Hiiraan Online
Saturday, May 25, 2013
Today from Hiiraan Online:
Home
Somali Music
Somali Map
Sports
Opinion
RSS
Facebook
Twitter
Google Plus
Wararka Maanta-
Axad, Aug 26, 2012
Abwaan Cali C/lle Guure oo Indhool ah oo sheegay inuu u Taagan yahay Qabashada xilka Madaxweynenimo ee Soomaaliya
Musharrax Abwaan Cali Cabdulle Guure
Axad, Ogoosto 26, 2012 (HOL) — Abwaan Cali Cabdulle Guure oo ah Indhool ayaa sheegay inuu u taagan yahay qabashada xilka madaxweynenimo ee Soomaaliya oo lagu wado in toddobaadyo kaddib ay ka dhacdo Muqdisho, isagoo sheegay inuu ku kalsoon yahay inuu kusoo baxo doorashada.
Guure oo 67-jir ah ayaa sheegay inuu ku dhashay Degmada Buulo-burte sannadkii 1945-kii, uuna indho beelay isagoo sagaal sano jir ah, balse uu intii uu indhaha la'aa bartay fardo-fuulka iyo dabaasha.
"Waxaan ahay murashaxii ugu horreeyay oo Indhool ah oo Afrika oo dhan isku soo taaga xilka madaxweynenimo. Waxaan rajeynayaa in aan noqdo ruxii ay Soomaaliya ku degi lahayd," ayuu yiri Guure.
Sidoo kale, abwaanku wuxuu sheegay in haddii uu ku guuleysto jagada madaxnimo ee dalka uu ballanqaadayo inuu dalka kusoo dabbaalayo nabad, sidoo kalena uu ka dhigayo mushaarka xildhibaannada iyo ciidamada kuwo joogto ah oo aan baaqan.
"Dalka Indooniisiya markii wax dajiya la waayay waxaa Alle u soo saaray C/raxmaan Waxiid oo Indhool ahaa, anigana waxaan rajeynayaa in Alle uu sidaas oo kale iga dhigo Indhoolkii Soomaaliya ay ku degi lahayd," ayuu Murashaxu ku yiri wareysi uu siiyay HOL.
Abwaanka ayaa wuxuu sannadkii 1963-kii ka mid noqday shaqaalihii Radio Muqdisho isagoo ka shaqeynayay illaa 1975-kii, wuxuuna markaas kaddib ku biiray ganacsiga isagoo dalka keenay warshaddii sameyn jirtay qalimaanta BIG loo yaqaanay.
"Dalka waxaan ka tagay sannadkii 1990-kii bishii September, waxaana dib ugu soo laabtay bishii Maarso ee sannadkii 1991-kii. Waxaan mar kale ka baxay 1994-kii anigoo sannado badan ku noolaa Kenya, halkaasoo aan kala socday hadba halka uu xaalka dalku marayo," ayuu Guure ku sheegay wareysiga.
Sidoo kale, wuxuu sheegay in markii ay xalaadda dalku kasii dartay uu go'aansaday 1998-kii inuu Yurub aado, isagoo sheegay in tan iyo xilligaas uu ku sugnaa dalalka Yurub iyo Khaliijka uuna si dhow ula socon jiray xaaladda uu dalku marayo.
Abwaanku wuxuu sheegay in haddii la doorto uu haweenka Soomaaliyeed ee jidadka ku dhalaya uu u dhisi doono isbitaallo ay ku dhalaan iyo xarumo caafimaadkooda lagu hubiyo, sidoo kalena uu bixin doonto lacagta cayrta loo yaqaan si dadka aan shaqeyn ay u helaan cunno iyo guryo, isagoo taas ku sheegay inay qayb ka tahay sugidda ammaanka; maadaama markii qofku baahdo uu ammaan-darro sameyn karo.
"Dalkeenna waa hodan, Soomaaliduna waa dad yaqaanna sida loo ganacsado waxa ka maqan waa ammaan, aniguna waxaan ballan-qaadayaa inaan nabadda ka shaqeyn doono," ayuu yiri Guure isagoo intaas ku daray: "Waxaan ka shaqeynayaa in Soomaaliya ay sannadka 2015-ka noqoto meel ay dadweyne badan oo calaamka ka yimid u soo shaqo doontaan."
Wuxuu wax lala yaabo ku tilmaamay wararka sheegaya in mas'uuliyiinta Soomaalida ay hanti lunsadaan, taasoo uu sheegay inay tahay wax laga xishoodo, wuxuuna ku sheegay wareysigiisa in isagu uu yahay Indhool aanu damac uga jirin inuu urursado hantida dalka iyo dadka Soomaaliyeed.
Mar uu ka hadlay waxa ku kallifay xilligan adag inuu isku soo taago doorashada madaxnimo ee Soomaaliya weliba isagoo indhool ah ayuu sheegay inuu rajo weyn ka qabo inuu noqdo ninkii uu Alle dalkan ku dajin lahaa sannado badan oo dagaallo ah kaddib.
Sidoo kale, mar uu ka hadlay murashaxiinta u taagan xilka madaxnimo ee dalka ayuu sheegay inay ku jiraan dad yar oo ay ka go'an tahay inay Soomaaliya ka bixiyaan dhibaatada ay ku jirto.
"Waxaan ka shaqeynayaa in Soomaaliya ay dalalka dariska ah kula noolaato nabad iyo iskaashi, sidoo kalena waxaan doonayaa inaan ka shaqeeyo inay Afrika oo dhan is-cafiso ayna khayraadkeeda lasoo baxdo," ayuu yiri Abwaanka.
Ugu dambeyn, wuxuu shacabka Soomaaliyeed ugu baaqay inay Alle ka baryaan inuu siiyo hoggaamiye daacad ah oo hanan kara dalka iyo dadka, sidoo klaena dalka ku maamula diinta Islaamka, dastuurka oo xeer lagu heshiiyayna dhaqan-geliya.
Maxamed Xaaji Xuseen, Hiiraan Online
maxuseen@hiiraan.com
Muqdisho, Soomaaliya
Post your comments
Ergayga Qaramada Midoobay ee Arrimaha Soomaaliya oo Sheegay in ka bixitaanka xilliga KMG ah uu si gaabis ah ku socdo
8/26/2012 10:09 AM EST
Axad, Ogoosto 26, 2012 (HOL) — Ergayga gaarka ah ee xogyahaha guud ee Qaramaeda Midoobay u qaabilsan arimaha Soomaaliya, danjire Augustine Mahiga ayaa walaac ka muujiyay gaabis uu sheegay inay ku socoto howsha ka bixidda xilliga KMG ah.
Shirkadda Isgaarsiinta Hormuud oo Matoor Dab-dhaliye ah ugu deeqday Isbitaalka Keysaney ee Magaalada Muqdisho
8/26/2012 10:08 AM EST
Axad, Ogoosto 26, 2012 (HOL) — Shirkadda Isgaarsiinta Hormuud ayaa maanta ugu deeqday Isbitaalka Keysaney oo ku yaalla duleedka bari ee Muqdisho kana mid ah isbitaallada fara ku tiriska ah ee ka shaqeeya Muqdisho martoo kuwa dabka dhaliya ah oo xooggiisu yahay (125 Kv), taasoo ay mas'uuliyiinta shirkaddu sheegtay inay uga jawaabaysay codsi uga yimid maamulka Isbitaalka.
Dabley weerar khasaare geystay ku qaaday Ciidammo Booliiska Soomaaliya ka tirsan oo ku sugnaa Isgoyska KM-4
8/26/2012 10:01 AM EST
Axad, Ogoosto 26, 2012 (HOL) — Iskahorimaad isgoyska KM-4 ee Muqdisho ku dhexmaray ciidammo ka tirsan booliiska Soomaaliya koox hubeysan oo soo weerartay ayaa dhaliyay dhimashada laba qof oo mid ka mid ah uu ahaa askarigii lasoo weeraray.
Baabuur Mayd siday oo Degmada Waaberi ee Gobolka Banaadir ku dilay dad Isugu jiray kuwo waaweyn iyo Caruur
8/26/2012 8:36 AM EST
Axad, Ogoosto 26, 2012 (HOL) — Ugu yaraan afar qof oo uu ku jiray cunug yar ayaa ku dhintay shil gaari oo maanta ka dhacay degmada Waaberi ee gobolka Banaadir, iyadoo shilkan uu imaanayo maalin kaddib markii gaari fariinka goostay uu afar cunug ku dilay degmadaas.
Shacabka ku nool Magaalada Baladweyne oo soo Dhaweeyay Labada Gobol ee loo qeybiyay gobolka Hiiraan
8/26/2012 8:34 AM EST
Axad, Ogoosto 26, 2012 (HOL) — Labadii cisho ee la soo dhaafay hadal heynta ugu badan magaalada Baladweyne waxaa ay aheyd wareegtadii ka soo baxday madaxweynaha dowladda Soomaaliya Shariif Shiikh Axmed oo markii ugu horeysay labo loogu qeybiyay gobolka Hiiraan.
Murashaxiinta u Taagan Xilalka Gudoonka Baarlamaanka Soomaaliya oo Khudbado u jeedinaya Xildhibaannda
8/26/2012 8:33 AM EST
Axad, Ogoosto 26, 2012 (HOL) — Kulan xildhibaannada baarlamaanka Soomaaliya uga socda dugsiga tababarka booliiska ee Muqdisho (Iskoola Bulusiyo) ayaa waxay ku dhageysanayaan khudbadaha xubnaha u taagan xilalka guddoonka baarlamaanka Soomaaliya, iyadoo isla goobta uu ku tanaasulay Prof. C/risaaq Cismaan Xasan (Jurille) oo ka mid ahaa murashaxiinta u taagan xilka guddoomiyaha baarlamaanka Soomaaliya.
Shilal ay ku dhaawacmeen dad ka badan 20-qof oo Maanta ka dhacay Inta u Dhexeysa Muqdisho iyo Afgooye
8/26/2012 6:58 AM EST
Axad, Ogoosto 26, 2012 (HOL) — Ugu yaraan 25-qof ayaa ku dhaawacay shilal kala duwan oo maanta ka dhacay inta u dhexeysa Muqdisho iyo Afgooye, kaddib markii ay isku dhaceen afar gaari oo laba ka mid ay ahaayeen kuwa gaadiidka loo yaqaan BL-ka ee dadweynaha qaada.
Iskahorimaad ka qarxay inta u dhexeysa Degmada Kismaayo iyo deegaanka Hoosingoow ee Gobolka Jubbada Hoose
8/26/2012 6:30 AM EST
Axad, Ogoosto 26, 2012 (HOL) — Wararka aynu ka heleyno gobolka Jubada hoose ayaa sheegaya in saaka aroortii uu dagaal culus ka qarxay inta u dhexeysa magaalooyinka Kismaayo iyo Hoosingoow ee gobolka Jubada hoose, iyadoona uu dagaalkaasi u dhexeeyo ciidamada dowladda KMG, kuwa Raaskaambooni iyo Militariga Kenya oo isku dhinac ah iyo Xarakada Al-shabaab.
Sarkaal la sheegay in uu ka tirsanaa xoogagga Al-shabaab ee Galgala oo ciidamada Puntland isu soo dhiibey
8/26/2012 6:26 AM EST
Axad, Ogoosto 26, 2012 (HOL) — Saraakiisha ciidamada ammaanka ee gobolka Bari ayaa shaaciyey inuu isku soo dhiibey sarkaal ka tirsanaa xoogagga Al-shabaab ee uu fadhigoodu yahay buuraleyda Galgala.
Madaxweynaha Soomaaliya oo sheegay in Xildhibaannadii dib loo celiyay ay Go'aan ka gaari doonto Maxkamadda Sare
8/26/2012 4:10 AM EST
Axad, Ogoosto 26, 2012 (HOL) — Madaxweynaha Soomaaliya, Shariif Sheekh Axmed ayaa sheegay in xildhibaanadii dib loo celiyay ay go'aan ka gaari doonto maxkamadda sare ee dalka, kaddib shir jaraa'id oo uu xalay ku qabtay madaxtooyada Soomaaliya.
Somali News
Two of Roadmap signatories disown Supreme Court option
-
Bar
8/26/2012 1:42 PM EST
Two of Somalia’s roadmap signatories have rejected president Sharif’s recent assertion that they agreed to move to the Supreme Court and seek redress after the technical selection committee rejected the appointment of some MPs into the new parliament.
Somalia gearing up for presidential election
-
Press TV
8/26/2012 11:29 AM EST
An eight year old Transitional administration in Somalia was officially set to end on 20th August but so far there have been neither elections of the Somali parliament speaker nor that of the Somali president.
UN official says transition in Somalia is slow
-
AP
8/26/2012 7:52 AM EST
The U.N. representative to Somalia said he is ‘‘deeply concerned by the ongoing delays’’ in choosing all the 275 members of parliament who will select a new Somali president.
High court will decide the fate of disqualified MPs says president
-
HOL
8/26/2012 7:13 AM EST
Somali president Sharif Sheikh Ahmed has rejected the exclusion of a section of MPs in the new Somali parliament.
Tracking khat from Kenya to Canada
-
Toronto Star
8/26/2012 5:55 AM EST
James Mithika is a farmer in chocolate brown wingtips.
SRSG statement on the finalization of the list of Parliamentarians
-
HOL
8/26/2012 5:52 AM EST
The Special Representative of the Secretary-General, Dr. Augustine P. Mahiga is encouraged by the progress made by the Traditional Elders and by the Technical Selection Committee (TSC). However, he remains deeply concerned by the ongoing delays of the finalization of the list of the Members of Parliament that might threaten the electoral calendar.
China’s Arms Exports Flooding Sub-Saharan Africa
-
China Digital Times
8/26/2012 5:47 AM EST
As China transitions from being the world’s largest weapons importer to becoming a major producer, the Washington Post examines its role as an exporter of arms to 16 countries in sub-Saharan Africa. While the exports do not technically violate any U.N. sanctions, China has been criticized for not fully cooperating with investigators tracking the global arms industry:
Somali, Kenyan forces advance further in southern Somalia
-
Press TV
8/26/2012 5:43 AM EST
Somali government forces and Kenyan troops are advancing into southern Somali areas in a bid to clear the al-Shabab militants from the region, Press TV reports.
Somalia’s chance for peace and stability
-
Daily Nation
8/26/2012 5:42 AM EST
The eastern African region must ensure that the new government in Somalia will be stable enough to ensure peace and security in the region.
Mo Farah basks in twin joys ahead of return to track
-
Guardian
8/26/2012 1:34 AM EST
At night, when Mo Farah shuts his eyes and falls asleep, the roar from the Olympic Stadium still seems to run around his mind. The noise when Farah crossed the line in the 5,000m final was so great that it actually spoiled the automatic photo of the finish, because Omega's camera was vibrating in the tumult.
Mo Farah's twin: 'We could have been famous Olympians together'
-
Telegraph
8/26/2012 1:16 AM EST
He has met the Prime Minister, made friends with Usain Bolt, and has just signed a six-figure sponsorship deal with Virgin. But the double Olympic gold medallist also has an identical twin, who would sometimes beat him ...