Tuesday, May 21, 2013
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Talaado, Aug 28, 2012
Guddida Doorashooyinka Somaliland oo sheegay waxyaalaha looga baahan yahay musharaxa golaha deegaanka iyo xisbigiisa
Talaado, Ogoosto 28, 2012 (HOL) — Komishanka Doorashooyinka Somaliland, ayaa shaaciyey waxyaalaha looga baahan yahay xisbiyadda, ururadda iyo musharaxiinta laga rabo.

“Xisbigaurur kasta oo doonaya in uu ka qaybgalo doorashada goleha deegaanka, waa in uu komishanka doorashooyinka qaranka u gudbiyo liiska musharaxiinta uu u xulay inay uga tartamaan doorashada oo degmaysan, kaas oo ku sargo’an tirada kuraasida degmo kasta loo xadiday, una qoran si taxane ah oo ku salaysan habka liistada furan (Open list system), waxa Komishanka doorashooyinka Qaranku u siin doonaa musharax kasta lambar u gaar ah oo u noqon doona sumad”ayuu yidhi Afhayeenka guddidda Doorashooyinka Mr:Maxamed Axmed Xirsi Geelle  oo shirjaraa’id ku qabtay xaruntoodda.

Xafiiska komishanka ama xafiisyadiisa doorashada ee degmooyinka waxay hubinayaan in musharaxiinta liisaska ku qorani buuxinayaan dhamaan shuruudaha u dhigan xeerkooda, musharaxa aan buuxin shuruudaha waxa lagu celinayaa ururkii ama xisbigii soo sharaxay si ay u soo bedelaan.

Sidoo kale, waxa musharax kasta laga rabaa inuu bixiyo deebaaji lacag dhan hal milyan oo Somaliland shilling una dhigma ilaa $150 dollar, waxa kale oo ka reeban musharaxa in tobankii sanno ee u dambeeyey ay maxkamadi kaga hor cadaan xukun ciqaabeed.

Shuruudaha kale waxa ka mid ah in musharaxa isku soo sharxaya degmooyinka A iyo B inuu leeyahay aqoon dugsi sare, halka degmooyinka C iyo D laga reebo dugsi dhexe, isla markaana yahay cashuur bixiye degmada uu degan yahay ama uu ka qaybqaatay si mutadawacnimo ah hawlo dan guud ah ee degmadaas.

Sidoo kale waxa ku waajib ah musharaxa golaha deegaanka haddii uu yahay shaqaale dawladood inuu shaqada ka tago bishan dhamaadkeedda, keenana cadayn shaqo ka tigis ah, waxa kale oo ay sheegeen in 14 September wixii ka dambeeya aan xisbina laga qabanayn wax liis ah.

29 Octobar ayey si rasmi ah u bilaabmayaan ololihii musharaxiinta golaha deegaanka waxaanu xidhmayaa 25 November, halka 28 doorashadda loo dareeri doono.

Sidoo kale, xisbiyada waxay ugu baaqeen in degmo kasta xisbi waliba soo buuxiyo musharaxiintii loogu talogalay oo aan la rabin in tiro ka yar intii loogu talogalay usoo gudbiyo gudidda doorashooyinka.

Barkhad-Ladiif  M. Cumar, Hiiraan Online  
barkhadladiif@hiiraan.com
Hargeysa, Somaliland




Post your comments

8/28/2012 3:43 PM EST
Talaado, August 28, 2012(HOL): Waxaa goor dhaweyd soo gebagebowday doorashada guddoomiye ku xigeenka koowaad ee Golaha Baarlamaanka Soomaaliya, kaasi oo ay isu soo taageen illaa 10 musharrax.

8/28/2012 9:56 AM EST
Talaado, Ogoosto 28, 2012 (HOL) — Guddiga doorashada guddoonka baarlamaanka Soomaaliya ayaa ku dhawaaqay in Prof. Maxamed Cismaan Jawaari uu si rasmi ah u noqday afhayeenka baarlamaanka Soomaaliya kaddib markiii uu tanaasulay Prof. Cali Khaliif Galleyr oo ay isugu soo hareer wareeggii ugu dambeeyay.

8/28/2012 8:28 AM EST
Talaado, Ogoosto 28, 2012 (HOL) — Iyadoo dhawaan ay xukuumadda Soomaaliya u magacowday safiir dalka Koonfur Afrika ayaa waxaa guddiga taakuleynta safaarada Soomaaliya ee gobolka Westren-Cape waxay sheegeen inay ku dhawaaqi doonaan bilaabidda qaabkii loo aruurin lahaa dhaqaalihii lagu dhisiyo guriga safaaraddu ay degi lahayd.

8/28/2012 6:32 AM EST
Talaado, Ogoosto 28, 2012 (HOL) — Xiisado dagaal ayaa laga dareemayaa deegaanada galbeed ee gobolka Jubada hoose, iyadoona dhaqdhaqaaqyada ciidan ay saameyn xooggan ku yeesheen shacabka ku dhaqan qeybo katirsan gobolka Jubada hoose.

8/28/2012 6:23 AM EST
Talaado, Ogoosto 28, 2012 (HOL) — Dusiga sare ee baarlamaanka Soomaaliya ayaa waxaa ka socota hadda tirinta codadka ay dhiibteen 228 xildhibaan oo soo xaadiray kulanka lagu dooranayo guddoonka sare ee baarlamaanka.

8/28/2012 6:05 AM EST
Talaado, Ogoosto 28, 2012 (HOL) — Kulan lagu taageerayay beelaha Jareer-weyne uga mid noqday baarlamaanka federaalka Soomaaliya ayaa lagu qabtay Muqdisho, kaasoo ay ka qaybgaleen nabaddoono, siyaasiyiin, aqoon-yaahnno, haweenka iyo iyo dhalinyarada beelaha.

8/28/2012 3:44 AM EST
Talaado, Ogoosto 28, 2012 (HOL) — Hay'adda cunnada iyo beeraha adduunka ee FOA ayaa sheegtay in mid ka mid ah shaqaalaheeda lagu dilay degmada Makro ee xarunta ee gobolka Shabeellada hoose, halkaasoo ay hay'addu ay ku leedahay xarun weyn.

8/28/2012 3:30 AM EST
Talaado, Ogoosto 28, 2012 (HOL) — Xaaladda degmada Marko ee xarunta gobolka Shabeellada hoose ayaa daggan saakay, kaddib markii xoogaggii Al-shabaab ay isaga baxeen degmadaas, sidoo kalena ay ciidammo ka tirsan oo xafado ka mid ah degmadaas galay ay dib uga baxeen isla shalay.

8/28/2012 3:20 AM EST
Talaado, Ogoosto 28, 2012 (HOL) — Magaalada Muqdisho ee xarunta Soomaaliya ayaa waxaa maanta oo Talaaso ah lagu dooranayaa guddoomiyaha iyo ku xigeennada baarlamaanka federaalka ah ee Soomaaliya, kaasoo inta badan xubnihiisa la dhaariyay toddobaadkii hore.