3/19/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Isniin, Dec 10, 2012
Wasiirka Gaashaandhigga Somalia iyo Saraakiil Booqasho ku tagay Degmada Jowhar ee Gobolka Shabeellada Dhexe
Isniin, December 10, 2012 (HOL) — Wasiirka gaashaandhigga Soomaaliya, C/xakiin Maxamuud Xaaji Fiqi iyo saraakiil uu hoggaaminayo ayaa maanta degmada Jowhar ee xarunta gobolka Shabeellada dhexe halkaasoo ay ciidamada dowladda iyo kuwa AMISOM shalay kala wareegeen xoogaggii Al-shabaab, iyadoo wasiirku uu sheegay in xaalad deggenaasho ah ay ka jirto degmadaas.

Mudane C/xakiin iyo wafdigiisa ayaa maray dhulka, wuxuuna sheegay inay si nabad-galyo ah ku tageen degmada Jowhar ayna dadka ku nool degmadaas si wanaagsan u soo dhaweeyeen isaga iyo wafdigiisa.

"Aad ayaan ugu faraxsanahay inaan degmada Jowhar safarkaygii ugu horreeyay ku imaado aniga oo ay i wehlinayaan saraakiil ka tirsan ciidamada dowladda, xaaladda degmada way wanaagsan tahay, dadkuna si diirran ayay noosoo dhaweeeyeen," ayuu yiri wasiirka gaashaandhigga Soomaaliya.

Degmada Jowhar oo 90-km dhinaca waqooyi kaga beegan Muqdisho ayaa waxay ciidamada dowladda iyo kuwa AMISOM kula wareegeen iyadoo aanu wax dagaal ah oo weyn dhicin, waxayna degmadan ka mid noqonaysaa degmooyinkii sannadka laga qabsaday Al-shabaab.

"Qorshuhu waa mid ciidan, balse qorshaha degsan waa in ciidamada dowladda ay u sii gudbaan gobolka Hiiraan gaar ahaan degmada Buulo-burte oo daris la ah gobolka Shabeellada dhexe," ayuu yiri wasiirka gaashaandhigga Soomaaliya oo ka jawaabay su'aal ahayd in howgalku uu sii soconayo in kale.

Ciidamada dowladda Soomaaliya oo kaashanaya kuwa AMISOM ayaa waxay tan iyo sannadkan deegaanno badan kala wareegeen Al-shabaab; waxaana goobaha ay la wareegeen ka mid ah degmada Marko ee xarunta gobolka Shabeellada hoose oo 90-km dhinaca Koonfureed ka xigta Muqdisho.

Ugu dambeyn, dadweynaha ku nool degmada Marko ayaa sheegay in xaaladdu ay maanta tahay mid deggen, sidoo kalena aysan jirin wax dhibaatooyin ah ciidamadu ay u geysteen, waxaana maanta dib u furmay goobaha ganacsiga oo illaa shalay xirnaa.

Maxamed Xaaji Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya












Click here
12/10/2012 3:21 PM EST
Isniin, December 10, 2012 (HOL)- Magaalada Boosaaso ee xarunta gobolka Bari waxaa maanta ka dhacday munaasabad lagu daah furayey mashruuc lagu ballarinayo garoonka magaalada Boosaaso oo ah kan ugu weyn deegaanada Puntland.

12/10/2012 11:43 AM EST
Isniin, December 10, 2012 (HOL) —Waxaa soo hagaageysa xaaladda caafimaad ee xildhibaan Yuusuf Xasan oo uu dhawaan dhaawac kasoo gaaray qarax xooggan oo lagula eegtay afaafka hore ee masjidka Al-hidaya oo ku yaal xaafadda Islii ee magaalada Nairobi.

12/10/2012 8:48 AM EST
Isniin, December 10, 2012 (HOL) — Madaxweynaha Somaliland, ayaa markii ugu horaysay ka hadlay rabshadihii ka dhacay magaaladda Hargeysa ee dhimashada iyo dhaawaca sababay, waxaanu guddida doorashooyinka usoo jeediyey inay masuuliyada doorashadu ay iyaga saarantahay, isla markaana loo baahan yahay inay soo saaraan wax ummadda ku qanacdo.

12/10/2012 8:43 AM EST
Isniin, December 10, 2012 (HOL) — Hay'adda WAANO oo ka shaqeynsa ka hortagga nafqo-darrada iyo taageerada haweenka Soomaaliyeed ayaa Muqdisho ku qabatay xaflad loogu mahad-naqayo Maama Xaawo Aadan Maxamed oo dhawaan la siiyay abaalmarin ay ku muteysatay gargaaridda barakacayaasha.

12/10/2012 7:19 AM EST
Isniin, December 10, 2012 (HOL) — Guddida doorashooyinka qaranka Somaliland iyo xisbiyada, ayaa kulan ay albaabadu u xidhan yihiin ku yeeshay magaaladda Hargeysa, kaas oo ay kaga arrinsanayaan qaabka dib loogu eegi doonno tirinta codadka degmadda Hargeysa.

12/10/2012 7:01 AM EST
Isniin, December 10, 2012 (HOL) — Hay'adda ILO iyo haya'dda Horn For Relief and Development (HRD) ayaa maanta tababar lagu kobcinayo hal-abuurka ganacsiga haweenka Soomaaliyeed Muqdisho uga furay 25 xubnood oo ka kala socday urrurada ganacsiga iyo dowadda Soomaaliya, iyadoo fulinta tababarka ay qayb ka tahay hay'adda horumarinta haweenka Soomaaliyeed ee IIDA.

12/10/2012 6:29 AM EST
Isniin, December 10, 2012 (HOL)- Dadweynaha Somaliland, ayaa labaddii maalmood ee u dambeeyey hadal hayey qaabka dib loogu noqonayo tirinta codadka degmadda Hargeysa, kaas oo ay is waydiinayeen sida loogu qanci karo hadii mar kale wax is bedelaan oo dad guulaysatay la yidhaa may helin.

12/10/2012 5:03 AM EST
Isniin, December 10, 2012 (HOL) —Kooxo hubeysan oo aan heybtooda la aqoon ayaa magaalada Garissa ee xarunta gobolka waqooyi bari Kenya ku toogtay Askari katirsan ciidamada ammaanka Kenya iyo qof rayid ah, iyadoona sidoo kale dhaawac gaarsiiyay mid kale.

12/10/2012 2:35 AM EST
Isniin, December 10, 2012 (HOL) — Madaxweynaha dowladda Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud ayaa sheegay in dowladdu aysan ogolaan doonin inay dib u soo isbaarooyinkii la qaaday, isagoo sidoo kalena sheegay inaysan u dulqaadanayn in ruux ku labisan dharka ciidamada uu dhibaatooyo shacabka.