4/19/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Isniin, Dec 31, 2012
Ahlusunna oo shaacisay inay ciidamadeeda geilysay heegan buuxa baaqna u dirtay Dowladda Soomaaliya
Isniin, December 31, 2012 (HOL) — Mas’uuliyiinta Ahlusunna Waljamaaca ayaa war-murtiyeed ay kasoo saareen shir muddo toddobaad ah uga socday magaalada Dhuuso-mareeb ee xarunta gobolka Galguduud waxay ku sheegeen in heegan buuxa la geliyay ciidamadooda, isla markaana la siinayo tababrro ay uga mid noqdaan ciidamada dowladda Soomaaliya.

Guddoomiye ku xigeenka golaha fulinta ee Ahlusunna, Sheekh Axmed Cabdullaahi Ilka-case oo warbaahinta la hadlay ayaa sheegay inay sidoo kale dhameystirayaan maamullada deegaannada ay Ahlusunna ka kaga sugan tahay gobolka Galguduud.

Qodobbadii kasoo baxay war-murtiyeedka ururka Ahlusunna oo saxaafadda uu u akhriyay Sheekh Axmed Ilka-case ayaa waxay kala ahaayeen:

    In heegan buuxa la geliyo ciidamada Ahlusunna ee gobollada dhexe.
    In ciidamada loo dhiso noocyada kala duwan ee ciidamada sida: booliis, milateri, nabadsugid iyo asluub.
    In la dhameystiro maamullada deegaannada ay ka arrimiso Ahlusunna ee gobollada dhexe.
    In loo diyaar-garoobo dhismaha maamul gobolkeedka gobollada dhexe ee Soomaaliya.

Sidoo kale, mas’uuliyiinta Ahlusunna ayaa waxay baaq u direen dowladda Soomaaliya, iyagoo ka dalbaday inay wafdi heer sare ah u soo dirto gobollada dhexe si ay ugu kuurgalaan xaaladda ammaan ee gobollada.

Sheekh Axmed Ilka-case ayaa wuxuu ku eedeeyay Xarakada Al-shabaab inay maalin walba ku dilaan gobollada qiyaastii 10-qof oo ay qoorta ka jaraan, inkastoo Al-shabaab aysan hadalkaas wax jawaab ah ka bixin.

Ugu dambeyn, mas’uulka u hadlay Ahlusunna Waljamaaca ayaa wuxuu ugu baaqay dalalka deeqaha bixiya inay gargaar u fidiyaan dadka dhibaatadu ku hayso gobollada dhexe, wuxuuna sidoo kale beelaha k dagaalamaya gobolka ugu baaqay inay colaadaha dhexdooda ah joojiyaan nabaddana adkeeyaan.

Maxamed Xaaji Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya