Monday, May 20, 2013
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Arbaco, Aug 29, 2012
Madaxweynaha Somaliland oo shaqadii ka eryay Wasiirkii Warfaafinta Somaliland iyo Sababta loo Aanaynayo xil ka qaadistiisa
Arbaco, Ogoosto 29, 2012 (HOL) — Madaxweynaha Somaliland, Axmed Maxamed Maxamuud (Siillaanyo) ayaa maanta xilkii ka qaaday wasiirkiisa warfaafinta iyo wacyigelinta Somaliland, Boobe Yuusuf Ducaale.

Sidaas waxa lagu sheegay war-saxaafadeed ka soo baxay xafiiska madaxweynaha oo uu ku saxeexan yahay afhayeenka madaxtooyadda Cabdilaahi Maxamed Daahir (Cukuse).

“Madaxweynaha Somaliland, Mudane, Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo) waxa uu maanta Digreeto madaxweyne No: JSL/M/XILQ/249/1-1280/082012      xilka kaga qaaday Wasiirkii Wasaaradda Warfaafinta iyo wacyigelinta JSL”ayaa lagu yidhi war-saxafadeedka.

Waxaana intaas lagu daray “ Waxa aan aad kuugu mahadinayaa mudadii aynu wada shaqaynaynay. Xilalka Qaranka ayay dabcigiisa tahay in ay meerto noqoto oo kolba cid hanan karta loo dhiibo. Sidaa darteed, waxaan gartay in aan kaa qaado xilka Wasiirka Wasaaradda Warfaafinta iyo wacyigelinta JSL”.

Waxaana la faray in uu xilka ku wareejiyo si ku meel gaadh ah  Wasiirka Wasaaradda Gaashaandhigga JSL, Mudane Axmed Xaaji Cali Cadami, inta masuul kale loo soo magacaabayo.

Haseyeeshee, lama sheegin sababta xilka looga qaaday, waxaase la sheegayaa inay xilka qaadistu timid ka dib markii wasiirka Warfaafintu dhawr cisho ka hor uu xilalkii ay wasaaradda u hayeen ka qaaday agaasimaha Telefishanka Qaranka iyo maareeyihii wargeyska dawladda ee DAWAN, labadan masuul oo ay aad iskugu dhow yihiin madaxtooyadda, isla markaana wakhtigii KULMIYE mucaaradka ahaa idaacad qarsoodi ah oo kulmiye lahaa uga shaqayn jireen, kuwaas oo dhawr jeer ay xukuumaddii Rayaale ku xidhay ayaa loo aanaynayaa inay ka dambaysay xilka ka qaadistiisu.

Sidoo kale, waxa jiray in wasiirka ay isku dhaceen afhayeenka madaxtooyadda Cabdilaahi Cukuse, oo arrimo xaga shaqadda ah iskaga hor yimaadeen, taas oo khilaaf hoose oo labadooda ku koobani uu baryahan dambe uu jiray.

Si kastaba ha ahaatee, si rasmi ah looma sheegin sababta xilka looga qaaday, haseyeeshee,  wasiirkan shaqada laga eryey ayaa dadweynuhu aad u hadal hayeen sababta xilka looga qaaday, isago ku jira dhawrka wasiir ee ay dadku aad u taageeraan, isla markaana ahaa masuul shaqada ku cusbaa oo dhowaan loo magacaabay wasaarada warfaafinta Somalilnad, horana ugu jirin siyaasada iyo xisbiyada dalka ka jira.

Barkhad-Ladiif  M. Cumar, Hiiraan Online  
barkhadladiif@hiiraan.com
Hargeysa, Somaliland




Post your comments

8/29/2012 9:55 AM EST
Arbaco, Ogoosto 29, 2012 (HOL) — Maxkamada sare ee dalka ayaa go'aamisay inay hogaamiye kooxeedyadii horay loogu diiday inay baarlamaanka ka mid noqdaan ay ka mid noqon karaan baarlamaanka, iyadoo baabi'isay diidmadii guddiga farsamada kasoo baxday.

8/29/2012 9:04 AM EST
Arbaco, Ogoosto 29, 2012 (HOL) — Faahfaahin dheeri ah ayaa kasoo baxeysa dagaal xooggan oo saaka ka qarxay inta u dhexeysa Degmada Afmadow iyo deegaanka Birta Dheer ee gobolka Jubbada Hoose, dagaalkaas oo u dhexeeyay ciidamada dowladda iyo kuwa Raaskaambooni oo kaashanaya Militariga Kenya iyo xoogagga Al-shabaab.

8/29/2012 8:49 AM EST
Arbaco, Ogoosto 29, 2012 (HOL) — Guddoomiyaha baarlamaanka Soomaaliya oo la doortay shalay, Maxamed Cismaan Jawaari ayaa wuxuu kulankiisii ugu horreeyay la yeeshay maanta wakiillo ka socday beesha calaamka oo uu ku jiray wakiilka gaarka ah ee Qaramada Midoobay u qaablisan arrimaha Soomaaliya, danjire Augustine Mahiga.

8/29/2012 8:48 AM EST
Arbaco, Ogoosto 29, 2012 (HOL) — Xubno ka mid ah madaxdii Xisbiga UDUB ee usoo digo rogtay xisbiga KULMIYE, ayaa maanta xaflad weyn oo ay ku muujinayaa awoodoodda taageero ku soo bandhigay hotel Maansoor ee magaaladda Hargeysa.

8/29/2012 6:38 AM EST
Arbaco, Ogoosto 29, 2012 (HOL) — Dagaallo culus oo u dhexeeyo ciidamada dowladda Soomaaliya, kuwa Raaskaambooni iyo militariga Kenya oo isku dhinac ah iyo Xarakada Al-shabaab ayaa saaka ka qarxay deegaanka Cag-libaax ee duleedka Afmadow, iyadoona dagaalku yahay mid xooggan.

8/29/2012 4:45 AM EST
Arbaco, Ogoosto 29, 2012 (HOL) — Kadib kulamo is daba-jooga ah oo maalmihii ugu danbeeyayba uga socday mas’uuliyiinta Ahlusunna Waljameeca ee Gobolka Galguduud ayay ugu dambeyntii ku go’aansadeen inay sameystaan maamul gobolleed u gaar ah.

8/29/2012 3:50 AM EST
Arbaco, Ogoosto 29, 2012 (HOL) — Ugu yaraan afar qof oo saddex ka mid ah ay ka tirsan yihiin booliiska Kenya iyo qof rayid ah ayaa ku dhintay qaraxyo ka dhacay magaalads Mombasa ee dalka Kenya, waxaana qaraxyadan ku dhaawacmay 16 ka tirsan booliiska Kenya.

8/29/2012 3:18 AM EST
Arbaco, Ogoosto 29, 2012 (HOL) — Madaxweynaha Soomaaliya, Shariif Sheekh Axmed ayaa u hambalyay guddoonka cusub ee baarlamaanka Soomaaliya, isagoo ku tilmaamay tallaabo taariikhi ah in dadka Soomaaliyeed ay 42 sano kaddib yeeshaan baarlamaan lagu doortay gudaha dalka.

8/29/2012 3:17 AM EST
Arbaco, Ogoosto 29, 2012 (HOL) — Ugu yaraan laba qof ayaa ku dhintay dhowr kalena dhaawacyo ayaa kasoo gaaray kaddib qaraxyo waaweyn oo xalay ka dhacay gudaha degmada Marko ee xarunta gobolka Shabeellada hoose, xilli ay halkaas ku sugnaayeen ciidamada dowladda Soomaaliya oo baaritaanno sameynayay.