4/20/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Isniin, Dec 10, 2012
Madaxweynaha Dowladda Somalia oo sheegay inaysan dib u soo laabanayn Isbaarooyinkii la qaaday (SAWIRRO)


Isniin, December 10, 2012 (HOL) — Madaxweynaha dowladda Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud ayaa sheegay in dowladdu aysan ogolaan doonin inay dib u soo isbaarooyinkii la qaaday, isagoo sidoo kalena sheegay inaysan u dulqaadanayn in ruux ku labisan dharka ciidamada uu dhibaatooyo shacabka.

Xasan Sheekh ayaa hadalkan ka sheegay kulan uu ururrada bulshada rayidka ah kula yeeshay xalay xarunta madaxtooyada Soomaaliya, isagoo sheegay in ciidamadii joogay isbaarooyinka loo sameyn doono dhaqan-celin.

"Lixdan isbaaro ayaa magaalada Muqdisho taallay, Alle mahaddiisna dhamaantood maanta waa la qaaday - waana arrin lagu faano, inaysan dib u soo labanna waa mid mas'uuliyadeeddu ay na saaran tahay," ayuu yiri Xasan Sheekh oo xusay in la arkay in isbaarada si fudud lagu qaadi karo.

Madaxweynuhu wuxuu hadalkiisa ku daray inaan loo dulqaadan doonin in dad dharka ciidamada ku labisan ay dhibaatooyin u geysatana dadka shacabka ah, isagoo intaa ku daray in kooxihii isbaarooyinka laga qaaday loo sameyn doono dhaqan-celin si aysan dib ugu soo laaban

"Waxaa Muqdisho ka socda qorshe lagu dhisayo xarumo ciidan, taasoo looga dan leeyahay in magaalada dhexdeeda looga mamnuuco in askari qori wata lagu arko," ayuu yiri Xasan Sheekh oo intaas ku daray in askariga loo ogolaanayo oo keliya  inuu kasoo baxo xerada marka uu fasax helo ama uu qoyskiisa soo booqanayo, isagoo aan wax hub ah wadan.

Sidoo kale, madaxweynuhu wuxuu sheegay in wax laga xishoodo ay tahay in qof xiran dharka ciidamada uu dhibaatooyin u geysto dadka shacabka ah, isagoo ka dalbaday shacabka Soomaaliyeed iyo xukuumaddu inay si wadajir ah uga hortagaan arrintaas.

Dhanka kale, madaxweyne Xasan Sheekh wuxuu sheegay in dowladda uu madaxda ka yahay ay u qorsheysan tahay inay dalka gaarsiiso horumar iyo inuusan dib uga laaban halka uu maanta joogo, isagoo sheegay in Soomaaliya ay ka tiri doonaan magacyada xun-xun ee u baxay.

"Qorshaheennu waa inaan Soomaaliya ka tirtno magacyada xunxun sida xerada qoxootiga adduunka ugu weyn Soomaali ayaa leh, burcadbadeedda adduunka ugu khatarta badan Soomaali ayaa leh, argagaxisada adduunka Soomaaliya ayaa leh iyo weliba dowladda ugu musuqmaasuqa badan Soomaali ayaa leh, waana kuwaas kuwa aan doonayno inaan xaqiijinno," ayuu madaxweyne Xasan Sheekh ku sheegay khudbaddii uu jeediyay.

Dowladda cusub ee Soomaaliya ayaa waxay ku guuleysatay in laba toddobaad wax ka yar ay isbaarooyinkii ka qaaddo Muqdisho oo dhan, inkastoo kooxihii isbaarooyinka ay u yaalleen ay weli joogaan magaalada gudaheeda.


Maxamed Xaaji Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya