4/17/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Arbaco, Dec 5 , 2012
Ciidamada Puntland iyo Xoogagga Al-shabaab ee Buuraleyda Golis oo xalay ku dagaalamay Deegaanka Sugurre

Arbaco, December 05, 2012 (HOL) — Ugu yaraan 11 askari oo labada dhinac ah ayaa ku dhintay dagaal deegaanka Sugurre ee gobolka Bari xalay saqdii dhexe ku dhexmaray ciidamada Putland iyo xoogagga Al-shabaab ee Buuraleyda Gollis iyo qarax lala beegsaday gaari ay wateen ciidamada Puntland.

Dagaalka ayaa qarxay kaddib markii xoogagga Al-shabaab ee Golis ay weerar kaddis ah ku qaadeen deegaanka Sugurre oo 45-km dhinaca Koonfur-galbeed kaga beegan degmada Boosaaso halkaasoo ciidamada Puntland ay difaac uga jireen, waxaana uu dagaalku socday muddo laba saacadoo ah.

Afar ka mid ah labada dhinac ee dagaalku u dhexeeyay ayaa ku dhintay, toddoba kalena way ku dhaawacmeen, iyadoo gaari ay wateen ciidammo ka tirsan Puntland oo gurmad ah uu qarax haleelay, iyadoo isla goobta ay ku dhinteen shan askari halka laba kalena ay ku dhinteen isbitaalka Boosaaso.

Xaaladda ayaa saakay deggen iyadoo ciidamada Puntland ay ku sugan yihiin halkii lagu soo weeraray, halka xoogaggii Al-shabaab ay dib ugu laabteen goobihi ay ka yimaadeen markii hore.

Maamulka Puntland iyo Al-shabaab ayaana labadaba ka hadlin dagaalkii qaraaraa ee xalay ka dhacay deegaanka Sugurre, kaasoo noqonaya kii ugu cuslaa ee dhexmara labada dhinac muddo shan bilood laga joogo.

Dagaalkan ayaa imanaaya iyadoo mas'uuliyiinta Puntland ay dhawaan sheegeen in xoogagga Al-shabaab ay kusoo qulqulayaan deegaanno ka tirsan Puntland kaddib markii looga adkaaday dagaallo ka dhacay Koonfurta Soomaaliya.

Maxamed Xaaji Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya