4/19/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Isniin, Dec 31, 2012
Xiisad Dagaal oo ka taagan Degmada Baardheere ee Gobolka Gedo

Isniin, December 31, 2012 (HOL) —Xaalad kacsanaan ah ayaa laga soo sheegayaa magaalada Baardheere ee gobolka Gedo, halkaasoo ay gacanta ku hayaan xoogagga Xarakada Al-shabaab.

Ciidamada dowladda Soomaaliya iyo kuwa Kenya ee isgarabsanaya ayaa lagu soo waramayaa in deegaanada ku dhowdhow degmadaasi ay ka wadaan dhaqdhaqaaqyo aad u xooggan oo ay ku doonayaan in ay kusoo weeraraan magaalada Baardheere.

Goobjooge ka gaabsaday in magaciisa la xigto ayaa HOL u sheegay in magaalada ay ka jirto xaalad kacsanaan ah, wuxuuna xusay in xoogagga Al-shabaab ay wadaan diyaargarow aad u xooggan oo ay ku doonayaan in ay kaga hortagaan duulaanka kusoo fool leh.

“Xaaladda magaalada aad ayay u kacsantahay, waxaa lasoo sheegayaa in ciidamada dowladda iyo kuwa Kenya ay weerar kusoo yihiin magaalada,” ayuu goob jooguhu hadalkiisii raaciyay.

Col Cabaas Ibraahim Gureey oo ka mid ah saraakiisha horkaceysa ciidamada dowladda ee ka dagaalama gobollada Jubooyinka iyo Gedo oo aan qadka telefonka kula xiriirnay ayaa sheegay in maalmaha fooda nagu soo hayo ay gacanta ku dhigi doonaan magaalada Baardheere.

“Ciidamadu waxay kaabiga ku hayaan magaalada Baardheere, qorshuhuna wuxuu yahay in Al-shabaab laga xoreeyo goobaha ay uga suganyihiin gobolka,” ayuu masuulkani hadalkiisii raaciyay.

Xiisadahani dagaal ee kasoo cusboonaaday gobolka Gedo ayaa kusoo beegmaya xilli dhawaan wafdi uu hogaaminayo wasiirka gaashaandhigga dowladda Soomaaliya ay gaareen gobolkaaasi Gedo, halkaasoo ay kulamo kula qaateen madaxda maamulka gobolka iyo saraakiisha ciidamada, iyagoona sidoo kale lacago mushaaraad ah gudoonsiiyay ciidamada dowladda ee ka dagaalama gobolkaasi.

 

Xasan Nuur, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya