Thursday, May 23, 2013
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Axad, Aug 26, 2012
Sarkaal la sheegay in uu ka tirsanaa xoogagga Al-shabaab ee Galgala oo ciidamada Puntland isu soo dhiibey

Axad, Ogoosto 26, 2012 (HOL) — Saraakiisha ciidamada ammaanka ee gobolka Bari ayaa shaaciyey inuu isku soo dhiibey sarkaal ka tirsanaa xoogagga Al-shabaab ee uu fadhigoodu yahay buuraleyda Galgala.


Taliyaha ciidamada Daraawiishta ee aagga Sugurre, Col. Jaamac Siciid Warsame (Afguduud), oo warbaahinta la hadlay ayaa sheegay, in sarkaalkan oo lagu magacaabo Mowliid Aadan Qalalan , uu si iskiis ah shalay ciidamada isugu soo dhiibey.

Wuxuuna intaas ku daray in uu watey hub uu kamid yahay qoriga ay Soomaalidu dabajeexa u taqaan (PKM), hal xabo oo telefoonada Satelliteka ah iyo weliba dukumiintiyo kale oo uu tilmaamay in ay muhiim yihiin.

Taliye Afguduud ayaa ugu danbeyntii mar uu ka jawaabayey su'aal la weydiiyey oo ahayd in xiligan ciidamada Puntland ay degmada Galgala joogaan wuxuu sheegay, in ay ku sugan yihiin meel aan sidaas uga fogeyn, haseyeeshee qolyaha kasoo horjeedaa ay xiliyada qaar degmada gudaha usoo galaan.

Buuraleyda Galgala oo koonfur galbeed magaalada Boosaaso kaga beegan, waxaa horay uga dhacay dagaalo badan oo dhex maray ciidamada amaanka ee Puntland iyo weliba xoogagga Galgala, kuwaasoo iyagu bilo kahor la midoobey xarakada Al-shabaab.

Intii lagu guda jirey sanadka 2012, waxay laamaha ammaanka ee gobolku soo bandhigeen rag 5 kor u dhaafaya, oo la sheegay in ay horay uga tirsanaayeen Al-shabaab, haseyeeshee ay isa soo dhiibeen kadib markii cafis balaaran loo fidiyey.

Maxamed Salaad Xaaji Dirir, Hiiraan Online
xaajidirir@hiiraan.com
Puntland, Soomaaliya





Post your comments

8/26/2012 10:09 AM EST
Axad, Ogoosto 26, 2012 (HOL) — Ergayga gaarka ah ee xogyahaha guud ee Qaramaeda Midoobay u qaabilsan arimaha Soomaaliya, danjire Augustine Mahiga ayaa walaac ka muujiyay gaabis uu sheegay inay ku socoto howsha ka bixidda xilliga KMG ah.

8/26/2012 10:08 AM EST
Axad, Ogoosto 26, 2012 (HOL) — Shirkadda Isgaarsiinta Hormuud ayaa maanta ugu deeqday Isbitaalka Keysaney oo ku yaalla duleedka bari ee Muqdisho kana mid ah isbitaallada fara ku tiriska ah ee ka shaqeeya Muqdisho martoo kuwa dabka dhaliya ah oo xooggiisu yahay (125 Kv), taasoo ay mas'uuliyiinta shirkaddu sheegtay inay uga jawaabaysay codsi uga yimid maamulka Isbitaalka.

8/26/2012 10:01 AM EST
Axad, Ogoosto 26, 2012 (HOL) — Iskahorimaad isgoyska KM-4 ee Muqdisho ku dhexmaray ciidammo ka tirsan booliiska Soomaaliya koox hubeysan oo soo weerartay ayaa dhaliyay dhimashada laba qof oo mid ka mid ah uu ahaa askarigii lasoo weeraray.

8/26/2012 9:19 AM EST
Axad, Ogoosto 26, 2012 (HOL) — Abwaan Cali Cabdulle Guure oo ah Indhool ayaa sheegay inuu u taagan yahay qabashada xilka madaxweynenimo ee Soomaaliya oo lagu wado in toddobaadyo kaddib ay ka dhacdo Muqdisho, isagoo sheegay inuu ku kalsoon yahay inuu kusoo baxo doorashada.

8/26/2012 8:36 AM EST
Axad, Ogoosto 26, 2012 (HOL) — Ugu yaraan afar qof oo uu ku jiray cunug yar ayaa ku dhintay shil gaari oo maanta ka dhacay degmada Waaberi ee gobolka Banaadir, iyadoo shilkan uu imaanayo maalin kaddib markii gaari fariinka goostay uu afar cunug ku dilay degmadaas.

8/26/2012 8:34 AM EST
Axad, Ogoosto 26, 2012 (HOL) — Labadii cisho ee la soo dhaafay hadal heynta ugu badan magaalada Baladweyne waxaa ay aheyd wareegtadii ka soo baxday madaxweynaha dowladda Soomaaliya Shariif Shiikh Axmed oo markii ugu horeysay labo loogu qeybiyay gobolka Hiiraan.

8/26/2012 8:33 AM EST
Axad, Ogoosto 26, 2012 (HOL) — Kulan xildhibaannada baarlamaanka Soomaaliya uga socda dugsiga tababarka booliiska ee Muqdisho (Iskoola Bulusiyo) ayaa waxay ku dhageysanayaan khudbadaha xubnaha u taagan xilalka guddoonka baarlamaanka Soomaaliya, iyadoo isla goobta uu ku tanaasulay Prof. C/risaaq Cismaan Xasan (Jurille) oo ka mid ahaa murashaxiinta u taagan xilka guddoomiyaha baarlamaanka Soomaaliya.

8/26/2012 6:58 AM EST
Axad, Ogoosto 26, 2012 (HOL) — Ugu yaraan 25-qof ayaa ku dhaawacay shilal kala duwan oo maanta ka dhacay inta u dhexeysa Muqdisho iyo Afgooye, kaddib markii ay isku dhaceen afar gaari oo laba ka mid ay ahaayeen kuwa gaadiidka loo yaqaan BL-ka ee dadweynaha qaada.

8/26/2012 6:30 AM EST
Axad, Ogoosto 26, 2012 (HOL) — Wararka aynu ka heleyno gobolka Jubada hoose ayaa sheegaya in saaka aroortii uu dagaal culus ka qarxay inta u dhexeysa magaalooyinka Kismaayo iyo Hoosingoow ee gobolka Jubada hoose, iyadoona uu dagaalkaasi u dhexeeyo ciidamada dowladda KMG, kuwa Raaskaambooni iyo Militariga Kenya oo isku dhinac ah iyo Xarakada Al-shabaab.

8/26/2012 4:10 AM EST
Axad, Ogoosto 26, 2012 (HOL) — Madaxweynaha Soomaaliya, Shariif Sheekh Axmed ayaa sheegay in xildhibaanadii dib loo celiyay ay go'aan ka gaari doonto maxkamadda sare ee dalka, kaddib shir jaraa'id oo uu xalay ku qabtay madaxtooyada Soomaaliya.