4/16/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Talaado, Dec 4 , 2012
Ra'iisul Wasaaraha Soomaaliya oo sheegay in Gobollada Dhexe iyo Magaalada Kismaayo uu u kala dirayo Laba Wafdi
Talaado, December 04, 2012 (HOL) — Ra'iisul wasaaraha Soomaaliya, Cabdi Faarax Shir-doon (Saacid) oo warbaahinta la hadlay ayaa sheegay in wafdiyo heer wasiir ah ay xukuumaddiisu u dirayso gobollada dhexe iyo magaalada Kismaayo oo uu weli ka taagan yahay muran dhinaca maamulka ah.

Mudane Saacid ayaa sheegay in wafdi ka kooban illaa saddex wasiir uu u diri doono gobollada dhexe ee Soomaaliya si ay u soo qiimeeyaan baahida ka jirta gobolladaas, si ay dowladdu wax uga qabato baahida ammaan iyo midda horumarineed ee ka jirta gobolladaas.

"Gobollada dhexe waxaan u diri doonnaa wafdi ballaaran oo ka kooban ugu yaraan saddex wasiir iyo in ka badan oo talo naga soo siiya sidii wax looga qaban lahaa kuwa khatarta ku ah nabadda iyo maamul u sameynta gobolladaas iyo weliba qorshaha horumarinta gobolladaas," ayuu yiri ra'iisul wasaare Saacid.

Sidoo kale, ra'iisul wasaaruhu wuxuu ammaanay ururka Ahlusunna oo uu sheegay in iyagoo aan kaalmo ka helin dowladda ay iska difaaceen Al-shabaab, isagoo sidoo kale ku ammaanay inay go'aansadeen inay ka mid noqdaan biiraan dowladda.

Ra'iisul wasaaruhu ayaa dhanka kale sheegay in xukuumaddiisa ay wafdi sare u diri doono magaalada Kismaayo ee gobolka Jubbada hoose si ay uga shaqeeyaan sidii maamul loogu sameyn lahaa gobollada Jubbooyinka.

"Waxaan ammaanayaa sida ay dadka ku nool Kismaayo xil isaga saareen sidii ay ku sugi lahaayeen ammaanka magaladooda ayna uga hortageen gaadiid waxyaabaha qarxa laga soo buuxiyay, waxaana u diri doonnaa wafdi heer sare ah," ayuu Saacid yiri oo intaas ku daray in qorshaha dowladda ee Kismaayo uu yahay sidii maamul wanaagsan looga hirgelin lahaa," ayuu yiri ra'iisul wasaare Saacid.

Ugu dambeyn, ra'iisul wasaaraha Soomaaliya wuxuu sheegay in madaxweyaha Soomaaliya Xasan Sheekh uu 12-ka bishan ku tegi doono dalka Kenya safar la xiriira maamul u sameynta Jubbooyinka.

Maxamed Xaaji Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya