3/19/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Isniin, Dec 10, 2012
Dadweynaha Somaliland oo cabsi ka muujiyey inay dhibaato keento tirinta codadka ee degmada Hargeysa ee dib loogu noqday

Isniin, December 10, 2012 (HOL)- Dadweynaha Somaliland, ayaa labaddii maalmood ee u dambeeyey hadal hayey qaabka dib loogu noqonayo tirinta codadka degmadda Hargeysa, kaas oo ay is waydiinayeen sida loogu qanci karo hadii mar kale wax is bedelaan oo dad guulaysatay la yidhaa may helin.

Inta badan goobaha la iskugu yimaado waxay dadku ku mashquulsanaayeen qaabka dib loogu noqonayo tirinta codadka iyo suurtagalnimad arrintaasi oo dadku intood badan ku tilmaamayaan inay dhibaato kale oo
ka weyn tii hore ay horseedi karto, waxaanay dadweynuhu eedda arrintaasi ku eedeeyeen guddida doorashooyinka.

“Arrintan (Dib u tirinta dambe) waxaan u arkaa inay khalad tahay waana arrin iga yaabisay, wixii ka soo baxana waxa masuulkeeda qaadi doonta guddida doorashooyinka, waayo iyaga bad isku furay oo go’aan dhacay ka daba yimid”sidaas waxa ku dooday Xamse Maxamuud oo ka mid ah dhallinyaradda magaaladda Hargeysa.

Maxamuud Xuseen ayaa isna arrintan ay ku talaabsadeen guddida doorashooyinka ku tilmaamay mid dhibaato usoo jiidi karta shacabka Somaliland, isla markaana qofkasta oo cabasho qabaa samayn karo qaab
dib loogu tiriyo “jidkan ay fureen guddida doorashooyinka waxay noqonaysa tusbax furmay, waayo qof kasta ama deegaankasta oo cabasho qaba waxa uu samayn doonaa qaabkan oo kale si loogu noqdo, sidaa
darteed waxay ahayd in aan dib loogu noqon waxaana ka cabsi qabaa inay dulmi kale ku talaabsadaan guddida doorashooyinku” “mar haddii ay go’aan qaateen guddida doorashooyinku waxay ahayd inay
ku adkaystaan khalad iyo sax kay doonto ha ahaatee, may ahayn inay dib ugu noqdaan oo dib loo tiriyo, ta labaad waxa markii horaba farta lagu gudayey guddidan inay wax iska bedeleen qaabkii ay doorashooyinkii
hore u qabteen, oo ay sanadkan ka muuqato maamul xumo, waxayna doorteen arrin adag, waxaana ilaahay ka baryeyaa  inuu khayr inoogu bedelo”ayuu yidhi Maxamuud Maxamed oo isna aragtidiisa ka dhiibanayey.

Axmed Muxumed jaamac oo isna arrigtidiisa ku aadan dib u tirinta degmada Hargeysa  ka dhiibanaya waxa uu yidhi “ runtii aad baan uga naxay arrintan ka soo yeedhay guddida dorashooyinka, guddidan waxay u
muuqdaan qaar habranaya oo cabsi badani ku jirto, mar haddii uu qofku garsoor yahay waxa fiican inuu go’aan qaadasho leeyahay, imika sideey u suurogalaysa qof loogu dhowaaqay inuu ku guulaystay inla yidhaa
kumaad guulaysan, anigu waxaanka baqayaaa inay guddidani shacabkan nabadda ah galaafato oo isku dhufato”

Si kastaba ha ahaatee, dadweynaha intoodda badan ayaa ka biyo diiday ka noqoshada go’aankooddii hore, waxaanay dadku ka warwar qabaan mar labaad natiijadda dambe ee soo baxday haddii wax iska bedelaan tii hore cida qaadan doonta iyo sida aanay suurtogal ahayn in qof guulaystay mar kale la yidhaa muu gulaysan oo wuu hadhay, halka mid hore loo shaaciyey inuu hadhayna soo bixi karo, taasina ay abuuri karto khilaaf hor leh.

Arrintan ayaa rajo fiican ku abuurtay musharaxiin badan oo la sheegay inay hadheen oo maalmihii ina dhaafay ku dooday in aany hadhin ee ogaan loo reebay, halka kuwii soo baxayna ka warwarayaan in tirintan
dambe galaafato guushii ay u sacabo tumayeen oo ay hadhaan.

Si kastaba wax  ha u jiraane, dad badan ayaa aaminsan in degmadda Hargeysa ay ahayd degmada ugu fiican qaabka loo tirinayey marka loo eego degmooyinka kale,sidaa darteed aanay wax badan is bedeli doonin.

Barkhad-Ladiif  M. Cumar, Hiiraan Online
[email protected]
Hargeysa, Somaliland













Click here
12/10/2012 3:21 PM EST
Isniin, December 10, 2012 (HOL)- Magaalada Boosaaso ee xarunta gobolka Bari waxaa maanta ka dhacday munaasabad lagu daah furayey mashruuc lagu ballarinayo garoonka magaalada Boosaaso oo ah kan ugu weyn deegaanada Puntland.

12/10/2012 11:43 AM EST
Isniin, December 10, 2012 (HOL) —Waxaa soo hagaageysa xaaladda caafimaad ee xildhibaan Yuusuf Xasan oo uu dhawaan dhaawac kasoo gaaray qarax xooggan oo lagula eegtay afaafka hore ee masjidka Al-hidaya oo ku yaal xaafadda Islii ee magaalada Nairobi.

12/10/2012 8:48 AM EST
Isniin, December 10, 2012 (HOL) — Madaxweynaha Somaliland, ayaa markii ugu horaysay ka hadlay rabshadihii ka dhacay magaaladda Hargeysa ee dhimashada iyo dhaawaca sababay, waxaanu guddida doorashooyinka usoo jeediyey inay masuuliyada doorashadu ay iyaga saarantahay, isla markaana loo baahan yahay inay soo saaraan wax ummadda ku qanacdo.

12/10/2012 8:43 AM EST
Isniin, December 10, 2012 (HOL) — Hay'adda WAANO oo ka shaqeynsa ka hortagga nafqo-darrada iyo taageerada haweenka Soomaaliyeed ayaa Muqdisho ku qabatay xaflad loogu mahad-naqayo Maama Xaawo Aadan Maxamed oo dhawaan la siiyay abaalmarin ay ku muteysatay gargaaridda barakacayaasha.

12/10/2012 7:19 AM EST
Isniin, December 10, 2012 (HOL) — Guddida doorashooyinka qaranka Somaliland iyo xisbiyada, ayaa kulan ay albaabadu u xidhan yihiin ku yeeshay magaaladda Hargeysa, kaas oo ay kaga arrinsanayaan qaabka dib loogu eegi doonno tirinta codadka degmadda Hargeysa.

12/10/2012 7:01 AM EST
Isniin, December 10, 2012 (HOL) — Wasiirka gaashaandhigga Soomaaliya, C/xakiin Maxamuud Xaaji Fiqi iyo saraakiil uu hoggaaminayo ayaa maanta degmada Jowhar ee xarunta gobolka Shabeellada dhexe halkaasoo ay ciidamada dowladda iyo kuwa AMISOM shalay kala wareegeen xoogaggii Al-shabaab, iyadoo wasiirku uu sheegay in xaalad deggenaasho ah ay ka jirto degmadaas.

12/10/2012 7:01 AM EST
Isniin, December 10, 2012 (HOL) — Hay'adda ILO iyo haya'dda Horn For Relief and Development (HRD) ayaa maanta tababar lagu kobcinayo hal-abuurka ganacsiga haweenka Soomaaliyeed Muqdisho uga furay 25 xubnood oo ka kala socday urrurada ganacsiga iyo dowadda Soomaaliya, iyadoo fulinta tababarka ay qayb ka tahay hay'adda horumarinta haweenka Soomaaliyeed ee IIDA.

12/10/2012 5:03 AM EST
Isniin, December 10, 2012 (HOL) —Kooxo hubeysan oo aan heybtooda la aqoon ayaa magaalada Garissa ee xarunta gobolka waqooyi bari Kenya ku toogtay Askari katirsan ciidamada ammaanka Kenya iyo qof rayid ah, iyadoona sidoo kale dhaawac gaarsiiyay mid kale.

12/10/2012 2:35 AM EST
Isniin, December 10, 2012 (HOL) — Madaxweynaha dowladda Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud ayaa sheegay in dowladdu aysan ogolaan doonin inay dib u soo isbaarooyinkii la qaaday, isagoo sidoo kalena sheegay inaysan u dulqaadanayn in ruux ku labisan dharka ciidamada uu dhibaatooyo shacabka.