Wednesday, June 19, 2013
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Axad, Aug 26, 2012
Baabuur Mayd siday oo Degmada Waaberi ee Gobolka Banaadir ku dilay dad Isugu jiray kuwo waaweyn iyo Caruur
Axad, Ogoosto 26, 2012 (HOL) — Ugu yaraan afar qof oo uu ku jiray cunug yar ayaa ku dhintay shil gaari oo maanta ka dhacay degmada Waaberi ee gobolka Banaadir, iyadoo shilkan uu imaanayo maalin kaddib markii gaari fariinka goostay uu afar cunug ku dilay degmadaas.

Guddoomiyaha degmada Waaberi, Axmed Mayre Makaraan (Axmed Faal) ayaa koox warfidiyeen ah ugu sheegay halkii uu shilku ka dhacay in gaariga shilka geystay uu waday mayd la doonayay in lasoo aaso qubuuro ku dhow dugsiga tababarka booliiska ee gobolka Banaadir.

"Baabuurka shilka geystay wuxuu ahaa gaari weyn oo mayd siday, waxaana laga waayay fariinka taasoo keentay inuu dadkan badan dilo, kuwo kalena dhaawacyo u geysto," ayuu yiri Axmed Faal oo la hadlayay saxaafadda.

Goobjooge ku sugan halka uu shilku ka dhacay ayaa sheegay in gaarigu uu dusha ka maray dadkii dhintay, sidoo kalena ay jiraan dad badan oo dhaawacyadooda loo qaaday isbitaallada Muqdisho kuwaasoo tiradooda lagu sheegay shan qof.

Dadweyne badan oo ay ehel iyo asxaab ahaayeen dadkii ku dhintay shilka gaari ayaa goobta soo buuxiyay, waxayna halkaas ka qaadeen maydadkii, iyadoo sidoo kale la qaaday maydkii uu gaarigu waday.

Jimcihii lasoo dhaafay ayay ahayd markii gaariga kuwa raaxada ah oo bareek ama fariinka laga waayay uu jiiray caruur kubad ku ciyaaraysay barxad degmadaas ku taalla, waxaana halkaas ku dhintay afar ka mid ah caruurtii ciyaaraysay iyadoo ay ku dhaawacmeen saddex kale.

Maxamed Xaaji Xuseen, Hiiraan Online
maxuseen@hiiraan.com
Muqdisho, Soomaaliya




Post your comments

8/26/2012 10:09 AM EST
Axad, Ogoosto 26, 2012 (HOL) — Ergayga gaarka ah ee xogyahaha guud ee Qaramaeda Midoobay u qaabilsan arimaha Soomaaliya, danjire Augustine Mahiga ayaa walaac ka muujiyay gaabis uu sheegay inay ku socoto howsha ka bixidda xilliga KMG ah.

8/26/2012 10:08 AM EST
Axad, Ogoosto 26, 2012 (HOL) — Shirkadda Isgaarsiinta Hormuud ayaa maanta ugu deeqday Isbitaalka Keysaney oo ku yaalla duleedka bari ee Muqdisho kana mid ah isbitaallada fara ku tiriska ah ee ka shaqeeya Muqdisho martoo kuwa dabka dhaliya ah oo xooggiisu yahay (125 Kv), taasoo ay mas'uuliyiinta shirkaddu sheegtay inay uga jawaabaysay codsi uga yimid maamulka Isbitaalka.

8/26/2012 10:01 AM EST
Axad, Ogoosto 26, 2012 (HOL) — Iskahorimaad isgoyska KM-4 ee Muqdisho ku dhexmaray ciidammo ka tirsan booliiska Soomaaliya koox hubeysan oo soo weerartay ayaa dhaliyay dhimashada laba qof oo mid ka mid ah uu ahaa askarigii lasoo weeraray.

8/26/2012 9:19 AM EST
Axad, Ogoosto 26, 2012 (HOL) — Abwaan Cali Cabdulle Guure oo ah Indhool ayaa sheegay inuu u taagan yahay qabashada xilka madaxweynenimo ee Soomaaliya oo lagu wado in toddobaadyo kaddib ay ka dhacdo Muqdisho, isagoo sheegay inuu ku kalsoon yahay inuu kusoo baxo doorashada.

8/26/2012 8:34 AM EST
Axad, Ogoosto 26, 2012 (HOL) — Labadii cisho ee la soo dhaafay hadal heynta ugu badan magaalada Baladweyne waxaa ay aheyd wareegtadii ka soo baxday madaxweynaha dowladda Soomaaliya Shariif Shiikh Axmed oo markii ugu horeysay labo loogu qeybiyay gobolka Hiiraan.

8/26/2012 8:33 AM EST
Axad, Ogoosto 26, 2012 (HOL) — Kulan xildhibaannada baarlamaanka Soomaaliya uga socda dugsiga tababarka booliiska ee Muqdisho (Iskoola Bulusiyo) ayaa waxay ku dhageysanayaan khudbadaha xubnaha u taagan xilalka guddoonka baarlamaanka Soomaaliya, iyadoo isla goobta uu ku tanaasulay Prof. C/risaaq Cismaan Xasan (Jurille) oo ka mid ahaa murashaxiinta u taagan xilka guddoomiyaha baarlamaanka Soomaaliya.

8/26/2012 6:58 AM EST
Axad, Ogoosto 26, 2012 (HOL) — Ugu yaraan 25-qof ayaa ku dhaawacay shilal kala duwan oo maanta ka dhacay inta u dhexeysa Muqdisho iyo Afgooye, kaddib markii ay isku dhaceen afar gaari oo laba ka mid ay ahaayeen kuwa gaadiidka loo yaqaan BL-ka ee dadweynaha qaada.

8/26/2012 6:30 AM EST
Axad, Ogoosto 26, 2012 (HOL) — Wararka aynu ka heleyno gobolka Jubada hoose ayaa sheegaya in saaka aroortii uu dagaal culus ka qarxay inta u dhexeysa magaalooyinka Kismaayo iyo Hoosingoow ee gobolka Jubada hoose, iyadoona uu dagaalkaasi u dhexeeyo ciidamada dowladda KMG, kuwa Raaskaambooni iyo Militariga Kenya oo isku dhinac ah iyo Xarakada Al-shabaab.

8/26/2012 6:26 AM EST
Axad, Ogoosto 26, 2012 (HOL) — Saraakiisha ciidamada ammaanka ee gobolka Bari ayaa shaaciyey inuu isku soo dhiibey sarkaal ka tirsanaa xoogagga Al-shabaab ee uu fadhigoodu yahay buuraleyda Galgala.

8/26/2012 4:10 AM EST
Axad, Ogoosto 26, 2012 (HOL) — Madaxweynaha Soomaaliya, Shariif Sheekh Axmed ayaa sheegay in xildhibaanadii dib loo celiyay ay go'aan ka gaari doonto maxkamadda sare ee dalka, kaddib shir jaraa'id oo uu xalay ku qabtay madaxtooyada Soomaaliya.