howlgalkan ayeey ku sheegeen saraakiisha maamulka gobollka Hiiraan in uu yahay mid looga hortago falalka amaanka ka dhan-ka ah, islamarkaana ciidamada ku bar-itlmaamsanayaan shaqsiyaad la tuhunsan yahay, waxayna intaa ku darreen in uu socon doono ilaa laga xaqiijinayo amniga magaalada Baladweyne.

Taliyaha saldhigga booliska magaalada Baladweyne Col Cali Dhuux Mahad Alla ayaa sheegay in ay hadda gacanta ku hayaan dad uu ku sheegay danbiilayaal oo dhamaantood ay soo qabteen iyagoo ku howlan falal amaanka ka dhan ah, waxaana uu intaa raaciyay in dadka howlgallada lagu soo qabtay maxkamad la horkeeni doono cidii aan danbi laheyna leyska sii deyn doono.

‘’Wey naga go’an tahay in aan wax badan ka qabanno amaanka, waayo shacabka ayaan u dhaaranay, ma ogolaan doonno in kooxo fidno wadayaal ah wixii ay doonaan ka sameeyaan magaalada," ayuu yiri taliyaha saldhiga booliska magaalada Baladweyne.

Taliyaha waxaa uu ugu baaqay shacabka in ay gacan buuxda siiyaan ciidamada ku howlan sugidda amniga, si looga guuleeysto ayuu yiri kooxaha doonaya in ay qal-qal galiyaan nabad-galyada.

Ciidamada dowladda Jabuuti ee howlgalka AMISOM ayaa hadda si buuxda u degan saldhigga magaalada Baladweyne, waxaana la howlgala ciidamo ka tirsan maamulka gobollka Hiiraan oo kol hore tababar loo soo xiray.

C/raxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected] 
Baladweyne, Soomaaliya