4/19/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Isniin, Dec 12, 2012
Maxkamado ku yaalla Mareykanka oo Xukunno kala duwan ku ridday Laba qof oo Taageero u fidiyay Al-shabaab
Arbaco, December 12, 2012 (HOL) — Maxkamad ku taalla magaalada San Diego ee dalka Mareykanka ayaa gabar Soomaaliyeed oo lagu eedeeyay inay lacag gaaraysa 1,450 doollar u dirtay dalka Mareykanka ku xukuntay sideed sano oo xabsi ah, sidoo kale maxkamaddu waxay xukuntay nin Suuriya u dhashay oo la sheegay inuu doonayay inuu ku biiro Al-shabaab.

Nimca Cali Yuusuf oo 26-jir ah ayuu garsooraha maxkamaddu sheegay inay dambiga qiratay bishii December ee sannadkii hore, ayna sheegtay inay lacago ay qalab ku iiibsadaan u dirtay Al-shabaab oo Mareykanka looga aqoosan yahay argagaxiso.

Gabadhan ayaa waxay ka mid tahay Soomaali badan oo loo haysto inay taageero u fidiyeen Xarakada Al-shabaab, kuwaasoo ay baaritaanno ku hayso maxkamad ku taalla gobolka Minnesota. Iyadoo la sheegay in gabadhan ay lacagta ku hagaajisay afar xubnood oo ka tirsan Al-shabaab.

Hay'adda FBI ayaa sheegtay in gabadhan ay lacagaha kala dirtay sannadihii 2009 iyo 2010 oo ay Soomaaliya ka socdeen dagaallo u dhexeeya Al-shabaab iyo dowladdii KMG ahayd ee ay Qaramada Midoobay taageeraysay.

Dhanka kale, maxkamad ku taalla magaalada Chicago ayaa waxay 10 sano oo xabsi ah ku xukuntay nin u dhashay dalka Suuriya oo lagu magacaabo Shakir Masir oo 29-jir ah, iyadoo lagu eedeeyay inuu doonayay inuu xeryo ay Al-shabaab ku leedahay Soomaaliya tababarro kusoo qaato.

Shakir ayaa qirtay dambiga lagu soo eedeeyay bishii July ee sannadkan, isagoo sidoo kale sheegay inuu qalab ku taageeray Al-shabaab oo Mareykanka looga aqoonsan yahay koox argagaxiso ah. Iyadoo ninkan uu ka mid yahay dad badan oo lagu xiray dalka Mareykanka kuwaasoo lagu eedeeyay inay taageereen Al-shabaab.

Masri wuxuu ku dhashay gobolka Alabama ee dalka Mareykanka, balse wuxuu ku noolaa magaalada Chicago, isagoo la xiray sannadkii 2010 wax-yar ka hor isagoo doonayay inuu u safro dalka Soomaaliya. Isagoo qirtay inuu doonayay inuu si mutadawacnimo ah uu uga barbar dagaalamo A-shabaab.

Maxamed Xaaji Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya