Saturday, May 25, 2013
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Arbaco, Aug 29, 2012
Siyaasiyiin kasoo baxay UDUB oo ku biiray KULMIYE soo bandhigay Awoodda taageero ee ay kusoo biirinayaan Xisbiga Talada haya

Arbaco, Ogoosto 29, 2012 (HOL) — Xubno ka mid ah madaxdii Xisbiga UDUB ee usoo digo rogtay xisbiga KULMIYE, ayaa maanta xaflad weyn oo ay ku muujinayaa awoodoodda taageero ku soo bandhigay hotel Maansoor ee magaaladda Hargeysa.

Xubnahan ku biiray KULMIYE ayaa waxa ka mid ah xildhibaano golaha Wakiiladda ka tirsan, wasiiro hore uga tirsana dawladii UDUB, agaasimeyaal, haween iyo siyaasiyiin kale, kuwaas oo sheegay in aanay aqoon mucaaradada, waligoodna ay ahaayeen muxaafad hadba dawladda joogta uun taageera, waxaanay sheegeen inay xisbiga kulmiye oo aad u yaqaan mucaaradadda iyo dhaliisha ay bari doonaan muxaafadnimada iyo sida dawladda loo taageero.

Sidoo kale, madaxda xisbiga KULMIYE ayaa soo dhoweeyey, iyagoo sheegay in aan xisbiga laga kala xigin oo hawlaha xisbiga qayb muhiim ah ka qaadan doonaan.

Wasiirka hawlaha guud Axmed Cabdi Xaabsade iyo Wasiirka arrimaha gudaha Md: Maxamed Nuur Caraale (Duur), ayaa sheegay in markii hore ay ahaayeen xisbiga UDUB, balse imika ay noqdeen wasiiro, madaxweynaha uga dhow ragii waligii xisbiga kulmiye ku jiray, taasina ay cadaynayso buu yidhi in xisbiga iyo dawladaba la kala lahayn, oo cid waliba u siman tahay.


 Gudoomiyaha xisbiga kulmiye Muuse Biixi Cabdi ayaa isna sheegay in xisbigu muddo dheer mucaarad ahaa, isla markaana hawlihii nabadeynta iyo horumarinta uu qayb weyn ka soo qaatay.

Madaxweyne ku xigeenka Md: Cabdiraxmaan  Cabdilaahi Ismaaciil (Saylici), ayaa sheegay in aanay dadku kala caqli badnayn balse ay ku kala duwan yihiin hogaanka, isagoo xusay in  hogaanka KULMIYE uu ka duwan yahay ka xisbiyada kale, sidaa darteed ay keentay in sideed sanadood usoo samraan oo iyagoo midaysan ay taladda la wareegaan, isla markaana ay wasiiro u magacaabeen ragii UDUB ahaa ee ay ololaha aadka isku necbaayeen.

“Anaga naguma jirto ragan waad isa soo layseen, waxaana ku cadaynaya ragan I garab fadhiya ee wasiiraddi ahi waa ragii naga soo horjeeday, kamana cabsoonayno in ragii naga soo horjeeday aanu wada shaqayno, marka inta aynu is dheer nahay waa in aynu isku qirnaa”ayuu yidhi madaxweyne ku xigeenka Saylici oo ku faanaya in rag UDUB ahaa ay wasiiro ka dhigeen.


Madaxweyne ku xigeenku waxa uu sheegay in wax badan ay UDUB kaga fiicnayd, loona baahan yahay in la isku daro waxa la is dheer yahay iyo qolo waliba waxay ku fiican tahay, ololahana loo galo si nadiif ah.




Barkhad-Ladiif  M. Cumar, Hiiraan Online
barkhadladiif@hiiraan.com
Hargeysa, Somaliland




Post your comments

8/29/2012 9:55 AM EST
Arbaco, Ogoosto 29, 2012 (HOL) — Maxkamada sare ee dalka ayaa go'aamisay inay hogaamiye kooxeedyadii horay loogu diiday inay baarlamaanka ka mid noqdaan ay ka mid noqon karaan baarlamaanka, iyadoo baabi'isay diidmadii guddiga farsamada kasoo baxday.

8/29/2012 9:20 AM EST
Arbaco, Ogoosto 29, 2012 (HOL) — Madaxweynaha Somaliland, Axmed Maxamed Maxamuud (Siillaanyo) ayaa maanta xilkii ka qaaday wasiirkiisa warfaafinta iyo wacyigelinta Somaliland, Boobe Yuusuf Ducaale.

8/29/2012 9:04 AM EST
Arbaco, Ogoosto 29, 2012 (HOL) — Faahfaahin dheeri ah ayaa kasoo baxeysa dagaal xooggan oo saaka ka qarxay inta u dhexeysa Degmada Afmadow iyo deegaanka Birta Dheer ee gobolka Jubbada Hoose, dagaalkaas oo u dhexeeyay ciidamada dowladda iyo kuwa Raaskaambooni oo kaashanaya Militariga Kenya iyo xoogagga Al-shabaab.

8/29/2012 8:49 AM EST
Arbaco, Ogoosto 29, 2012 (HOL) — Guddoomiyaha baarlamaanka Soomaaliya oo la doortay shalay, Maxamed Cismaan Jawaari ayaa wuxuu kulankiisii ugu horreeyay la yeeshay maanta wakiillo ka socday beesha calaamka oo uu ku jiray wakiilka gaarka ah ee Qaramada Midoobay u qaablisan arrimaha Soomaaliya, danjire Augustine Mahiga.

8/29/2012 6:38 AM EST
Arbaco, Ogoosto 29, 2012 (HOL) — Dagaallo culus oo u dhexeeyo ciidamada dowladda Soomaaliya, kuwa Raaskaambooni iyo militariga Kenya oo isku dhinac ah iyo Xarakada Al-shabaab ayaa saaka ka qarxay deegaanka Cag-libaax ee duleedka Afmadow, iyadoona dagaalku yahay mid xooggan.

8/29/2012 4:45 AM EST
Arbaco, Ogoosto 29, 2012 (HOL) — Kadib kulamo is daba-jooga ah oo maalmihii ugu danbeeyayba uga socday mas’uuliyiinta Ahlusunna Waljameeca ee Gobolka Galguduud ayay ugu dambeyntii ku go’aansadeen inay sameystaan maamul gobolleed u gaar ah.

8/29/2012 3:50 AM EST
Arbaco, Ogoosto 29, 2012 (HOL) — Ugu yaraan afar qof oo saddex ka mid ah ay ka tirsan yihiin booliiska Kenya iyo qof rayid ah ayaa ku dhintay qaraxyo ka dhacay magaalads Mombasa ee dalka Kenya, waxaana qaraxyadan ku dhaawacmay 16 ka tirsan booliiska Kenya.

8/29/2012 3:18 AM EST
Arbaco, Ogoosto 29, 2012 (HOL) — Madaxweynaha Soomaaliya, Shariif Sheekh Axmed ayaa u hambalyay guddoonka cusub ee baarlamaanka Soomaaliya, isagoo ku tilmaamay tallaabo taariikhi ah in dadka Soomaaliyeed ay 42 sano kaddib yeeshaan baarlamaan lagu doortay gudaha dalka.

8/29/2012 3:17 AM EST
Arbaco, Ogoosto 29, 2012 (HOL) — Ugu yaraan laba qof ayaa ku dhintay dhowr kalena dhaawacyo ayaa kasoo gaaray kaddib qaraxyo waaweyn oo xalay ka dhacay gudaha degmada Marko ee xarunta gobolka Shabeellada hoose, xilli ay halkaas ku sugnaayeen ciidamada dowladda Soomaaliya oo baaritaanno sameynayay.