Friday, May 24, 2013
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Talaado, Aug 7 , 2012
Dowladda Uganda oo Soomaaliya u soo dirtay 28 sarkaal oo Ciidamada Cirka ah si ay gacan u geystaan sugidda Ammaanka Muqdisho

Talaado, Ogoosto 07, 2012 (HOL) — Dowladda Uganda ayaa sheegtay in 28-sarkaal oo ka tirsan kuwa ciidamada cirka dalkeeda ay u dirtay Soomaaliya si ay uga qayb uga qaataan sugidda ammaanka Muqdisho oo lagu wado inay dhammaadka bishan ka dhacdo doorashada madaxweynaha cusub ee Soomaaliya.

Ciidamadan ayaa waxay ku shaqeyn doonaan diyaarado kuwa qummaatiga u kaca ah oo ay leeyihiin ciidamada AMISOM ee ka socda Midowga Afrika, si ay dusha sare uga ilaaliyaan goobta ay ka dhacayso doorashada madaxweynaha Soomaaliya oo ka dhici doonta Muqdisho bishan 20-keeda.

Taliyaha ciidamada Uganda ee UPDF-ta loo yaqaan, Jen. Aronda Nyakairima iyo taliyaha ciidamada cirka dalka Uganda, Jen. Jim Owesigire oo la hadlayay ciidamadan ka hor intii aysan kasoo dhoofin Kampala ayaa kula taliyay inay howshooda u gutaan sidii loogu talogalay.

"Howsha ciidamadan waa inay xoojiyaan howlaha kala duwan ee AMISOM ay gudaha Soomaaliya kawaddo," ayuu yiri Jen. Nyakairima oo intaas ku daray inuu rajo wanaagsan ka qabo inay howshooda u gudan doonaan si daacadnimo ay ku jirto.

Sidoo kale, taliyaha ciidamada Uganda wuxuu sheegay inay sharaf weyn u tahay dalka Uganda inay gacan ka geysato sidii uga caawin lahayd dowladda Soomaaliya sugidda ammaanka inta doorashooyinku ay socdaan.

Ugu dambeyn, Jen. Aronda wuxuu sheegay in sidoo kale saraakiishan ay xoojin doonaan ciidamada AMISOM oo qaybtooda ugu badan ay ka socdaan dalka Uganda kuwaasoo aan horay u lahayn ciidammo ka taageera howlgalkooda dhinaca cirka.

Maxamed Xaaji Xuseen, Hiiraan Online
maxuseen@hiiraan.com
Muqdisho, Soomaaliya





Post your comments

8/7/2012 5:38 PM EST
Talaado, August 07, 2012(HOL): Madaxii Laanta Afka Soomaaliga ee BBC-da Yuusuf Garaad Cumar Axmed ayaa shaaciyay in uu xilkaas iska casilay, isla markaana uu ka qeybqaadan doono xasilinta iyo dib u dhiska dalka Soomaaliya. Haddaba maxay tahay sababta uu shaqada ka tago.

8/7/2012 4:38 PM EST
Talaado, August 07, 2012(HOL)Xafladan Afur iyo Casha Sharafeedkan lagu maamuusayey Oradyahanada Dalkeena matalayey ee kala aha Zamzam Maxamed Faarax iyo Maxamed Xasan ayaa xalat si heer sare ah uga qabsoontay Magaalada Bristol ee Dalkan Ingiriiska.

8/7/2012 4:18 PM EST
Talaado, August 07, 2012(HO): Golaha wakiilada ee Puntland ayaa maanta cod aqlabiyad leh ku meel mariyey xeerka doorashooyinka golaha deegaanka.

8/7/2012 11:14 AM EST
Talaado, Ogoosto 07, 2012— Dowladda KMG ah ayaa maanta ka dhoofisay garoonka diyaaradaha ee Muqdisho ciidammo ku dhaawacmay dagaallada ay kula jirto Xarakada Al-shabaab iyo fannaanka Cabdi Tahliil Warsame oo muddooyinkii ugu dambeeyay ku xanuunsanayay Muqdisho si loogu soo daweeyo dalka dibaddiisa.

8/7/2012 11:13 AM EST
Talaado, Ogoosto 07, 2012— Beesha Gaaljecel oo ka mid ah beelaha Hawiye ayaa si weyn u diiday liis la sheegay in ay ku qornaayeen shaqsiyaad loo magacaabay in ay beesha u metelayaan baarlamaanka cusub ee Soomaaliya ee lagu mashquulsan yahay soo xulitaanka xubnihiisa.

8/7/2012 8:50 AM EST
Talaado, Ogoosto 07, 2012 (HOL) — Dooddan looga hadlayay sidii kor loogu qaadi karo ganacsiga dalka si uu u kobco dhaqaalaha oo lagu qabtay magaalada Muqdisho ayhaa waxaa ka qaybgalay ganacsato isugu jiray rag iyo dumar.

8/7/2012 8:40 AM EST
Talaado, Ogoosto 07, 2012 (HOL) — Beelaha Soomaalida qaarkood ayaa aad uga soo horjeestay qaabka loo xulayo xildhibaannada baarlamaanka cusub ee dalka Soomaaliya, waxaana beelaha cabanaya ka mid ah beesha Gaaljecel oo eedeyn u jeedisay wakiilka ugaaskooda.

8/7/2012 8:17 AM EST
Talaado, Ogoosto 07, 2012 (HOL) — Golaha Wakiiladda oo Kalfadhi aan caadi ahayn maanta iskugu yimid, ayaa cod aqlabiyad ah ku meel mariyey wax ka bedel iyo kaabis lagu sameeyey xeerka doorashooyinka Somaliland.

8/7/2012 8:13 AM EST
Talaado, Ogoosto 07, 2012 (HOL) — Wareegto kasoo baxday maamulka sare ee Xarakada Al-shabaab ayaa xilka looga qaaday gudoomiyihii hore ee Degmada Kismaayo Sheekh Xasan Yacquub Cali, iyadoona xilkaasi loo magacaabay Gudoomiye cusub.

8/7/2012 8:06 AM EST
Talaado, Ogoosto 07, 2012 (HOL) — Ciidamada dowladda KMG iyo kuwa Raaskaambooni oo kaashanaya Militariga Kenya ayaa shalay gelinkii danbe la wareegay deegaanka Biibi oo qiyaastii 90 KM u jira magaalada Kismaayo ee xarunta gobolka Jubada hoose.

8/7/2012 8:05 AM EST
Talaado, Ogoosto 07, 2012 (HOL) — Wasiirka Arrimaha dibadda Somaliland Dr. Maxamed Cabdilaahi Cumar, ayaa sheegay in dawladda Denmark ay xafiis ka furanayso Magaalada Hargeysa, isla markaana shaqadeedda ay si rasmi ah u bilaabayso.

8/7/2012 7:29 AM EST
Talaado, Ogoosto 07, 2012 (HOL) — Inta la og-yahay labo askari oo ka tirsanaa ciidamada maamulka DKMG ee gobollka Hiiraan ayaa ku dhintay illaa shan qof oo kalana way ku dhaawacmeen, kaddib markii si lama filaan ah uu mid ka mid askarta geeriyootay ugu qaraxday Bam uu sitay, xilli ay ku sugnaayeen xaafadda Xaawa Taako ee magaalada Baladweyne.

8/7/2012 4:41 AM EST
Talaado, Ogoosto 07, 2012 (HOL) — Suxufiyad ka hawlay Telefishanka xukuumadda Somaliland oo lagu magacaabo Hodan Caafi ayaa waxaa dhibaato u gaystay taliye ku xigeenka saldhiga dhexe ee bileyska Boorame ee gobolka Awdal, kaas waxyeello kasoo gaadhay wejiga sida Ilkaha, isha hoosteedda iyo dibinta oo la sheegay inay dilaacday.

8/7/2012 4:13 AM EST
Talaado, Ogoosto 07, 2012 (HOL) — Madaxweynaha Soomaaliya, Shariif Sheekh Axmed ayaa xalay kulan kula yeeshay madaxtooyada Somalia saraakiisha ciidamada DKMG ah iyo kuwa AMISOM, isagoo uga mahadceliyay guusha ay ka gaareen dagaalladii ay Muqdisho kula galeen Al-shabaab.

8/7/2012 3:49 AM EST
Talaado, Ogoosto 07, 2012 (HOL) — Iyadoo guud ahaan marka aad eegto khilaaf xoogan uu ka taagan yahay arinta ku saabsan soo xulista xildhibannada uga mid noqonaya gobollka Hiiraan baarlamaanka soo socda, ayaa waxaa arintaa ka hadllay mas’uuliyiinta maamulka gobolka.

8/7/2012 3:21 AM EST
Talaado, Ogoosto 07, 2012 (HOL) — Ra'iisul wasaaraha xukuumadda DKMG ah ee Soomaaliya, Cabdiweli Maxamed Cali Gaas ayaa maanta ku dhawaaqaya inuu yahay murashax u taagan xilka madaxweynimoe ee Soomaaliya, taasoo sare u qaadaysa xubnaha u taagan qabashada xafiiska madaxnimo ee Soomaaliya.