Friday, May 24, 2013
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Jimco, Aug 31, 2012
Taliyaha Booliska Somaliland oo sheegay in iska hor imaadki ciidanka amniga iyo dad qaxootiga ah ay ku dhaawacmeen Shan Qof
Jimco, Ogoosto, 31, 2012 (HOL)-Taliyaha Booliska Somaliland Gen: Cabdilaahi Fadal Iimaan, ayaa sheegay in ilaa afar askari ku dhaawacmeen iyo hal qof oo Qaxootiga ka mid ah, iska hor imaad shalay ku dhexmaray ciidamadda amniga iyo Qaxooti Itoobiyaan ah oo degan xaafadda Shacabka ee magaalada Hargeysa.

Taliyuhu waxa uu sheegay in shanta qof ee iskugu jira afarta askari iyo halka qof ee qaxootiga ahba lagu dawaynayo cisbitaalka weyn ee magaaladda Hargeysa.

Taliyaha waxa uu intaas ku daray inay dadkan qaxootiga ah oo aan wali loo aqoonsan qaxootinimo ay mudaharaad aan sharciga waafaqsanayn ka sameeyey magaaladda, isla markaana kala xidhay wadadda hor marta wasaarada arrimaha bulshadda oo ay ag degan yihiin, ka dibna ciidankii ku baxayna ay shiid iyo faashash kala hor yimid, halkaas oo afar askari ku dhaawacmeen.

Goobtan ay degan yihiin qaxootiga ayaa sanad ku dhow la doonayey in laga rarro, maadama oo hay’adii ku shaqada lahayd qaxootinimada ee UNHCR ay diiday inay qaxootinimo u aqoonsato, kaas oo muran badani ka taagnaa, haseyeeshee Qaxootigan ayaa ku adkaystay in aanay haysan meel ay uga guuraan, taasina ay keentay in xoog lagaga saaro, waxaana halkaasi ka dhashay rabshado labadda dhinacba waxyaalo ka soo gaadhay.

Mid ka mid ah dadkan qaxootiga oo HOL wax ka waydiisay waxa keenay rabshadaha ayaa sheegay in ciidamaddu doonayeen inay xoog ku raraan, waxaanay sheegeen in sideetan iskugu jira rag iyo dumar oo ka mid ah Qaxootigan ay xabsiyada kala duwan u taxaabeen, kuwaas oo toban ka mid ah dhaawacyo fudud ka soo gaadhay hawlkaasi, halka mid ka mid ahna dhaawac xabad ahi uu qabo, isla markaana lagu dawaynayo cisbitaalka.

Dadkan qaxootiga oo lagu qiyaasay laba kun oo qof ayaa madaxweynaha iyo waxgaradka Somaliland ka dalbaday in meel ay degaan loo sameeyo, ama loo ogolaado inay xaga Puntland  ama Jabuuti u dhaafaan, iyagooo tilmaamay inay wasaarada arrimaha guduhu si xun ula dhaqantay.

Si kastaba ha ahaatee, qaxootigan ayaa degan guri nin shacab ahi leeyahay, kaas oo dalbaday inay uga guuraan, iyadoo muddo horana lagu amray inay ka guuraan, balse ay ku doodayeen in aanay haysan meel ay u guuraan, waxaanay sheegeen inay dhibaatadda haysta u gudbiyeen hay’adaha xuquuqda aadamaha ka shaqeeya, waxaanay eedeen usoo jeediyeen hay’ada UNHCR oo ay sheegeen inay dayacday xuquuqdii ay ku lahaayeen.

Barkhad-Ladiif  M. Cumar, Hiiraan Online  
barkhadladiif@hiiraan.com
Hargeysa, Somaliland




Post your comments

8/31/2012 7:22 PM EST
Jimco, Agoosto 31, 2012(HOL): Dagaallada ayaa yimid kadib markii xoogagga Al-shabaab ay weerar ku qaadeen saldhig ay ciidamada dowladda KMG iyo kuwa Kenya ku lahaayeen deegaan lagu magacaabo Miido oo qiyaastii 30 KM u jira magaalada Afmadow ee gobolka Jubada Hoose.

8/31/2012 2:09 PM EST
Jimco, 31-ka Agoosto 2012(HOL): Barnaamijka dareenka shacabka iyo siyaasiga ee ka baxa Hctv oo falanqeyn ku sameeyey sidii ay u dhacdey doorashadii guddoomiyaha baarlamaanka ee soomaaliya taasoo ka dhacdey magaalada mugdisho.

8/31/2012 12:38 PM EST
Jimco, 31-ka Agoosto 2012(HOL): Guddiga Doorashada Madaxweynenimada Soomaaliya ayaa maanta ku dhawaaqay xilliga ay dhiceyso doorashada Madaxweynenimada Soomaaliya, kaddib kulan uu guddiga ku yeeshay xarunta golaha Baarlamaanka Soomaaliya ee Magaalada Muqdisho.

8/31/2012 5:19 AM EST
Jimco, Ogoosto 31, 2012 (HOL) — Guddiga doorashada madaxweynaha Soomaaliya ayaa waxay maanta yeelanayaan kulankoodii ugu horreeyay oo ay kaga hadlayaan qabanqaabada doorashada madaxweynaha, taasoo laga sugayo inay ku dhawaaqaan xilliga ay dhacayso.

8/31/2012 5:18 AM EST
Jimco, Ogoosto 31, 2012 (HOL) — Xarakada Al-shabaab oo dhawaan laga qabsaday degmada Marko ee gobolka Shabeellada hoose ayaa waxay ciidammo fara badan soo dhoobtay deegaanno horay looga qabsaday oo ay ka mid yihiin Laanta Buuro iyo Lambar 50 oo u dhexeya Marko iyo Afgooye.

8/31/2012 5:17 AM EST
Jimco, Ogoosto 31, 2012 (HOL) — Guddoomiyaha gobolka Shabeellada hoose, C/qaadir Siidii oo ku sugan degmada Marko ayaa sheegay in degmadaas ay dhowr jeer ka dhaceen qaraxyo iyo dil loo geystay qof rayid ah, balse ay dadaal ugu jiraan sidii ay ammaanka u adkeyn lahaayeen.

8/31/2012 5:16 AM EST
Jimco, Ogoosto 31, 2012 (HOL) — Maxamed Ibraahim Xaabsade oo xubnihii ay amarka ku bixisay maxkamadda sare ka mid ah ayaa sheegay in sababta weli loo hortaagan ay tahay arrin siyaasadeed, wuxuuna gaashaanka ku dhuftay inay yihiin hoggaamiye kooxeedyo dambiilayaal ah.