Thursday, June 20, 2013
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Talaado, Aug 28, 2012
Xiisado dagaal oo ka taagan Deegaanno ka tirsan Jubada Hoose iyo Barakac xooggan oo ka billowday Magaalada Kismaayo
Talaado, Ogoosto 28, 2012 (HOL) — Xiisado dagaal ayaa laga dareemayaa deegaanada galbeed ee gobolka Jubada hoose, iyadoona dhaqdhaqaaqyada ciidan ay saameyn xooggan ku yeesheen shacabka ku dhaqan qeybo katirsan gobolka Jubada hoose.

Ciidamada dowladda KMG, Raaskaambooni iyo Militariga Kenya oo isgarabsanaya ayaa wado dhaqdhaqaaqyo aad u xooggan, waxaana ay ciidamada huwanta ah usoo qalabqaateen sidii ay gacanta ugu dhigi lahaayeen magaalada Kismaayo oo ay ku xoogganyihiin dagaalyahannada Al-shabaab.

Afhayeenka ciidamada dowladda KMG ee Jubooyinka oo warbaahinta lahadlay ayaa sheegay in magaalada Kismaayo ay ka weerarayaan sedex jiho, wuxuuna xusay in ciidamadu ay haatan diyaar yihin islamarkaasina u dhaqaaqeen dhanka magaalada Kismaayo.

Shacabka ku dhaqan magaalada Kismaayo iyo deegaanada ku xeeran ee dhanka galbeed ayaa walaac ka muujiyay xiisadahan ka taagan gobolka, iyadoona dadka qaar ay bilaabeen in ay u barakacaan goobaha nabdoon ee gobolka.

"Magaalada barakac xooggan ayaa ka jiro, dadku waxay u qaxayaan dhinaca deegaanada gosha, cabsi aad uweyna way jirtaa," sidaa waxaa yiri goobjooge ku sugan magaalada Kismaayo oo ka gaabsaday in magaciisa la xigto.

Masuuliyiin katirsan maamulka Al-shabaab ee Jubooyinka ayaa sheegay in ay kahortagi doonaan duulaanka kusoo fool leh magaalada, waxaana gudaha magaalada laga dareemayaa saansaan colaadeed.

Ciidamada dowladda KMG iyo kuwa Kenya ee isgarabsanaya ayaa magaalada Kismaayo u jira qiyaastii 75 KM, iyadoona ciidamadu ay qorsheynayaan in weerar sedex jiho ah ay ku qaadaan magaalada Kismaayo, waxaana suurogal ah in saacad walba uu dagaal qarxo maadaama labada dhinac ay isku horfadhiyaan goobo dhowr ah oo katirsan gobolka Jubada hoose.

Xoogagga Al-shabaab ayaa ka bilaabay magaalada Kismaayo abaabullo ciidan, waxaana maalmihii ugu danbeeyay magaalada soo gaarayay ciidamo aad u tiro badan oo ka kala yimid gobollada Jubada Dhexe, Bay, Bakool iyo Gedo, kuwaasoo la filayo in ay ka xoojiyaan dagaallada ay Al-shabaab ku dooneyso in ay ku difaacato magaalada Kismaayo ee xarunta gobolka jubada Hoose.

Xiisadahan dagaal ee ka taagan gobolka Jubada hoose ayaa kusoo beegmaya xilli ciidamada dowladda KMG oo kaashanaya kuwa AMISOM ay shalay la wareegeen Degmada Marka ee xarunta gobolka Shabeelaha Hoose, waxaana saraakiisha AMISOM ay sheegeen in qabsashada magaalada Marka ay fududeyn doonto sidii gacanta loogu dhigi lahaa magaalada Kismaayo oo ah magaalada ay ugu xoog badanyihiin Al-shabaab.

Xasan Nuur, Hiiraan Online
hnur@hiiraan.com
Kismaayo, Soomaaliya




Post your comments

8/28/2012 3:43 PM EST
Talaado, August 28, 2012(HOL): Waxaa goor dhaweyd soo gebagebowday doorashada guddoomiye ku xigeenka koowaad ee Golaha Baarlamaanka Soomaaliya, kaasi oo ay isu soo taageen illaa 10 musharrax.

8/28/2012 9:56 AM EST
Talaado, Ogoosto 28, 2012 (HOL) — Guddiga doorashada guddoonka baarlamaanka Soomaaliya ayaa ku dhawaaqay in Prof. Maxamed Cismaan Jawaari uu si rasmi ah u noqday afhayeenka baarlamaanka Soomaaliya kaddib markiii uu tanaasulay Prof. Cali Khaliif Galleyr oo ay isugu soo hareer wareeggii ugu dambeeyay.

8/28/2012 9:54 AM EST
Talaado, Ogoosto 28, 2012 (HOL) — Komishanka Doorashooyinka Somaliland, ayaa shaaciyey waxyaalaha looga baahan yahay xisbiyadda, ururadda iyo musharaxiinta laga rabo.

8/28/2012 8:28 AM EST
Talaado, Ogoosto 28, 2012 (HOL) — Iyadoo dhawaan ay xukuumadda Soomaaliya u magacowday safiir dalka Koonfur Afrika ayaa waxaa guddiga taakuleynta safaarada Soomaaliya ee gobolka Westren-Cape waxay sheegeen inay ku dhawaaqi doonaan bilaabidda qaabkii loo aruurin lahaa dhaqaalihii lagu dhisiyo guriga safaaraddu ay degi lahayd.

8/28/2012 6:23 AM EST
Talaado, Ogoosto 28, 2012 (HOL) — Dusiga sare ee baarlamaanka Soomaaliya ayaa waxaa ka socota hadda tirinta codadka ay dhiibteen 228 xildhibaan oo soo xaadiray kulanka lagu dooranayo guddoonka sare ee baarlamaanka.

8/28/2012 6:05 AM EST
Talaado, Ogoosto 28, 2012 (HOL) — Kulan lagu taageerayay beelaha Jareer-weyne uga mid noqday baarlamaanka federaalka Soomaaliya ayaa lagu qabtay Muqdisho, kaasoo ay ka qaybgaleen nabaddoono, siyaasiyiin, aqoon-yaahnno, haweenka iyo iyo dhalinyarada beelaha.

8/28/2012 3:44 AM EST
Talaado, Ogoosto 28, 2012 (HOL) — Hay'adda cunnada iyo beeraha adduunka ee FOA ayaa sheegtay in mid ka mid ah shaqaalaheeda lagu dilay degmada Makro ee xarunta ee gobolka Shabeellada hoose, halkaasoo ay hay'addu ay ku leedahay xarun weyn.

8/28/2012 3:30 AM EST
Talaado, Ogoosto 28, 2012 (HOL) — Xaaladda degmada Marko ee xarunta gobolka Shabeellada hoose ayaa daggan saakay, kaddib markii xoogaggii Al-shabaab ay isaga baxeen degmadaas, sidoo kalena ay ciidammo ka tirsan oo xafado ka mid ah degmadaas galay ay dib uga baxeen isla shalay.

8/28/2012 3:20 AM EST
Talaado, Ogoosto 28, 2012 (HOL) — Magaalada Muqdisho ee xarunta Soomaaliya ayaa waxaa maanta oo Talaaso ah lagu dooranayaa guddoomiyaha iyo ku xigeennada baarlamaanka federaalka ah ee Soomaaliya, kaasoo inta badan xubnihiisa la dhaariyay toddobaadkii hore.