Saturday, May 18, 2013
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Isniin, Aug 27, 2012
Madaxda Soomaalida iyo Guddoomiyaha KMG Baarlamaanka oo Muqdisho kula kulmay Wafdi ka socday Midowga Yurub (SAWIRRO)
EU.jpg
Isniin, Ogoosto 27, 2012 (HOL) — Madaxweynaha Soomaaliya, Shariif Sheekh Axmed, C/weli Maxamed Cali, Shariif Xasan Sheekh Aadan iyo guddoomiyaha KMG ah ee baarlamaanka Soomaaliya, Jen. Muuse Xasan ayaa maanta Muqdisho kulan kula yeeshay wafdi ay hoggaaminayso wakiilka midowga Yurub u qaabilsan arrimaha dibadda iyo siyaasadda ammaanka, Catherine Ashton.

Kulankan oo ay goobjoog ka ahaayeen saraakiil uu ka mid yahay taliyaha ciidamada booliiska Soomaaliya, Shariif Sheekhunaa Maye ayaa waxaa looga hadlay sidii lagu dhammeystiri lahaa marxaladda ku meel gaarka ah ee Soomaaliya sida ay howluhu u socdaan iyo siyaasadda Midowga Yurub ee Soomaaliya.

“Wafdiga waxaan kawada hadalnay marxalaadda u dalk ku sugan yahay, waxaana kala qaadannay warbixinno ku saabsan wixii la soo maray iyo sidii lagu dhameystiri lahaa howsha yar ee hartay," ayuu yiri Shariif Sheekh oo intaas ku daray. "Wixii aan ka hadalnay waxaa ka mid ahaa sida loo dhammeynayo howshan harsan iyo sida la rabo inay Soomaaliya noqoto waqtiga soo socda. dhammaan waxyaabihii aan ka hadlanay waan isku afgarannay.”

EU2.jpg

Madaxweynaha Soomaaliya ayaa sheegay in Catherine Ashton ay ballan-qaadday in Midowga Yurub uu sii wadi doono taageerada uu siiyo Soomaaliya. Iyaguna ay uga mahadcelinayaan taageerada uu Midowga Yurub siiyo Soomaaliya.

“Waxaan u sheegnay in howlaha harsan si wanaagsan loo dhammeystiri doono, doorashada baarlamaankana ay dhici doonto berri oo Talaado ah haddii Alle idmo, doorashooyinka kalena ay daba socon doonaan. Taasna waxay u arkeen inay tahay horumar weyn oo Soomaaliya ay ku tallaabsatay, kaasoo taabanayaa dhinacyada ammaanka, Siyaasadda iyo arrimaha bulshada,” ayuu yiri Shariif Sheekh.

Ugu dambeyn, madaxweynaha Soomaaliya ayaa sheegay in ka bixitaanka KMG ay u horseedayso dadka Soomaaliyeed inay ka gudbaan dhibaatada muddada heysatay, sidaa darteedna loo baahan yahay in qof kasta ay taageerto hannaankan dib loogu dhisayo dowlad dhammeystiran oo hanata waajibaadkeeda, iyadoo loo marayo jid nabadeed oo xoojinaya horumarka dalka ka jira.

Imaanshaha wafdigan ka socda Midowga Yurub ayaa wuxuu kusoo beegmayaa xilli uu taagan yahay muran weyn oo ku saabsan xildhibaannadii dib loo celiyay, kuwaas oo la filayo inay maanta maxkamadda sare ee dalka go'aan ka gaarto.

EU3.jpg
EU4.jpg
EU5.jpg
EU6.jpg

Maxamed Xaaji Xuseen, Hiiraan Online
maxuseen@hiiraan.com
Muqdisho, Soomaaliya





Post your comments

8/27/2012 10:57 AM EST
Isniin, Agoosto 27, 2012 (HOL) - Guddiga farsamada ee xulista baarlamaanka Soomaaliyeed ayaa soo saaray liiskii ugu dambeeyey oo gaaraya 255 xubnood, waxaana dhimman 20 xubnood

8/27/2012 10:44 AM EST
Rabshado uu dhiig ku daatay ayaa ka soconaya magaalada Mombasa ee xarunta gobolka xeebta ee Kenya.

8/27/2012 9:42 AM EST
Isniin, Ogoosto 27, 2012 (HOL) — Afhayeenka ciidamada Midowga Afrika (AMISOM), Col. Cali Aadan Xaamud ayaa sheegay in maanta ay ciidamadooda iyo kuwa dowladda Soomaaliya oo iskaashanaya ay si buuxda ula wareegeen gacan ku haynta degmada Marko ee gobolka Shabeellada hoose.

8/27/2012 9:30 AM EST
Isniin, Ogoosto 27, 2012 (HOL) — Xisbiga Mucaaradka ah ee UDUB ee Somaliland, ayaa maanta shirweynihiisii golaha dhexe ku qabsaday hotel Ambassador ee magaaladda Hargeysa, halkaas oo ay iskugu yimaadeen 105 ka mid ah xubnaha golaha dhexe ee xisbiga.

8/27/2012 7:39 AM EST
Isniin, Ogoosto 27, 2012 (HOL) — Golaha ammaanka ee Qaramada Midoobay ayaa cunno-qabteyn saaray, Abuubakar Shariif Axmed oo ah wadaad Kenyan ah, kaasoo lagu eedeeyay inuu taageero siiyay Xarakada Al-shabaab.

8/27/2012 6:56 AM EST
Isniin, Ogoosto 27, 2012 (HOL) — Ugu yaraan shan caruur ah ayaa ku dhintay 10 kalena way ku dhaawacmeen qarax bambaano oo maanta ka dhacay degmada Balcad ee gobolka Shabellada hoose.

8/27/2012 6:29 AM EST
Isniin, Ogoosto 27, 2012 (HOL) — Ciidamada dowladda Soomaaliya oo garabsanaya kuwa AMISOM ayaa maanta gaaray deegaan ku dhow degmada Marko ee xarunta gobolka Shabeellada hoose, halkaasoo ay saddexdii sano ee lasoo dhaafay ay ka talinaysay Xarakada Al-shabaab.

8/27/2012 6:26 AM EST
Isniin, Ogoosto 27, 2012 (HOL) — Aqoon-isweydaarsi ay soo qaban-qaabisay xarunta horumarinta dhalinyarada Soomaliyeed “center for youth development” (CYD) ayaa shalay lagu qabtay degmada Balcad ee gobolka Shabeelada dhexe.

8/27/2012 4:06 AM EST
Isniin, Ogoosto 27, 2012 (HOL) — Madaxweynaha Puntland, Cabdiraxmaan Sheekh Maxamed Faroole ayaa ku eedeeyay madaxweynaha Soomaaliya, Shariif Sheekh Axmed inuu doonayo inuu baarlamaanka cusub ee Soomaaliya kusoo xubno dagaal-oogayaal ay hogay u diideen guddiga farsamo ee xulista baarlamaanka.

8/27/2012 4:06 AM EST
Isniin, Ogoosto 27, 2012 (HOL) — Guddoomiyaha maxkamadda sare ee dalka, Avv. Caydiid Cabdullaahi Ilko-xanaf ayaa sheegay in maxkamadda sare ay go'aan kama dambeys ah ka gaari doonto maanta oo Isniin ah dacwadaha xildhibaannadii loo diiday inay ka mid noqdaan baarlamaanka cusub ee Soomaaliya.

8/27/2012 3:59 AM EST
Isniin, Ogoosto 27, 2012 (HOL) — Laba ka mid ah tahriibayaal Soomaaliyeed ayaa lagu dilay dalka Yemen shan kalena waa lagu dhaawacay kaddib iska-horimaad ku dhexmaray ciidamada ammaanka Yemen iyo kooxo hubeysan oo burcad ah meel ku dhow xerada qoxootiga Al-Qaras oo ay ku jiraan Qoxooti Soomaaliyeed ku taalla gobolka Laxaj ee Koonfurta dalka Yemen.

8/27/2012 3:58 AM EST
Isniin, Ogoosto 27, 2012 (HOL) — Abwaan Maxamuud Goox Qarboosh oo ka mid ah fannaaniinta iyo abwaaniinta Soomaaliyeed ayaa xalay ku geeriyooday magaalada Nairobi ee dalka Kenya, halkaasoo labadii maalmood ee ugu dambeyay uu xanuun ku hayay.