Saturday, May 25, 2013
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Arbaco, Aug 8 , 2012
Afhayeenka Ciidamada AMISOM oo sheegay in Booliis ka socda Ururka Midowga Afrika ay ka howlgalayaan Magaalada Muqdisho (SAWIRRO)

Arbaco, Ogoosto 08, 2012 (HOL) — Afhayeenka AMISOM, Col. Cali Aadan Xaamud ayaa sheegay inay Muqdisho soo gaareen ciidammo booliis ah oo hoos imaanaya AMISOM, kuwaasoo kala shaqeyn doona booliiska Soomaalida sidii lagu xaqiijin lahaa ammaanka magaalada Muqdisho.

Col. Xaamud ayaa sheegay inay ciidamadan si aad ah u shaqeyn doonaan marka ay billowdaan doorashooyinka madaxda sare ee baarlamaanka, isagoo xusay inay aad isugu xiran yihiin ciidamada Soomaalida ayna ka hortegi doonaan isku-day walba oo lagu arbushayo doorashooyinka.

"Dadaal badan ayaa socda waxaana ciidamada booliiska ee Afrika ka socda ay ka howgeli doonaan saldhigyada Muqdisho, waa laga yaabaa inay wax yar dhacaan, balse ciidammadu dadaal badan ayay muujinayaan," ayuu yiri Col. Xaamud.

Taliyaha ciidamada booliiska DKMG ah ee Soomaaliya, Jen. Shariif Sheekhunaa Maye ayaa soo dhaweeyay booliiska AMISOM ee ka howlgalaya Muqdisho, wuxuuna ku tilmaamay fursad weyn oo gacan ka geysan karta nabadeynta caasimadda dalka.



"Rajada ugu weyn ee shacabka Soomaaliyeed waa inay helaan nabadgalyo iyo in laga qabto magaalada kooxaha xiriirka la leh Al-shabaab ee is-qarinaya. Bulshada Soomaaliyeed waxay idinka sugayaan inaad gacan ka siisaan sidii xasiloonida dalkooda loosoo celin lahaa," ayuu yiri Jen. Maye.

Dhanka, taliyaha ciidamada booliiska AMISOM, Dr. Charles Makono ayaa sheegay in ciidamadan oo tiradoodu tahay 140-askari ay ka yimaadeen dalka Uganda, sidoo kelana ay dalka Uganda ka imaan doonaan tiradan oo kale inta uusan sannadkan dhammaan.

"Howsha ugu ballaaran ee ay ciidamadan qabanayaan waxay noqon doontaa inay ka caawiyaan booliiska Soomaaliya sidii lagu sugi lahaa ammaanka Muqdisho. Waxay la sameyn doonaan roondooyin ciidamada booliiska Soomaaliya iyagoo adeegsanaya gaadiid gaar ah," ayuu yiri Dr. Makono.

Ciidamada booliiska ah ayaa shalay booqday saldhiggada degmooyinka Muqdisho qaa rka mid ah, waxayna noqonayaa markii ugu horreeyay oo ururka Midowga Afrika uu howgeliyo ciidammo booliis ah tan iyo markii la sameeyay ururka sannadkii 1963-kii, inkastoo magaca laga bedelay sannadkii 2002.

Maxamed Xaaji Xuseen, Hiiraan Online
maxuseen@hiiraan.com
Muqdisho, Soomaaliya




Post your comments

8/8/2012 8:40 AM EST
Arbaco, Ogoosto 08, 2012 (HOL) — Guddoomiyaha Degmada Huriwaa ee gobolka Banaadir, Cumar Cabdulle Jacfaan ayaa maanta dib u howlgeliyay suuqii xoolaha lagu iibin jiray ee Dayax, isagoo sheegay in ammaanka suuqaas uu yahay mid la isku halleyn karo.

8/8/2012 8:19 AM EST
Arbaco, Ogoosto 08, 2012 (HOL) — Madaxweynaha Soomaaliya, Shariif Sheekh Axmed ayaa maanta oo Arbaco ah qalinka ku duugay qorshe lagu doonayo in lagu xasiliyo dalka Soomaaliya afarta ee soo socota, kaasoo ay soo diyaariyeen xubno ka tirsan dowladda iyo saraakiil hore.

8/8/2012 7:35 AM EST
Arbaco, Ogoosto 08, 2012 (HOL) — Madaxweynaha Somaliland Mudane, Axmed Maxamed Maxamuud (Sillaanyo) ayaa maanta xafiiskiisa ku qaabilay ergo ka mid ah wafti balaadhan oo uu hogaaminaayo guddoomiyihii SSC, Saleebaan Ciise Axmed (Xagla-toosiye) oo ka soo kicitimay magaalada Buuhoodle.

8/8/2012 7:26 AM EST
Arbaco, Ogoosto 08, 2012 (HOL) — Xoogag taabacsan Al-shabaab ayaa weerar ay xalay ku qaadeen deegaanka KM-50 ee gobolka Shabeellada hoose waxay ku dileen guddoomiye ay dowladdu u magacowday maalin ka hor deegaankaas, kaasoo lagu magacaabi jiray, Cabdi Cali Xasan.

8/8/2012 7:12 AM EST
Arbaco, Ogoosto 08, 2012 (HOL) — Waxaa maanta caga dhigtay garoonka diyaaradaha ee magaalada Baladweyne diyaaradii ugu horreysay oo muddo afar sano ah kaddib dawo u sitay hay’adda MSF ee maamusha isbitaalka guud ee magaalada gobolka Hiiraan.

8/8/2012 4:19 AM EST
Arbaco, Ogoosto 08, 2012 (HOL) — Ra'iisul wasaaraha Soomaaliya, C/weli Maxamed Cali ayaa sheegay inuu rajo weyn ka qabo inuu ku guuleysto doorashada Muqdisho ka dhacaysa 20-ka bishan ee lagu soo dooranayo madaxweynaha dowladda cusub ee Soomaaliya.

8/8/2012 3:29 AM EST
Arbaco, Ogoosto 08, 2012 (HOL) — Madaxweynaha Soomaaliya, Sheekh Shariif Sheekh Axmed ayaa lagu wadaa inuu maanta kala diro xildhibaannada baarlamaanka KMG ah ee Soomaaliya oo tiradoodu ahayd 550-xubnood, isagoo isla maantana la kulmaya dublamaasiyiinta shisheeye ee ku sugan Muqdisho.