Wednesday, June 19, 2013
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Sabti, Aug 25, 2012
Dhaqdhaqaaqyo Ciidan iyo abaabullo dagaal oo laga dareemayo Deegaanno ka tirsan Gobolka Jubbada Hoose
Sabti, Ogoosto 25, 2012 (HOL) — Xiisado dagaal ayaa kasoo cusboonaaday gobolka Jubada hoose kadib markii ciidamada dowladda KMG oo kaashanaya kuwa Kenya ay bilaabeen dhaqdhaqaaqyo ciidan oo ay ku doonayaan in ay ku weeraraan saldhigyada ay xoogagga Al-shabaab ku leeyihiin Jubooyinka.

Wararka aynu ka heleyno degmada Afmadow ayaa sheegaya in ciidamada dowladda KMG, kuwa Raaskaambooni iyo Militariga Kenya oo iskaashanaya ay u dhaqaaqeen dhanka deegaanka Janaa C/dalle oo qiyaastii 60 KM u jira magaalada Kismaayo halkaasoo ay saldhig ku leeyihiin dagaalyahannada Al-shabaab.

Saraakiil katirsan ciidamada dowladda ee ku sugan Jubooyinka oo warbaahinta la hadlay ayaa sheegay in ciidamada dowladda iyo kuwa Raaskaambooni la gudoonsiiyay mushaaraadkoodii dhawaan ay duulaan ku qaadi doonaan magaalada Kismaayo ee xarunta gobolka Jubada Hoose.

Guddoomiyaha Al-shabaab ee Jubooyinka Sheekh C/raxmaan Xudeyfa oo warbaahinta la hadlay ayaa sheegay in ciidamada dowladda KMG iyo kuwa Kenya ay u guuldareeysteen qorshahoodii ahaa in ay gacanta ku dhigaan Kismaayo, wuxuuna sheegay in ay siweyn ugu diyaargaroobeen dhawaanana duulaan ku yihiin degmooyinka ay ciidamada huwanta ah kaga suganyihiin Jubooyinka.

Xiisadahan dagaal ee kasoo cusboonaaday gobolka Jubada hoose ayaa siweyn looga dareemayaa magaalada Kismaayo, iyadoona xoogagga Al-shabaab ay wadaan abaabullo ciidan oo ay ku doonayaan in ay kaga hortagaan gulufka colaadeed ee kusoo  fool leh.

Saraakiisha dowladda KMG iyo kuwa Kenya ayaa marar badan ku hanjabay in ay gacanta ku dhigi doonaan magaalada Kismaayo, haseyeeshee waxa uu dib u dhac ku yimid qorshihii dagaal ee ciidamada isgarabsanaya waxaana saraakiisha dowladda ee Jubooyinka ay istaraatijiyo dagaal ku tilmaameen dib u dhaca ku yimid howlgalladii ay ku doonayeen in ay ku weeraraan magaalada Kismaayo ee xarunta gobolka Jubada hoose.

Xasan Nuur, Hiiraan Online
hnur@hiiraan.com
Kismaayo, Soomaaliya




Post your comments

8/25/2012 2:50 PM EST
Sabti, Agoosto 25, 2012 (HOL) - East African Energy Forum oo ah haya’ad Soomaali ah, isuna xilsaartay in ay difaacaan kheyradka iyo petrolka badda Soomaaliya ku jira ayaa digniin culus u diray dowladda Kenya iyo afar shirkadood oo caalami ah petrolkana qoda, iyaga oo ku tilmaamay in ay sharci darro tahay in dowladda Kenya iyo shirkadahaas isu bahaystay in ay boobaan kheyraadka badda Soomaaliya ku jira khaassatan dhulbadeedka soomaaliya ee ku dhow xadka Kenya.

8/25/2012 9:21 AM EST
Sabti, Ogoosto 25, 2012 (HOL) — Guddiga farsamada ee xulista baarlamanaka ayaa sheegay maanta oo Sabti ah in tirada xildhibaannada ay hayaan ay gaarayso 254 xildhibaan oo ka mid ah 275-ka mudane ee kuraasta baarlamaank ay ka kooban tahay.

8/25/2012 8:19 AM EST
Sabti, Ogoosto 25, 2012 (HOL) — Urur goboleedka ay ku mideysan yihiin dalalka ku yaalla bariga Afrika ee IGAD ayaa ugu baaqay madaxda Soomaalida inay si dhaqso ah ku dhameystiraan howlaha uga harsan ka gudbidda xilliga KMG ah.

8/25/2012 8:13 AM EST
Sabti, Ogoosto 25, 2012 (HOL) — Munaasabad ay soo qabanqaabisay hay'ad lagu magacaabo SHARDO oo tababar loogu soo gabagabeynayay boqol dhallinyaro ah ayaa shalay ka dhacday magaalada Muqdisho, waxaana ka qaybgalay mas'uuliyiin ka socday dowladda Soomaaliya iyo maamulka gobolka Banaadir.

8/25/2012 7:56 AM EST
Sabti, Ogoosto 25, 2012 (HOL) — Madaxweynaha maamul gobolleedka Galmudug ee dhawaan la doortay Jen Cabdi Xassan Cawaale Qeybdiid ayaa lugtiisii ugu horeysay tan markii xilka loo magacaabay waxaa uu booqasho ku joogaa degmada Hobyo ee gobollka Mudug.

8/25/2012 7:34 AM EST
Sabti, Ogoosto 25, 2012 (HOL) — Magaalada Baydhabo ee xarunta gobolka Bay oo ciidamada dowlada Soomaaliya iyo kuwa Itoobiya oo isgarabsanaya ay horraantii sannadkan ka qabsadeen Al-shabaab ayaa waxay shacabkeedu aad u rajeynayaan in dowladda cusub ee la dhisayo ay isbedel dhinaca dhaqaalaha kusoo kordhiso deegaankooda.

8/25/2012 4:38 AM EST
Sabti, Ogoosto 25, 2012 (HOL) — Doorashada guddoomiyaha iyo ku xigeennada baarlamaanka Soomaaliya oo lagu wada inay dhaco maalinta berri ah oo ay bishan ku beegan tahay 26-ka Ogoosto ayaa dib loo dhigay laba casho, sida ay sheegeen guddiga doorashada.

8/25/2012 4:34 AM EST
Sabti, Ogoosto 25, 2012 (HOL) — Ciidammo ka tirsan kuwa dowladda Soomaaliya ayaa howlgal ay xalay ka sameeyeen deegaanka Zone K ee degmada Hodan waxay ku dileen saddex qof oo lagu sheegay inay ahaayeen kooxo falal ammaan-darro ka waday degmadaas, iyagoo sidoo kale dhaawacay laba qof oo haweeney ku jirtay.