Thursday, May 23, 2013
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Khamiis, Aug 30, 2012
Madaxweyne xigeenka Somaliland "Ninka QM u shaqeeya inuu $20,000 qaato, ninka aad wax u soo ururiseena uu hal dollar ku noolaado, ma mid qurux badan baa”

Khamiis, Ogoosto 30, 2012 (HOL) — Carwo aan nooceeda oo kale hore looga qaban Somaliland ayaa shalay lagu soo badhigay magaalada Hargaysa, taasoo ay kasoo qayb-galeen hay’adaha caalamiga ah, kuwa wadaniga ah iyo kuwa dawliga ah ee ka hawl-gala Somalliland, kuwaasoo carwada kusoo bandhigay wax-qabadkooda.

Carwadan oo loogu talo galay in ay socoto muddo laba maalmood ah ayaa waxa soo qaban-qaabisay Wasaaradda Qorshaynta qaranka oo kaashanaysa qaar kamid hay’addahaasi.

Bandhiga Carwaddan ay hay’aduhu ku soo bandhigayeen waxqabadkooda ay ka geystaan Somaliland oo ay ka soo qayb galeen Madaxweyne Ku Xigeenka Somaliland, Wasiirka Qorshaynta, Wasiirka Arrimaha Gudaha, Wasiirka Maaliyadda, Wasiirka Hawlaha Guud, Wasiirka Duulista, Wasiirka Shaqadda Iyo Arrimaha Bulshadda, Wasiirka Gaashaan-dhiga, Taliyaha Ciidamadda Booliska, masuuliyiin ka socotay hay’addaha, xildhibaano ka tirsan labada gole iyo waliba dadweyne aad u tiro badan.

Marwo Xaliimo Cilmi Weheliye oo ku hadlaysay afka Ururadda Caalamiga ah, ayaa sheegtay in carwaddani ay ahayd mid qiime wayn ugu fadhida dhamaanba ururadda wadaniga ah iyo kuwa caalamiga ah.

"Carwadan qabsoomideeda waxa ka soo wada shaqeeyay, hay’addo badan dhamaantoodba waan u mahad celinayaa, waxaana ujeedadu ay tahay sidii ay hay’aduhu u soo bandhigi lahaayeen waxqabadkooda" sidaas waxa yidhi wasiirka Qorsheynta Qaranka Dr: Sacad Cali shire


Madaxweyne Ku Xigeenka Somaliland Mudane Cabdiraxmaan Cabdilaahi Ismaaciil (Saylici), ayaa soo dhoweeyey wax qabadka ay soo bandhigayaan hay’aduhu, isagoo hay’adaha ku canaantay in lacagaha ay usoo ururiyaan dadka masaakinta ah ay dib ugu baxdo iyaga.

 “ Waxa aan idiin soo jeedinayaa in lacagaha aad ka soo ururinaysaan Deeq bixiyeyaasha caalamiga ah oo aad naga xigtaan, in wixii aad soo ururisaan ay hadana dib idinka idiinku baxdo, waxa aan leeyahay waar umadda aad wax u soo ururiseen waa umadaas dhibaataysan ee aad aragtaan, in ninka UN-ta u shaqeeyaa uu 20,000 oo Dollar qaato, ninka aad wax u soo ururiseena uu 1 dollar ku noolaado, waxa aan idin weydiinayaa ilaahay baan idinku dhaarshee ma mid qurux badan baa”ayuu yidhi madaxweyne ku xigeenku.


Ugu dambeyn wuxuu yiri: "Waxaan hay’adaha caalamiga ahoow idin leennahay beesha caalamka waxaad kasoo qaadaan kala bedela oo 20% ama 30% isku filaysiiya, 70%-ka kalena umadda soo gaadhsiiya Lacagaha aad soo ururisaan ee aad ka soo qaadaan dadyowga caalamka"ayuu yidhi Saylici.



Barkhad-Ladiif  M. Cumar, Hiiraan Online  
barkhadladiif@hiiraan.com
Hargeysa, Somaliland




Post your comments

8/30/2012 10:00 AM EST
Khamiis, Ogoosto 30, 2012 (HOL) — Iyadoo ay maxkamadda sare ee dalka ay amar ku bixisay in hoggaamiye kooxeedyadii uu guddiga farsamadu ka saaray liiska ka mid noqoshada baarlamaanka ay ka mid noqdaan baarlamaanka ayaa waxaa weli taagan muran ku saabsan ka mid noqoshadooda baarlamaanka.

8/30/2012 8:46 AM EST
Khamiis, Ogoosto 30, 2012 (HOL) — Yuusuf Garaad Cumar Axmed oo ah Murashax u taagan xilka madaxweynenimo ee Soomaaliya ayaa maanta kulan la qaatay ardaydii wax-ka-bartay qaybaha kala duwan ee jaamacaddii Ummadda Soomaaliyeed, isagoo kasoo noqday guddoomiyihii ardayda.

8/30/2012 8:26 AM EST
Khamiis, Ogoosto 30, 2012 (HOL) — Shirweynihii aqoonyahanka reer Awdal ee TOL ayaa lagu soo gebogabeeyey magaaladda Boorame ee gobolka Awdal, kaas oo maalmihii u dambeeyey ka socday magaaladaasi.

8/30/2012 8:12 AM EST
Khamiis, Ogoosto 30, 2012 (HOL) — Kulan ay ka qaybgaleen 204 xidlhibaan oo ka tirsan baarlamaanka federaalka Soomaaliya oo maanta ka dhacay Muqdisho ayaa lagu doortay guddiga doorashada madaxweynaha Soomaaliya oo ka kooban 16-xubnood, kuwaasoo guddoomiye uu u yahay Jen. Muuse Xasan Cabdulle oo ahaa guddoomiyihii KMG ah ee baarlamaanka Soomaaliya.

8/30/2012 6:42 AM EST
Khamiis, Ogoosto 30, 2012 (HOL) — Afar shacab ah ayaa ku dhaawacmay dagaal shalay ka dhacay deegaanka hawdka ka xiga degmadda Xarshin ee gobolka Jigjiga ee Kililka shanaad, kaas oo u dhexeey dadka deegaanka iyo Ciidamadda Liyuu booliska loo yaqaan ee deegaanka Soomaalida Itoobiya.

8/30/2012 6:02 AM EST
Khamiis, Ogoosto 30, 2012 (HOL) — Afhayeenka milateriga dalka Kenya oo ka mid noqday AMISOM, Emmanuel Chirchir ayaa sheegay in dagaal ay Arbacadii gobolka Jubbada hoose ay Al-shabaab kaga dileen 42 dagaalyahan, tiro intaas ka badanna ay kaga dhaawaceen.

8/30/2012 5:34 AM EST
Khamiis, Ogoosto 30, 2012 (HOL) — Illaa sadax askari oo ka tirsan ciidamada maamulka gobolka Hiiraan ee dowladda Soomaaliya ayaa ku geeriyootay tiro kalana waa ay ku dhaawacmeen qarax ka dhashay miino nooca dhulka lagu aaso ah oo ka dhacay afaafka hore ee degmada Baladweyne.

8/30/2012 4:44 AM EST
Khamiis, Ogoosto 30, 2012 (HOL) — Qarax miino ayaa saakay ka dhacay baratmaha degmada Baydhabo ee xarunta gobolka Bay, kaasoo aan waxyeello geysan, sida ay sheegeen goobjoogayaal ku sugan degmada Baydhabo iyo qaar ka mid ah mas'uuliyiinta maamulka degmadaas.

8/30/2012 4:43 AM EST
Khamiis, Ogoosto 30, 2012 (HOL) — Murashaxiinta u tagaan xilka madaxweynenimo ee Soomaaliya ayaa soo dhaweeyay doorashada afhayeenka baarlamaanka iyo ku xigeennadiisa, iyagoo ku tilmaamya waji cusub oo baarlamaanka Soomaaliya uu yeeshay.

8/30/2012 4:41 AM EST
Khamiis, Ogoosto 30, 2012 (HOL) — Kooxo bastoolado ku hubeysan ayaa laba wiil oo walaalo ah ku dilay shalay gallinkii dambe xaafadda Suuqa xoolaha ee degmada Huriwaa, halkaasoo ka mid ah deegaannada ugu rabshadaha badan caasimadda Soomaaliya ee Muqdisho.

8/30/2012 4:40 AM EST
Khamiis, Ogoosto 30, 2012 (HOL) — Kulan baarlamaanka federaalka Soomaaliya uga furmay Muqdisho ayaa waxaa hadlayaa doorashada madaxweynaha Soomaaliya oo lagu wado inay dhawaan ka dhacdo Muqdisho, waxaana kulanka shir guddoominaya Prof. Maxamed Sheekh Cimsaan Jawaari oo dhawaan loo doortay afhayeenka cusub ee baarlamaanka.