Sunday, May 19, 2013
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Khamiis, Aug 30, 2012
Baarlamaanka Federaalka Somalia oo Magaalada Muqdisho ku leh kulan looga hadlayo Doorashada Madaxweynaha Soomaaliya
Khamiis, Ogoosto 30, 2012 (HOL) — Kulan baarlamaanka federaalka Soomaaliya uga furmay Muqdisho ayaa waxaa hadlayaa doorashada madaxweynaha Soomaaliya oo lagu wado inay dhawaan ka dhacdo Muqdisho, waxaana kulanka shir guddoominaya Prof. Maxamed Sheekh Cimsaan Jawaari oo dhawaan loo doortay afhayeenka cusub ee baarlamaanka.

Kulanka baarlamaanka ee maanta ayaa waxaa ka qaybgalaya xubnihii dhawaan loo diiday inay baarlamaanka ka mid noqdaan, waxaana safka hore fadhiya xubnihii 15-ka ahaa ee dhawaan ay maxkamaddu ogolaatay inay ka mid noqdaan baarlamaanka kuwaasoo ay ka mid yihiin: Maxamed Qanyare Afrax, Prof. Maxamed Faarax Jimcaale, Bootaan Ciise, Sheekh Aadan Madoobe, Maxamed Ibraahim Xaabsade iyo kuwo kale.

"Kulankeenna maanta waxaa looga hadlayaa doorashada madaxweynaha, xubin la dhaarinayana ma jirto," ayuu yiri Prof. Jawaari oo kulanka furay, waxaana kulanka goob-joog ka ah wufuud ka socota beesha calaamka si ay ula socdaan sida uu u dhacayo kulankan oo looga doodayo doorashada madaxweynaha cusub ee Soomaaliya.

Murashaxiin fara badan ayaa u taagan xilka madaxweynenimo ee Soomaaliya, kuwaasoo ay ka mid yihiin: madaxweyne, Shariif Axmed, guddoomiyihii baarlamaanka, Shariif Xasan iyo ra'iisul wasaarihii hore, C/weli Maxamed Cali.

Afhayeenka cusub ee baarlamaanka Soomaaliya ayaa sheegay markii la doortay in khudbaddiisa uu dib ugu dhiganayo illaa maalinta Khamiista ah oo maanta ku beegan iyadoo laga warsugayo waxyaabaha uu kaga hadli doono khudbaddiisa.

Guddoomiye ku xigeenka koowaad iyo guddoomiye ku xigeenka labaad ayaa waxaa iyagana lagu wada inay khudbado u jeediyeen xildhibaannada baarlamaanka, iyadoo la ogyahay in baarlamaanka aan KMG ahayn ay horyaallaan howlo fara badan oo wax ka qabashadooda laga sugayo.

Tan iyo markii ay burburtay dowladdii dhexe ee Soomaaliya 1991-kii waa markii ugu horreysay oo baarlamaan joogto ah ay yeelato Soomaaliya, iyadoo baarlamaanka la sheegayo inuu billow u yahay ka bixitaanka xilliga KMG ah ee Soomaaliya.

Maxamed Xaaji Xuseen, Hiiraan Online
maxuseen@hiiraan.com
Muqdisho, Soomaaliya




Post your comments

8/30/2012 10:00 AM EST
Khamiis, Ogoosto 30, 2012 (HOL) — Iyadoo ay maxkamadda sare ee dalka ay amar ku bixisay in hoggaamiye kooxeedyadii uu guddiga farsamadu ka saaray liiska ka mid noqoshada baarlamaanka ay ka mid noqdaan baarlamaanka ayaa waxaa weli taagan muran ku saabsan ka mid noqoshadooda baarlamaanka.

8/30/2012 8:51 AM EST
Khamiis, Ogoosto 30, 2012 (HOL) — Carwo aan nooceeda oo kale hore looga qaban Somaliland ayaa shalay lagu soo badhigay magaalada Hargaysa, taasoo ay kasoo qayb-galeen hay’adaha caalamiga ah, kuwa wadaniga ah iyo kuwa dawliga ah ee ka hawl-gala Somalliland, kuwaasoo carwada kusoo bandhigay wax-qabadkooda.

8/30/2012 8:46 AM EST
Khamiis, Ogoosto 30, 2012 (HOL) — Yuusuf Garaad Cumar Axmed oo ah Murashax u taagan xilka madaxweynenimo ee Soomaaliya ayaa maanta kulan la qaatay ardaydii wax-ka-bartay qaybaha kala duwan ee jaamacaddii Ummadda Soomaaliyeed, isagoo kasoo noqday guddoomiyihii ardayda.

8/30/2012 8:26 AM EST
Khamiis, Ogoosto 30, 2012 (HOL) — Shirweynihii aqoonyahanka reer Awdal ee TOL ayaa lagu soo gebogabeeyey magaaladda Boorame ee gobolka Awdal, kaas oo maalmihii u dambeeyey ka socday magaaladaasi.

8/30/2012 8:12 AM EST
Khamiis, Ogoosto 30, 2012 (HOL) — Kulan ay ka qaybgaleen 204 xidlhibaan oo ka tirsan baarlamaanka federaalka Soomaaliya oo maanta ka dhacay Muqdisho ayaa lagu doortay guddiga doorashada madaxweynaha Soomaaliya oo ka kooban 16-xubnood, kuwaasoo guddoomiye uu u yahay Jen. Muuse Xasan Cabdulle oo ahaa guddoomiyihii KMG ah ee baarlamaanka Soomaaliya.

8/30/2012 6:42 AM EST
Khamiis, Ogoosto 30, 2012 (HOL) — Afar shacab ah ayaa ku dhaawacmay dagaal shalay ka dhacay deegaanka hawdka ka xiga degmadda Xarshin ee gobolka Jigjiga ee Kililka shanaad, kaas oo u dhexeey dadka deegaanka iyo Ciidamadda Liyuu booliska loo yaqaan ee deegaanka Soomaalida Itoobiya.

8/30/2012 6:02 AM EST
Khamiis, Ogoosto 30, 2012 (HOL) — Afhayeenka milateriga dalka Kenya oo ka mid noqday AMISOM, Emmanuel Chirchir ayaa sheegay in dagaal ay Arbacadii gobolka Jubbada hoose ay Al-shabaab kaga dileen 42 dagaalyahan, tiro intaas ka badanna ay kaga dhaawaceen.

8/30/2012 5:34 AM EST
Khamiis, Ogoosto 30, 2012 (HOL) — Illaa sadax askari oo ka tirsan ciidamada maamulka gobolka Hiiraan ee dowladda Soomaaliya ayaa ku geeriyootay tiro kalana waa ay ku dhaawacmeen qarax ka dhashay miino nooca dhulka lagu aaso ah oo ka dhacay afaafka hore ee degmada Baladweyne.

8/30/2012 4:44 AM EST
Khamiis, Ogoosto 30, 2012 (HOL) — Qarax miino ayaa saakay ka dhacay baratmaha degmada Baydhabo ee xarunta gobolka Bay, kaasoo aan waxyeello geysan, sida ay sheegeen goobjoogayaal ku sugan degmada Baydhabo iyo qaar ka mid ah mas'uuliyiinta maamulka degmadaas.

8/30/2012 4:43 AM EST
Khamiis, Ogoosto 30, 2012 (HOL) — Murashaxiinta u tagaan xilka madaxweynenimo ee Soomaaliya ayaa soo dhaweeyay doorashada afhayeenka baarlamaanka iyo ku xigeennadiisa, iyagoo ku tilmaamya waji cusub oo baarlamaanka Soomaaliya uu yeeshay.

8/30/2012 4:41 AM EST
Khamiis, Ogoosto 30, 2012 (HOL) — Kooxo bastoolado ku hubeysan ayaa laba wiil oo walaalo ah ku dilay shalay gallinkii dambe xaafadda Suuqa xoolaha ee degmada Huriwaa, halkaasoo ka mid ah deegaannada ugu rabshadaha badan caasimadda Soomaaliya ee Muqdisho.