Thursday, May 23, 2013
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Sabti, Aug 25, 2012
Hay'adda SHARDO oo Boqol Dhallinyaro ah u soo Gabgabeysay Tababar lagu barayay Aqoon la xiriirta Ganacsiga

Sabti, Ogoosto 25, 2012 (HOL) — Munaasabad ay soo qabanqaabisay hay'ad lagu magacaabo SHARDO oo tababar loogu soo gabagabeynayay boqol dhallinyaro ah ayaa shalay ka dhacday magaalada Muqdisho, waxaana ka qaybgalay mas'uuliyiin ka socday dowladda Soomaaliya iyo maamulka gobolka Banaadir.

Tababarkan oo socday muddo sideed bilood ah ayay dallinyaradu ku baranayeen laba xirfadood oo kala ah: maamulida ganacsiga iyo dhisidda iskaashatooyin ganacsi waxaana barnaamijkaan maal-geliyay hay'ad lagu magacaabo JICA oo dalka Japan laga leeyahay iyadoo dhaqaalaha soo marisay hay'adda shaqaalaha adduunka ILO.

Dhallinyarada tababarka dhameysatay ayaa waxay ahaayeen 25 kooxood oo koox walba ay ka koobnayd afar qof, kuwaasoo la guddoonsiiyay lacag dhan $2000 oo dollarka Mareyanka ah.


Lacagta ayaa la sheegay in dhallinyarada ay ku sameynayaan shirkado ganasi si loo hubiyo wixii ay ka faa'iideen tababarkooda, iyadoo mas'uuliyiinta SHARDO ay xuseen in dhallinyarada loo sameeyay sharci hoosaadyo ay isku maamulayaan.

Mashruucaan oo lagu magacaabo "Youth for change" (Isbedelka dhalinyarada) ayaa waxaa hadallo kala duwan ka jeediyay guddoomiyaha SHARDO, Abuukar Sheekh Maxamed, wuxuuna u mahad-celiyay dhammaan dadkii kasoo qeyb-galay munaasabadda tababarka loogu soo xirayay dhallinyarada.

"Dhallinyarada sideeda bilood ah baranayay xirfadaha kala duwan ee maamulka ganacsiga iyo dhisidda iskaashatooyinka ganacsiga waa inay ka faa'iideystaan waxyaabihii ay baranayeen," ayuu yiri guddoomiye Abuukar Sheekh oo ku booriyay dhallinyaradaasi inay ka dhabeeyaan ganacsigooda ayna sii amba qaadaan howlaha horyaala.

Munaasabadda xiritaanka tababarka dhallinyarada oo ka dhacday hoteel City Plasa ee magaalada Muqdisho ayaa waxaa sidoo kale goob-joog ka ahaa 25 ruux oo kooxdiiba ay hal qof ka wakiil ahayd dhallinyarada tababarka loosoo xiray, kuwaasoo si weyn ugu mahad-celiyay hay'adaha ay ugu horeyso SHARDO oo iyagu fulineysa barnaamijkaan.


Dhinaca kale; madaxda kasoo qayb-galay munaasabadaasi ayaa waxaa mid ahaa wasiirka wasaaradda shaqada, dhallinyarada iyo isboortiga Aweys Xadaad ayaa khudbad gaaban oo uu halkaasi ka jeediyay wuxuuna kula dardaarmay dhallinyarada inaysan iska lumin fursadda ay heystaan isla markaana ay ka faa'iideystaan waxyaabihii ay soo barteen.

Madaxda dowladad, maamulka gobolka Banaadir, guddoomiyaha degmada C/casiis iyo xubin ka socotay wasaaradda arrimaha gudaha ayaa waxaa sidoo kale ka qayb-galay xubno ka socday hay'ado ay ka mid yihiin: SOYDEN, DAN-GUUD, CPD, UNDP, ILO iyo IOM iyo marti sharaf kale oo lagu casuumay inay ka soo qayb-galaan.



Maxamed Xaaji Xuseen, Hiiraan Online
maxuseen@hiiraan.com
Muqdisho, Soomaaliya




Post your comments

8/25/2012 2:50 PM EST
Sabti, Agoosto 25, 2012 (HOL) - East African Energy Forum oo ah haya’ad Soomaali ah, isuna xilsaartay in ay difaacaan kheyradka iyo petrolka badda Soomaaliya ku jira ayaa digniin culus u diray dowladda Kenya iyo afar shirkadood oo caalami ah petrolkana qoda, iyaga oo ku tilmaamay in ay sharci darro tahay in dowladda Kenya iyo shirkadahaas isu bahaystay in ay boobaan kheyraadka badda Soomaaliya ku jira khaassatan dhulbadeedka soomaaliya ee ku dhow xadka Kenya.

8/25/2012 9:21 AM EST
Sabti, Ogoosto 25, 2012 (HOL) — Guddiga farsamada ee xulista baarlamanaka ayaa sheegay maanta oo Sabti ah in tirada xildhibaannada ay hayaan ay gaarayso 254 xildhibaan oo ka mid ah 275-ka mudane ee kuraasta baarlamaank ay ka kooban tahay.

8/25/2012 8:19 AM EST
Sabti, Ogoosto 25, 2012 (HOL) — Urur goboleedka ay ku mideysan yihiin dalalka ku yaalla bariga Afrika ee IGAD ayaa ugu baaqay madaxda Soomaalida inay si dhaqso ah ku dhameystiraan howlaha uga harsan ka gudbidda xilliga KMG ah.

8/25/2012 8:17 AM EST
Sabti, Ogoosto 25, 2012 (HOL) — Xiisado dagaal ayaa kasoo cusboonaaday gobolka Jubada hoose kadib markii ciidamada dowladda KMG oo kaashanaya kuwa Kenya ay bilaabeen dhaqdhaqaaqyo ciidan oo ay ku doonayaan in ay ku weeraraan saldhigyada ay xoogagga Al-shabaab ku leeyihiin Jubooyinka.

8/25/2012 7:56 AM EST
Sabti, Ogoosto 25, 2012 (HOL) — Madaxweynaha maamul gobolleedka Galmudug ee dhawaan la doortay Jen Cabdi Xassan Cawaale Qeybdiid ayaa lugtiisii ugu horeysay tan markii xilka loo magacaabay waxaa uu booqasho ku joogaa degmada Hobyo ee gobollka Mudug.

8/25/2012 7:34 AM EST
Sabti, Ogoosto 25, 2012 (HOL) — Magaalada Baydhabo ee xarunta gobolka Bay oo ciidamada dowlada Soomaaliya iyo kuwa Itoobiya oo isgarabsanaya ay horraantii sannadkan ka qabsadeen Al-shabaab ayaa waxay shacabkeedu aad u rajeynayaan in dowladda cusub ee la dhisayo ay isbedel dhinaca dhaqaalaha kusoo kordhiso deegaankooda.

8/25/2012 4:38 AM EST
Sabti, Ogoosto 25, 2012 (HOL) — Doorashada guddoomiyaha iyo ku xigeennada baarlamaanka Soomaaliya oo lagu wada inay dhaco maalinta berri ah oo ay bishan ku beegan tahay 26-ka Ogoosto ayaa dib loo dhigay laba casho, sida ay sheegeen guddiga doorashada.

8/25/2012 4:34 AM EST
Sabti, Ogoosto 25, 2012 (HOL) — Ciidammo ka tirsan kuwa dowladda Soomaaliya ayaa howlgal ay xalay ka sameeyeen deegaanka Zone K ee degmada Hodan waxay ku dileen saddex qof oo lagu sheegay inay ahaayeen kooxo falal ammaan-darro ka waday degmadaas, iyagoo sidoo kale dhaawacay laba qof oo haweeney ku jirtay.