Friday, May 24, 2013
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Talaado, Aug 28, 2012
Xildhibaan Jeylaani Iikar oo loo doortay Guddoomiye ku xigeenka Baarlamaanka Soomaaliya

Guddoomiye ku xigeenka 1aad ee Baarlamaanka Jeylaani Iikar
Tuesday, August 28, 2012Talaado, August 28, 2012(HOL): Waxaa goor dhaweyd soo gebagebowday doorashada guddoomiye ku xigeenka koowaad ee Golaha Baarlamaanka Soomaaliya, kaasi oo ay isu soo taageen illaa 10 musharrax.

Tobanka Musharrax ee jagadan isu soo taagay ayaa waxay kala ahaayeen:

Xildhibaan Jeylaani Nuur Iikar
Xildhibaan  C/weli Ibraahim Muudey
Xildhibaan Bashiir Maxamed Jaamac
Xildhibaan Maxamed Cabdi Xayir Maareeye
Xildhibaan Maxamed Cusmaan
Xildhibaan Ibraahim Saalax Deyfullaah
Xildhibaan Tahliil Maxamed Cabdi
Xildhibaan Maxamed Cumar Dalxa
Xildhibaan Cabdalla Boos Axmed
Xildhibaan Cabdixakiin Cige Guuleed
Xildhibaan Maxamed Cali Xagaa

Wareeggii koowaad ee codbixinta markii ay soo gebagebowday ayaa waxaa wareeggaas ku haray 6 xildhibaan oo aanan helin codadkii u saamixi lahaa in ay gudbaan wareegga labaad, sidaasna waxaa wareegga labaad ugu soo gudbay Xildhibaan Jeylaani Nuur Iikar, Xildhibaan C/weli Ibraahim Muudey, Xildhibaan  Bashiir Maxamed Jaamac iyo Xildhibaan  Maxamed Cabdi Xayir Maareeye, waxaana wareeggaas markii uu dhammaaday isu soo haray Xildhibaan  Jeylaani Nuur Iikar oo helay 91 cod iyo Xildhibaan C/weli Ibraahim Muudey oo helay 58 cod, kaddibna waxaa in uu wareeggii ugu dambeeyay ka tanaasulay ku dhawaaqay Xildhibaan  C/weli Ibraahim Muudey.

Wararka naga soo gaaraya xarunta  Dugsiga Tababarka Booliska ee Jen. Kaahiye (Ex. School Polizia) ayaa waxay sheegayaan in ay billaabatay doorashada guddoomiye ku xigeenka labaad ee Golaha Baarlamaanka, waxaana jagadan isu soo taagay Xildhibaan  Cusmaan Cilmi Boqorre,  Xildhibaan Mahad Cabdalla Cawad, Xildhibaan Maxamed C/llaahi Xasan iyo Xildhibaan Cabdullaahi Cusmaan Ducaale, waxaana la sugayaa xildhibaanka xilka ku soo baxa.

Doorashadii maanta ee Guddoomiyenimada Baarlamaanka Soomaaliya oo uu ku guuleystay Xildhibaan Maxamed Cusmaan Jawaari ayaa waxaa lagu kala baxay wareegga koowaad, waxayna guushaas timid kaddib markii uu tanaasulay Xildhibaan Cali Khaliif Galeyr.

Waxaa xusid mudan in uu weli howsha Baarlamaanka uu sii wado Guddoomiyaha KMG ah ee Baarlamaanka Jen. Muuse Xasan Cabdulle, wuxuuna howsha sii wadi doonaa illaa guddoomiyaha baarlamaanka Xildhibaani Jawaari loo dhaariyo xilka guddoomiyenimada. Guddoomiyaha cusub ee Baarlamaanka ayaa markii maanta loo doortay xilkan waxaa ammaankiisa la wareegay Ciidamada Amisom iyo kuwa Dowladda Soomaaliya.

Howsha ugu horreysa ee hortaalla Baarlamaanka Soomaaliya ayaa waxay tahay in uu soo doorto Madaxweynaha Soomaaliya hoggaamin doona, kaasi oo noqon doono dhowr iyo 20 sano kaddib madaxweyne dowlad aan KMG ahayn oo ay Soomaaliya leedahay, taasina waxay dadka iyo dalka  Soomaaliyeed u tahay sharaf maadaama dalal badan oo caalamka ah aysan Soomaaliya ula dhaqmi jirin sida dowlad dhameystiran.


Salaad Iidow Xasan (Xiis), Hiiraan Online
sxiis@hiiraan.com





Post your comments

8/28/2012 9:56 AM EST
Talaado, Ogoosto 28, 2012 (HOL) — Guddiga doorashada guddoonka baarlamaanka Soomaaliya ayaa ku dhawaaqay in Prof. Maxamed Cismaan Jawaari uu si rasmi ah u noqday afhayeenka baarlamaanka Soomaaliya kaddib markiii uu tanaasulay Prof. Cali Khaliif Galleyr oo ay isugu soo hareer wareeggii ugu dambeeyay.

8/28/2012 9:54 AM EST
Talaado, Ogoosto 28, 2012 (HOL) — Komishanka Doorashooyinka Somaliland, ayaa shaaciyey waxyaalaha looga baahan yahay xisbiyadda, ururadda iyo musharaxiinta laga rabo.

8/28/2012 8:28 AM EST
Talaado, Ogoosto 28, 2012 (HOL) — Iyadoo dhawaan ay xukuumadda Soomaaliya u magacowday safiir dalka Koonfur Afrika ayaa waxaa guddiga taakuleynta safaarada Soomaaliya ee gobolka Westren-Cape waxay sheegeen inay ku dhawaaqi doonaan bilaabidda qaabkii loo aruurin lahaa dhaqaalihii lagu dhisiyo guriga safaaraddu ay degi lahayd.

8/28/2012 6:32 AM EST
Talaado, Ogoosto 28, 2012 (HOL) — Xiisado dagaal ayaa laga dareemayaa deegaanada galbeed ee gobolka Jubada hoose, iyadoona dhaqdhaqaaqyada ciidan ay saameyn xooggan ku yeesheen shacabka ku dhaqan qeybo katirsan gobolka Jubada hoose.

8/28/2012 6:23 AM EST
Talaado, Ogoosto 28, 2012 (HOL) — Dusiga sare ee baarlamaanka Soomaaliya ayaa waxaa ka socota hadda tirinta codadka ay dhiibteen 228 xildhibaan oo soo xaadiray kulanka lagu dooranayo guddoonka sare ee baarlamaanka.

8/28/2012 6:05 AM EST
Talaado, Ogoosto 28, 2012 (HOL) — Kulan lagu taageerayay beelaha Jareer-weyne uga mid noqday baarlamaanka federaalka Soomaaliya ayaa lagu qabtay Muqdisho, kaasoo ay ka qaybgaleen nabaddoono, siyaasiyiin, aqoon-yaahnno, haweenka iyo iyo dhalinyarada beelaha.

8/28/2012 3:44 AM EST
Talaado, Ogoosto 28, 2012 (HOL) — Hay'adda cunnada iyo beeraha adduunka ee FOA ayaa sheegtay in mid ka mid ah shaqaalaheeda lagu dilay degmada Makro ee xarunta ee gobolka Shabeellada hoose, halkaasoo ay hay'addu ay ku leedahay xarun weyn.

8/28/2012 3:30 AM EST
Talaado, Ogoosto 28, 2012 (HOL) — Xaaladda degmada Marko ee xarunta gobolka Shabeellada hoose ayaa daggan saakay, kaddib markii xoogaggii Al-shabaab ay isaga baxeen degmadaas, sidoo kalena ay ciidammo ka tirsan oo xafado ka mid ah degmadaas galay ay dib uga baxeen isla shalay.

8/28/2012 3:20 AM EST
Talaado, Ogoosto 28, 2012 (HOL) — Magaalada Muqdisho ee xarunta Soomaaliya ayaa waxaa maanta oo Talaaso ah lagu dooranayaa guddoomiyaha iyo ku xigeennada baarlamaanka federaalka ah ee Soomaaliya, kaasoo inta badan xubnihiisa la dhaariyay toddobaadkii hore.