Thursday, May 23, 2013
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Sabti, Aug 25, 2012
Guddiga Farsamada ee Xulida Baarlaaanka oo sheegay in Xildhibaannada ay hayaan ay kor u dhaafayso 250 xubnood
Sabti, Ogoosto 25, 2012 (HOL) — Guddiga farsamada ee xulista baarlamanaka ayaa sheegay maanta oo Sabti ah in tirada xildhibaannada ay hayaan ay gaarayso 254 xildhibaan oo ka mid ah 275-ka mudane ee kuraasta baarlamaank ay ka kooban tahay.

Xubno u hadlay guddiga ayaa sheegay in tirada harsan ay filayaan inay maalmaha soo socda lasoo dhameystiri doono, waxayna guddigu sheegeen in xildhibaanadan la dhaarin doono maalmaha soo socda si ay uga qayb-galaan doorashada guddoonka baarlamaanka.

Dhameystirka xildhibaannada ayaa waxaa dhawaanahan ka taagnaa muran xooggan oo uu ku lug lahaa madaxweynaha Soomaaliya, Sharifi Sheekh Axmed kaddib markii uu guddigu dib ugu celiyay odayaasha dhaqanka xubno la sheegay in loo haysto dambiyo dagaal.

Guddiga ayaa wuxuu ku howlan yahay aqoonsi siinta xidlhibaannada cusub ee ka mid noqonaya baarlamaanka, iyadoo uu weli ay taagan tahay cabshada haweenka ee ah inaysan helin qoondadii ay baarlamaanka ku lahaayeen.

Wararka hoose aan helayno ayaa sheegaya in xildhibaannada cusub ee aan weli la dhaarin ay ku jiraan xubno ay guddigu horay u diideen, kuwaasoo ku yimid dadaallo ay wadeen dhawaanahan madaxweynaha Soomaaliya iyo dajire Augustine Mahiga.

Baarlamaanka Soomaaliya ayaa la doonayaa in lagu dhameystiro inta aan la gaarin doorashada madaxweynaha Soomaaliya, waxaana kuraasta baarlamaanka 30% ku fariisanaya haweenka, inkastoo dhawaanahan ay haweenka kasoo baxayeen cabashooyin ku aaddan inaan tiradooda la siin.

Maxamed Xaaji Xuseen, Hiiraan Online
maxuseen@hiiraan.com
Muqdisho, Soomaaliya




Post your comments

8/25/2012 2:50 PM EST
Sabti, Agoosto 25, 2012 (HOL) - East African Energy Forum oo ah haya’ad Soomaali ah, isuna xilsaartay in ay difaacaan kheyradka iyo petrolka badda Soomaaliya ku jira ayaa digniin culus u diray dowladda Kenya iyo afar shirkadood oo caalami ah petrolkana qoda, iyaga oo ku tilmaamay in ay sharci darro tahay in dowladda Kenya iyo shirkadahaas isu bahaystay in ay boobaan kheyraadka badda Soomaaliya ku jira khaassatan dhulbadeedka soomaaliya ee ku dhow xadka Kenya.

8/25/2012 8:19 AM EST
Sabti, Ogoosto 25, 2012 (HOL) — Urur goboleedka ay ku mideysan yihiin dalalka ku yaalla bariga Afrika ee IGAD ayaa ugu baaqay madaxda Soomaalida inay si dhaqso ah ku dhameystiraan howlaha uga harsan ka gudbidda xilliga KMG ah.

8/25/2012 8:17 AM EST
Sabti, Ogoosto 25, 2012 (HOL) — Xiisado dagaal ayaa kasoo cusboonaaday gobolka Jubada hoose kadib markii ciidamada dowladda KMG oo kaashanaya kuwa Kenya ay bilaabeen dhaqdhaqaaqyo ciidan oo ay ku doonayaan in ay ku weeraraan saldhigyada ay xoogagga Al-shabaab ku leeyihiin Jubooyinka.

8/25/2012 8:13 AM EST
Sabti, Ogoosto 25, 2012 (HOL) — Munaasabad ay soo qabanqaabisay hay'ad lagu magacaabo SHARDO oo tababar loogu soo gabagabeynayay boqol dhallinyaro ah ayaa shalay ka dhacday magaalada Muqdisho, waxaana ka qaybgalay mas'uuliyiin ka socday dowladda Soomaaliya iyo maamulka gobolka Banaadir.

8/25/2012 7:56 AM EST
Sabti, Ogoosto 25, 2012 (HOL) — Madaxweynaha maamul gobolleedka Galmudug ee dhawaan la doortay Jen Cabdi Xassan Cawaale Qeybdiid ayaa lugtiisii ugu horeysay tan markii xilka loo magacaabay waxaa uu booqasho ku joogaa degmada Hobyo ee gobollka Mudug.

8/25/2012 7:34 AM EST
Sabti, Ogoosto 25, 2012 (HOL) — Magaalada Baydhabo ee xarunta gobolka Bay oo ciidamada dowlada Soomaaliya iyo kuwa Itoobiya oo isgarabsanaya ay horraantii sannadkan ka qabsadeen Al-shabaab ayaa waxay shacabkeedu aad u rajeynayaan in dowladda cusub ee la dhisayo ay isbedel dhinaca dhaqaalaha kusoo kordhiso deegaankooda.

8/25/2012 4:38 AM EST
Sabti, Ogoosto 25, 2012 (HOL) — Doorashada guddoomiyaha iyo ku xigeennada baarlamaanka Soomaaliya oo lagu wada inay dhaco maalinta berri ah oo ay bishan ku beegan tahay 26-ka Ogoosto ayaa dib loo dhigay laba casho, sida ay sheegeen guddiga doorashada.

8/25/2012 4:34 AM EST
Sabti, Ogoosto 25, 2012 (HOL) — Ciidammo ka tirsan kuwa dowladda Soomaaliya ayaa howlgal ay xalay ka sameeyeen deegaanka Zone K ee degmada Hodan waxay ku dileen saddex qof oo lagu sheegay inay ahaayeen kooxo falal ammaan-darro ka waday degmadaas, iyagoo sidoo kale dhaawacay laba qof oo haweeney ku jirtay.