Saturday, May 25, 2013
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Axad, Aug 26, 2012
Shilal ay ku dhaawacmeen dad ka badan 20-qof oo Maanta ka dhacay Inta u Dhexeysa Muqdisho iyo Afgooye
Axad, Ogoosto 26, 2012 (HOL) — Ugu yaraan 25-qof ayaa ku dhaawacay shilal kala duwan oo maanta ka dhacay inta u dhexeysa Muqdisho iyo Afgooye, kaddib markii ay isku dhaceen afar gaari oo laba ka mid ay ahaayeen kuwa gaadiidka loo yaqaan BL-ka ee dadweynaha qaada.

Labadan shil oo ka dhacya deegaanka KM-13 oo u dhexeeya Muqdisho iyo Afgooye ayaa waxaa shilkii hore waxaa ku dhaawacmay 18-qof kaddib markii ay isku dhaceen gaari weyn iyo Mini-bus ka yimid deegaanka Kaxda kuna socday Muqdisho.

Goobjooge ku sugnaa halka uu shilku ka dhacay ayaa saxaafadda u sheegay in dadka dhaawacmay ay ahaayeen kuwo la socday laba gaari ee shilka galay, isagoo xusay in gaadiidka isku dhacay uu burbur xooggan gaaray.

Sidoo kale, gaari kuwa rakaabka qaada ah oo degmada Afgooye ku socda ayaa si lama filaan waxay isugu dhaceen gaari kale oo kuwa raaxada ah, waxaana halkaas ku dhaawacmay toddoba qof oo rakaabkii gaarigaas ka mid ahaa.

Rakaabkii gaariga dadweynaha la socday ee ka badbaaday shilka ayaa sheegay in gaarigii ay la socdeen uu burbur xooggan gaaray, balse aysan jirin cid dhismasho ay kasoo gaartay.

Dhanka kale, maydka wiil dhallinyaro ah oo aan la ogeyn cidda dishay ayaa saakay lagu arkay deegaanka KM-13 ee duleedka Muqdisho, iyadoo aan la ogeyn cidda dilkiisa ka dambeysay iyo sabab loo dilay intaba.

Maxamed Xaaji Xuseen, Hiiraan Online
maxuseen@hiiraan.com
Muqdisho, Soomaaliya




Post your comments

8/26/2012 10:09 AM EST
Axad, Ogoosto 26, 2012 (HOL) — Ergayga gaarka ah ee xogyahaha guud ee Qaramaeda Midoobay u qaabilsan arimaha Soomaaliya, danjire Augustine Mahiga ayaa walaac ka muujiyay gaabis uu sheegay inay ku socoto howsha ka bixidda xilliga KMG ah.

8/26/2012 10:08 AM EST
Axad, Ogoosto 26, 2012 (HOL) — Shirkadda Isgaarsiinta Hormuud ayaa maanta ugu deeqday Isbitaalka Keysaney oo ku yaalla duleedka bari ee Muqdisho kana mid ah isbitaallada fara ku tiriska ah ee ka shaqeeya Muqdisho martoo kuwa dabka dhaliya ah oo xooggiisu yahay (125 Kv), taasoo ay mas'uuliyiinta shirkaddu sheegtay inay uga jawaabaysay codsi uga yimid maamulka Isbitaalka.

8/26/2012 10:01 AM EST
Axad, Ogoosto 26, 2012 (HOL) — Iskahorimaad isgoyska KM-4 ee Muqdisho ku dhexmaray ciidammo ka tirsan booliiska Soomaaliya koox hubeysan oo soo weerartay ayaa dhaliyay dhimashada laba qof oo mid ka mid ah uu ahaa askarigii lasoo weeraray.

8/26/2012 9:19 AM EST
Axad, Ogoosto 26, 2012 (HOL) — Abwaan Cali Cabdulle Guure oo ah Indhool ayaa sheegay inuu u taagan yahay qabashada xilka madaxweynenimo ee Soomaaliya oo lagu wado in toddobaadyo kaddib ay ka dhacdo Muqdisho, isagoo sheegay inuu ku kalsoon yahay inuu kusoo baxo doorashada.

8/26/2012 8:36 AM EST
Axad, Ogoosto 26, 2012 (HOL) — Ugu yaraan afar qof oo uu ku jiray cunug yar ayaa ku dhintay shil gaari oo maanta ka dhacay degmada Waaberi ee gobolka Banaadir, iyadoo shilkan uu imaanayo maalin kaddib markii gaari fariinka goostay uu afar cunug ku dilay degmadaas.

8/26/2012 8:34 AM EST
Axad, Ogoosto 26, 2012 (HOL) — Labadii cisho ee la soo dhaafay hadal heynta ugu badan magaalada Baladweyne waxaa ay aheyd wareegtadii ka soo baxday madaxweynaha dowladda Soomaaliya Shariif Shiikh Axmed oo markii ugu horeysay labo loogu qeybiyay gobolka Hiiraan.

8/26/2012 8:33 AM EST
Axad, Ogoosto 26, 2012 (HOL) — Kulan xildhibaannada baarlamaanka Soomaaliya uga socda dugsiga tababarka booliiska ee Muqdisho (Iskoola Bulusiyo) ayaa waxay ku dhageysanayaan khudbadaha xubnaha u taagan xilalka guddoonka baarlamaanka Soomaaliya, iyadoo isla goobta uu ku tanaasulay Prof. C/risaaq Cismaan Xasan (Jurille) oo ka mid ahaa murashaxiinta u taagan xilka guddoomiyaha baarlamaanka Soomaaliya.

8/26/2012 6:30 AM EST
Axad, Ogoosto 26, 2012 (HOL) — Wararka aynu ka heleyno gobolka Jubada hoose ayaa sheegaya in saaka aroortii uu dagaal culus ka qarxay inta u dhexeysa magaalooyinka Kismaayo iyo Hoosingoow ee gobolka Jubada hoose, iyadoona uu dagaalkaasi u dhexeeyo ciidamada dowladda KMG, kuwa Raaskaambooni iyo Militariga Kenya oo isku dhinac ah iyo Xarakada Al-shabaab.

8/26/2012 6:26 AM EST
Axad, Ogoosto 26, 2012 (HOL) — Saraakiisha ciidamada ammaanka ee gobolka Bari ayaa shaaciyey inuu isku soo dhiibey sarkaal ka tirsanaa xoogagga Al-shabaab ee uu fadhigoodu yahay buuraleyda Galgala.

8/26/2012 4:10 AM EST
Axad, Ogoosto 26, 2012 (HOL) — Madaxweynaha Soomaaliya, Shariif Sheekh Axmed ayaa sheegay in xildhibaanadii dib loo celiyay ay go'aan ka gaari doonto maxkamadda sare ee dalka, kaddib shir jaraa'id oo uu xalay ku qabtay madaxtooyada Soomaaliya.