Saturday, May 25, 2013
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Arbaco, Aug 29, 2012
Guddoomiyaha Baarlamaanka Somalia oo kalankiisii ugu horeeyay maanta la yeeshay Wakiillo ka Socday Beesha Calaamka
Arbaco, Ogoosto 29, 2012 (HOL) — Guddoomiyaha baarlamaanka Soomaaliya oo la doortay shalay, Maxamed Cismaan Jawaari ayaa wuxuu kulankiisii ugu horreeyay la yeeshay maanta wakiillo ka socday beesha calaamka oo uu ku jiray wakiilka gaarka ah ee Qaramada Midoobay u qaablisan arrimaha Soomaaliya, danjire Augustine Mahiga.

Wakiillada ayaa waxay ka socdeen Midowga Yurub oo ay ka mid yihiin Talyaaniga, Ingiriiska, Norway, waxaana sidoo kale ka mid ahaa wakiilka Mareykanka ee dalka Soomaaliya, wakiillada IGAD iyo xubno kale, waxaana guddoomiyaha uu sheegay in kulanku uu ahaa mid isbarasho ah.

"Maanta waxaan fursad isku helay inaan kulanno wakiillo ka socday Midowga Yurub iyo Mareykanka, waxaana kulanka oo isbarasho ahaa aan uga hadalnay sidii labada dhinac uu iskaashi u dhexmari," ayuu yiri Prof. Jawaari oo saxaafadda la hadlay markii uu kulanku soo xirmay.

Ergayga Midowga Yurub ee arrimaha Soomaaliya, Alex Rondos oo isaguna hadal ka jeediyay shirka jaraa'id ayaa sheegay inay ka go'an tahay inay taageero siiyaan baarlamaanka Soomaaliya, wuxuuna doorashada Jawaari ku tilmaamay tallaabo kale oo horay loo qaaday, isagoo ku baaqay in si dhaqso ah loo qabto doorashada madaxweynaha Soomaaliya.

Afhayeenka baarlamaanka Soomaaliya ayaa sheegay inay ka go'an tahay inuusan dib u dhac ku imaanayn doorashada madaxweynaha Soomaaliya, isagoo xusay in baarlamaanku ka tashan doono berri oo Khamiis ah habka ay doorashada madaxweynuhu u dhacayso.

"Tani waa horumar rajo xambaarsan," ayuu yiri dajire Augustine Mahiga oo ka mid ahaa xubnihii beesha caalamka ka socday, isagoo guddoomiyaha baarlamaanka ku boorriyay in doorashada madaxweynaha ay ku dhacdo muddo 10 maalmood gudahood ah.

Ma jirto xilli loo qabtay inay doorashada madaxweynuhu dhacayso iyadoo qorshuhu ahaa inay dhacdo 20-kii bishan Ogoosto, waxaase ku yimid dib u dhac, kaasoo ka dhashay muran ku saabsan xildhibaannadii lasoo xulay oo qaarkood ay diideen guddiga farsamada ee xulista baarlamaanka Soomaaliya.

"Waxaan kula talinaynaa Jawaari inuu qabanqaabiyo doorashada madaxweynaha iyadoo aanay wax dib u dhac ah dhicin," ayuu yiri James Swan oo ah wakiilka Mareykanka ee arrimaha Soomaaliya oo ka mid ahaa wafdigii beesha caalamka ka socday. Isagoo doorashada guddoomiyaha ku tilmaamay mid taariikhi ah.

Xafiiska madaxweynaha Soomaaliya ayaa waxaa u tartamaya murashaxiin ka badan 25, kuwaasoo olole doorasho kawada magaalada Muqdisho, waxaana xubnahaas ka mid ah, madaxda dowladda uu xilligeedu dhamaaday.

Maxamed Xaaji Xuseen, Hiiraan Online
maxuseen@hiiraan.com
Muqdisho, Soomaaliya




Post your comments

8/29/2012 9:55 AM EST
Arbaco, Ogoosto 29, 2012 (HOL) — Maxkamada sare ee dalka ayaa go'aamisay inay hogaamiye kooxeedyadii horay loogu diiday inay baarlamaanka ka mid noqdaan ay ka mid noqon karaan baarlamaanka, iyadoo baabi'isay diidmadii guddiga farsamada kasoo baxday.

8/29/2012 9:20 AM EST
Arbaco, Ogoosto 29, 2012 (HOL) — Madaxweynaha Somaliland, Axmed Maxamed Maxamuud (Siillaanyo) ayaa maanta xilkii ka qaaday wasiirkiisa warfaafinta iyo wacyigelinta Somaliland, Boobe Yuusuf Ducaale.

8/29/2012 9:04 AM EST
Arbaco, Ogoosto 29, 2012 (HOL) — Faahfaahin dheeri ah ayaa kasoo baxeysa dagaal xooggan oo saaka ka qarxay inta u dhexeysa Degmada Afmadow iyo deegaanka Birta Dheer ee gobolka Jubbada Hoose, dagaalkaas oo u dhexeeyay ciidamada dowladda iyo kuwa Raaskaambooni oo kaashanaya Militariga Kenya iyo xoogagga Al-shabaab.

8/29/2012 8:48 AM EST
Arbaco, Ogoosto 29, 2012 (HOL) — Xubno ka mid ah madaxdii Xisbiga UDUB ee usoo digo rogtay xisbiga KULMIYE, ayaa maanta xaflad weyn oo ay ku muujinayaa awoodoodda taageero ku soo bandhigay hotel Maansoor ee magaaladda Hargeysa.

8/29/2012 6:38 AM EST
Arbaco, Ogoosto 29, 2012 (HOL) — Dagaallo culus oo u dhexeeyo ciidamada dowladda Soomaaliya, kuwa Raaskaambooni iyo militariga Kenya oo isku dhinac ah iyo Xarakada Al-shabaab ayaa saaka ka qarxay deegaanka Cag-libaax ee duleedka Afmadow, iyadoona dagaalku yahay mid xooggan.

8/29/2012 4:45 AM EST
Arbaco, Ogoosto 29, 2012 (HOL) — Kadib kulamo is daba-jooga ah oo maalmihii ugu danbeeyayba uga socday mas’uuliyiinta Ahlusunna Waljameeca ee Gobolka Galguduud ayay ugu dambeyntii ku go’aansadeen inay sameystaan maamul gobolleed u gaar ah.

8/29/2012 3:50 AM EST
Arbaco, Ogoosto 29, 2012 (HOL) — Ugu yaraan afar qof oo saddex ka mid ah ay ka tirsan yihiin booliiska Kenya iyo qof rayid ah ayaa ku dhintay qaraxyo ka dhacay magaalads Mombasa ee dalka Kenya, waxaana qaraxyadan ku dhaawacmay 16 ka tirsan booliiska Kenya.

8/29/2012 3:18 AM EST
Arbaco, Ogoosto 29, 2012 (HOL) — Madaxweynaha Soomaaliya, Shariif Sheekh Axmed ayaa u hambalyay guddoonka cusub ee baarlamaanka Soomaaliya, isagoo ku tilmaamay tallaabo taariikhi ah in dadka Soomaaliyeed ay 42 sano kaddib yeeshaan baarlamaan lagu doortay gudaha dalka.

8/29/2012 3:17 AM EST
Arbaco, Ogoosto 29, 2012 (HOL) — Ugu yaraan laba qof ayaa ku dhintay dhowr kalena dhaawacyo ayaa kasoo gaaray kaddib qaraxyo waaweyn oo xalay ka dhacay gudaha degmada Marko ee xarunta gobolka Shabeellada hoose, xilli ay halkaas ku sugnaayeen ciidamada dowladda Soomaaliya oo baaritaanno sameynayay.