Tuesday, May 21, 2013
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Khamiis, Aug 30, 2012
Shirweyne aqoon-yahannada Reer Awdal uga socday Magaalada Boorame ee Gobolka Awdal oo lasoo gebogabeeyey
Khamiis, Ogoosto 30, 2012 (HOL) — Shirweynihii aqoonyahanka reer Awdal ee TOL ayaa lagu soo gebogabeeyey magaaladda Boorame ee gobolka Awdal, kaas oo maalmihii u dambeeyey ka socday magaaladaasi.

Shirweynahan aqoonyahanka ee ururka TOL ayaa waxa ka soo qaybgalay wasiiro, madax dhaqameed,, aqoonyahano gudaha iyo dibadda ka kala yimid, iyo maamulka gobolka Awdal, waxaana shirkan ujeedadiisu ahayd horumarinta iyo wax ka qabashadda baahiyaha gobolka  ka jira.

Gudoomiyaha ururka TOL ee ay ku bahoobeen aqoonyahanka reer Awdal Yuusuf Aadan Qaalib ayaa u mahadnaqay dadweynihii kala soo qaybgalay shirkan iyo dhawrkii cishe ee uu socday sida looga qaybqaatay, waxaanu sheegay in wixii ka soo baxay shirkaasi loo gudbin doono dadweynaha iyo salaadiinta.

Sidoo kale, waxa iyana shirka ka hadlay madax dhaqameedka iyo culimadda shirka ka qaybgalay kuwaas oo soo dhoweeyey shirkan iyo arrimaha horumarinta ah ee lagu gorfeeyey shirka.

“Waxaa halkan lagu hayaa waa talo horumar iyo walaaltinimo lagu doonayay, waan joogay intii uu socday shirku, waxaanay ila tahay in loo bilaabay sidii ugu fiicnayd, waxan u mahadnaqayaa dhamaan inta waday shirkan”ayuu yidhi Suldaan Cabdiraxmaan Jaamac Dhawal oo ka mid ah madax dhaqameedka gobolka Awdal,  waxaanu intaas ku daray “ waa la noo soo bandhigay qodobadii halkan ka soo baxay, Lixda qodob ee la noo soo bandhigay waanu aragnay waanan ku qanacnay waxaanan rajaynayaa in la helo cidii meel marisa”.

Sidoo kale waxa isn shirkan iyo waxa ka soo baxay soo dhoweeyey Suldaan Ibraahim Jaamac Samatar oo sheegay inuu shirku muhiim ah oo qofkasta tallo ka geysanayey “ Shirkan wadatashigu guul buu ku dhamaaday, hada kahor lama kulmi jirin lamina wada tashan jirin ee waa bilaw wanaagsan, waxaan jecelahay in la helo cidii ka sii amba qaadi lahayd, arintu waa guul hadaan madax dhaqameedyo nahayna waxaan diyaar u nahay inaan qaybtayada fulino oo balan aad u balaadhan ah”ayuu yidhi Suldaan Samatar.

Maayarka Boorama Cabdiraxmaan Shide Bile, ayaa u mahadnaqay ka soo qaybgalka shirka iyo hawlaha horumarinta ah ee aqoonyahanku ka waddo gobolka.

Gudoomiyaha Gobolka Awdal Axmed Xadi Sidci ayaa isna u mahadnaqay ururka TOL iyo waxyaalaha umadda u danta ah ee ay shacabkoodda u wadaan, waxaanu dadweynaha iyo aqoonyahanka usoo jeediyey inay isku xidhmaan oo ay wada shaqeeyaan.

Ururka tol ayaa qodobadii kasoo baxay waxay u soo bandhigeen salaadiinta si ay ula qaataan, kaas oo ay iyaguna soo dhoweeyeen, sheegayna inay tahay mid lagu horumarinayo gobolka, gobolka Awdal iyo Selel ayaa wali waxa ka jirta abaartii oo saameyn ku yeelatay Xoolaha iyo dadweynaha ku dhaqan Miyiga, halkaas oo ay dadku ku xoolo waayeen una baahan yihiin caawimo iyo in la taageero.

Barkhad-Ladiif  M. Cumar, Hiiraan Online
barkhadladiif@hiiraan.com
Hargeysa, Somaliland




Post your comments

8/30/2012 10:00 AM EST
Khamiis, Ogoosto 30, 2012 (HOL) — Iyadoo ay maxkamadda sare ee dalka ay amar ku bixisay in hoggaamiye kooxeedyadii uu guddiga farsamadu ka saaray liiska ka mid noqoshada baarlamaanka ay ka mid noqdaan baarlamaanka ayaa waxaa weli taagan muran ku saabsan ka mid noqoshadooda baarlamaanka.

8/30/2012 8:51 AM EST
Khamiis, Ogoosto 30, 2012 (HOL) — Carwo aan nooceeda oo kale hore looga qaban Somaliland ayaa shalay lagu soo badhigay magaalada Hargaysa, taasoo ay kasoo qayb-galeen hay’adaha caalamiga ah, kuwa wadaniga ah iyo kuwa dawliga ah ee ka hawl-gala Somalliland, kuwaasoo carwada kusoo bandhigay wax-qabadkooda.

8/30/2012 8:46 AM EST
Khamiis, Ogoosto 30, 2012 (HOL) — Yuusuf Garaad Cumar Axmed oo ah Murashax u taagan xilka madaxweynenimo ee Soomaaliya ayaa maanta kulan la qaatay ardaydii wax-ka-bartay qaybaha kala duwan ee jaamacaddii Ummadda Soomaaliyeed, isagoo kasoo noqday guddoomiyihii ardayda.

8/30/2012 8:12 AM EST
Khamiis, Ogoosto 30, 2012 (HOL) — Kulan ay ka qaybgaleen 204 xidlhibaan oo ka tirsan baarlamaanka federaalka Soomaaliya oo maanta ka dhacay Muqdisho ayaa lagu doortay guddiga doorashada madaxweynaha Soomaaliya oo ka kooban 16-xubnood, kuwaasoo guddoomiye uu u yahay Jen. Muuse Xasan Cabdulle oo ahaa guddoomiyihii KMG ah ee baarlamaanka Soomaaliya.

8/30/2012 6:42 AM EST
Khamiis, Ogoosto 30, 2012 (HOL) — Afar shacab ah ayaa ku dhaawacmay dagaal shalay ka dhacay deegaanka hawdka ka xiga degmadda Xarshin ee gobolka Jigjiga ee Kililka shanaad, kaas oo u dhexeey dadka deegaanka iyo Ciidamadda Liyuu booliska loo yaqaan ee deegaanka Soomaalida Itoobiya.

8/30/2012 6:02 AM EST
Khamiis, Ogoosto 30, 2012 (HOL) — Afhayeenka milateriga dalka Kenya oo ka mid noqday AMISOM, Emmanuel Chirchir ayaa sheegay in dagaal ay Arbacadii gobolka Jubbada hoose ay Al-shabaab kaga dileen 42 dagaalyahan, tiro intaas ka badanna ay kaga dhaawaceen.

8/30/2012 5:34 AM EST
Khamiis, Ogoosto 30, 2012 (HOL) — Illaa sadax askari oo ka tirsan ciidamada maamulka gobolka Hiiraan ee dowladda Soomaaliya ayaa ku geeriyootay tiro kalana waa ay ku dhaawacmeen qarax ka dhashay miino nooca dhulka lagu aaso ah oo ka dhacay afaafka hore ee degmada Baladweyne.

8/30/2012 4:44 AM EST
Khamiis, Ogoosto 30, 2012 (HOL) — Qarax miino ayaa saakay ka dhacay baratmaha degmada Baydhabo ee xarunta gobolka Bay, kaasoo aan waxyeello geysan, sida ay sheegeen goobjoogayaal ku sugan degmada Baydhabo iyo qaar ka mid ah mas'uuliyiinta maamulka degmadaas.

8/30/2012 4:43 AM EST
Khamiis, Ogoosto 30, 2012 (HOL) — Murashaxiinta u tagaan xilka madaxweynenimo ee Soomaaliya ayaa soo dhaweeyay doorashada afhayeenka baarlamaanka iyo ku xigeennadiisa, iyagoo ku tilmaamya waji cusub oo baarlamaanka Soomaaliya uu yeeshay.

8/30/2012 4:41 AM EST
Khamiis, Ogoosto 30, 2012 (HOL) — Kooxo bastoolado ku hubeysan ayaa laba wiil oo walaalo ah ku dilay shalay gallinkii dambe xaafadda Suuqa xoolaha ee degmada Huriwaa, halkaasoo ka mid ah deegaannada ugu rabshadaha badan caasimadda Soomaaliya ee Muqdisho.

8/30/2012 4:40 AM EST
Khamiis, Ogoosto 30, 2012 (HOL) — Kulan baarlamaanka federaalka Soomaaliya uga furmay Muqdisho ayaa waxaa hadlayaa doorashada madaxweynaha Soomaaliya oo lagu wado inay dhawaan ka dhacdo Muqdisho, waxaana kulanka shir guddoominaya Prof. Maxamed Sheekh Cimsaan Jawaari oo dhawaan loo doortay afhayeenka cusub ee baarlamaanka.