Wednesday, May 22, 2013
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Axad, Aug 26, 2012
Murashaxiinta u Taagan Xilalka Gudoonka Baarlamaanka Soomaaliya oo Khudbado u jeedinaya Xildhibaannda
Axad, Ogoosto 26, 2012 (HOL) — Kulan xildhibaannada baarlamaanka Soomaaliya uga socda dugsiga tababarka booliiska ee Muqdisho (Iskoola Bulusiyo) ayaa waxay ku dhageysanayaan khudbadaha xubnaha u taagan xilalka guddoonka baarlamaanka Soomaaliya, iyadoo isla goobta uu ku tanaasulay Prof. C/risaaq Cismaan Xasan (Jurille) oo ka mid ahaa murashaxiinta u taagan xilka guddoomiyaha baarlamaanka Soomaaliya.


Xildhibaannada fadhiga maanta soo xaadiray ayaa waxay tiradoodu gaaraysay 190 mudane oo ka mid ah 211 xildhibaan ee la dhaariyay horraantii toddobadkii hore, iyadoo shirkan uu guddoominayo guddoomiyaha KMG ah ee baarlamaanka Jen. Muuse Xasan Cabdulle.

Murashaxiinta illaa hadda khudbadahooda jeediyay ayaa waxay kala yihiin: Prof. Cali Khaliif Galeyr, Prof. Maxamed Sheekh Cismaan Jawaari, C/rashiid Maxamed Xiddig, Cabdi Xaashi Cabdullaahi iyo Xasan Abshir Faarax oo dhammaantood ah xidhibaanno baarlamaanka ka tirsan.

Sidoo kale, waxaa socda khudbadihii ay jeedinayeen murashaxiinta u tartamaya guddoomiye ku xigeenka koowaad oo tiradoodu gaarayso 11 xubnood, waxaana ku xigi doona murashaxiinta u taagan xilka guddoomiye ku xigeenka labaad oo iyaguna ay tiradoodu gaarayso afar murashax.

Guddoomiyaha KMG ah ee baarlamaanka Soomaaliya ayaa wuxuu sheegay inay ku sugan yihiin xarunta xildhibaanno aan la dhaarin weli balse kasoo gudbay guddiga farsamada ee xulista baarlamanaka, isagoo xusay inaan la dhaarin karin maanta.

Khudbadaha murashaxiinta ayaa lagu wadaa inay maanta soo xirmaan iyadoo lagu wado in murashaxiintu ay maalinta berri ah sameystaan olalayaal maalinta xigta ee Talaadada ahna la dooran doono afhayeenka baarlamaanka iyo ku xigeennadiisa.

Maxamed Xaaji Xuseen, Hiiraan Online
maxuseen@hiiraan.com
Muqdisho, Soomaaliya





Post your comments

8/26/2012 10:09 AM EST
Axad, Ogoosto 26, 2012 (HOL) — Ergayga gaarka ah ee xogyahaha guud ee Qaramaeda Midoobay u qaabilsan arimaha Soomaaliya, danjire Augustine Mahiga ayaa walaac ka muujiyay gaabis uu sheegay inay ku socoto howsha ka bixidda xilliga KMG ah.

8/26/2012 10:08 AM EST
Axad, Ogoosto 26, 2012 (HOL) — Shirkadda Isgaarsiinta Hormuud ayaa maanta ugu deeqday Isbitaalka Keysaney oo ku yaalla duleedka bari ee Muqdisho kana mid ah isbitaallada fara ku tiriska ah ee ka shaqeeya Muqdisho martoo kuwa dabka dhaliya ah oo xooggiisu yahay (125 Kv), taasoo ay mas'uuliyiinta shirkaddu sheegtay inay uga jawaabaysay codsi uga yimid maamulka Isbitaalka.

8/26/2012 10:01 AM EST
Axad, Ogoosto 26, 2012 (HOL) — Iskahorimaad isgoyska KM-4 ee Muqdisho ku dhexmaray ciidammo ka tirsan booliiska Soomaaliya koox hubeysan oo soo weerartay ayaa dhaliyay dhimashada laba qof oo mid ka mid ah uu ahaa askarigii lasoo weeraray.

8/26/2012 9:19 AM EST
Axad, Ogoosto 26, 2012 (HOL) — Abwaan Cali Cabdulle Guure oo ah Indhool ayaa sheegay inuu u taagan yahay qabashada xilka madaxweynenimo ee Soomaaliya oo lagu wado in toddobaadyo kaddib ay ka dhacdo Muqdisho, isagoo sheegay inuu ku kalsoon yahay inuu kusoo baxo doorashada.

8/26/2012 8:36 AM EST
Axad, Ogoosto 26, 2012 (HOL) — Ugu yaraan afar qof oo uu ku jiray cunug yar ayaa ku dhintay shil gaari oo maanta ka dhacay degmada Waaberi ee gobolka Banaadir, iyadoo shilkan uu imaanayo maalin kaddib markii gaari fariinka goostay uu afar cunug ku dilay degmadaas.

8/26/2012 8:34 AM EST
Axad, Ogoosto 26, 2012 (HOL) — Labadii cisho ee la soo dhaafay hadal heynta ugu badan magaalada Baladweyne waxaa ay aheyd wareegtadii ka soo baxday madaxweynaha dowladda Soomaaliya Shariif Shiikh Axmed oo markii ugu horeysay labo loogu qeybiyay gobolka Hiiraan.

8/26/2012 6:58 AM EST
Axad, Ogoosto 26, 2012 (HOL) — Ugu yaraan 25-qof ayaa ku dhaawacay shilal kala duwan oo maanta ka dhacay inta u dhexeysa Muqdisho iyo Afgooye, kaddib markii ay isku dhaceen afar gaari oo laba ka mid ay ahaayeen kuwa gaadiidka loo yaqaan BL-ka ee dadweynaha qaada.

8/26/2012 6:30 AM EST
Axad, Ogoosto 26, 2012 (HOL) — Wararka aynu ka heleyno gobolka Jubada hoose ayaa sheegaya in saaka aroortii uu dagaal culus ka qarxay inta u dhexeysa magaalooyinka Kismaayo iyo Hoosingoow ee gobolka Jubada hoose, iyadoona uu dagaalkaasi u dhexeeyo ciidamada dowladda KMG, kuwa Raaskaambooni iyo Militariga Kenya oo isku dhinac ah iyo Xarakada Al-shabaab.

8/26/2012 6:26 AM EST
Axad, Ogoosto 26, 2012 (HOL) — Saraakiisha ciidamada ammaanka ee gobolka Bari ayaa shaaciyey inuu isku soo dhiibey sarkaal ka tirsanaa xoogagga Al-shabaab ee uu fadhigoodu yahay buuraleyda Galgala.

8/26/2012 4:10 AM EST
Axad, Ogoosto 26, 2012 (HOL) — Madaxweynaha Soomaaliya, Shariif Sheekh Axmed ayaa sheegay in xildhibaanadii dib loo celiyay ay go'aan ka gaari doonto maxkamadda sare ee dalka, kaddib shir jaraa'id oo uu xalay ku qabtay madaxtooyada Soomaaliya.