Tuesday, May 21, 2013
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Sabti, Aug 25, 2012
Ciidamada Dowladda Soomaaliya oo howlgal ay dad ku dileen ka sameeyay degmada Hodan iyo Farsamayaqaan la dilay
Sabti, Ogoosto 25, 2012 (HOL) — Ciidammo ka tirsan kuwa dowladda Soomaaliya ayaa howlgal ay xalay ka sameeyeen deegaanka Zone K ee degmada Hodan waxay ku dileen saddex qof oo lagu sheegay inay ahaayeen kooxo falal ammaan-darro ka waday degmadaas, iyagoo sidoo kale dhaawacay laba qof oo haweeney ku jirtay.

Howgalladan ayaa la sheegay inay fuliyeen ciidammo gaar ah oo dowladdu ay u xushay inay ammaanka Muqdisho sugaan, waxaana dadka deegaankaas ay sheegeen in howgalkan uu ku yimid cabashooyin ay dhowr jeer u gudbiyeen maamulka degmada Hodan.

Inkastoo howgalka aanay dowladdu ka hadlin haddana wuxuu kusoo beegmay xilli ay cabashooyin badan dadka deegaanka Zone K ka muujiyeen koox ku labisan dharka ciidamada dowladda oo dhac joogto ah ku hayay.

Deegaanka Zone K oo ka dambeeyay isbitaalkii hore ee Digfeer ayaa waxaa dagay dad badan oo kasoo barakacay duleedka Muqdisho, iyadoo dadka deegaanku ay sheegeen in guryaha loogu geli jiray lagana qaadan jiray waxay haystaan.

Lama oga in howgalkaan uu sii socon doono iyo in kale, waxaana deegaankan uu qayb ka yahay degmooyinka gobolka Banaadir ee ay ka dhacayaan falalka amniga wax u dhimaya sida dilalka qorsheysan iyo dhaca.

Dhanka kale, kooxo hubeysan oo aan la garanayn ayaa xalay toogasho ku dilay nin tola kabaha oo lagu magacaabi jiray, Cali Xuseen Faroole iyadoo sidoo kalena ay kooxaha hubeysan dhaawac u geysteen nin kale oo isaguna farsamo yaqaan ahaa.

Weerarka lagu dilay farsamayaqaanka midka kalena lagu dhaawacaya ayaa wuuxu ka dhacay goob lagu caweeyo oo ku taalla degmada Xamarjajab, iyadoo kooxaha falka geystay ay baxsadeen, cid loo qabtay iyo cid sheegatay mas'uuliyadda dilkana ma jirto.

Maxamed Xaaji Xuseen, Hiiraan Online
maxuseen@hiiraan.com
Muqdisho, Soomaaliya




Post your comments

8/25/2012 2:50 PM EST
Sabti, Agoosto 25, 2012 (HOL) - East African Energy Forum oo ah haya’ad Soomaali ah, isuna xilsaartay in ay difaacaan kheyradka iyo petrolka badda Soomaaliya ku jira ayaa digniin culus u diray dowladda Kenya iyo afar shirkadood oo caalami ah petrolkana qoda, iyaga oo ku tilmaamay in ay sharci darro tahay in dowladda Kenya iyo shirkadahaas isu bahaystay in ay boobaan kheyraadka badda Soomaaliya ku jira khaassatan dhulbadeedka soomaaliya ee ku dhow xadka Kenya.

8/25/2012 9:21 AM EST
Sabti, Ogoosto 25, 2012 (HOL) — Guddiga farsamada ee xulista baarlamanaka ayaa sheegay maanta oo Sabti ah in tirada xildhibaannada ay hayaan ay gaarayso 254 xildhibaan oo ka mid ah 275-ka mudane ee kuraasta baarlamaank ay ka kooban tahay.

8/25/2012 8:19 AM EST
Sabti, Ogoosto 25, 2012 (HOL) — Urur goboleedka ay ku mideysan yihiin dalalka ku yaalla bariga Afrika ee IGAD ayaa ugu baaqay madaxda Soomaalida inay si dhaqso ah ku dhameystiraan howlaha uga harsan ka gudbidda xilliga KMG ah.

8/25/2012 8:17 AM EST
Sabti, Ogoosto 25, 2012 (HOL) — Xiisado dagaal ayaa kasoo cusboonaaday gobolka Jubada hoose kadib markii ciidamada dowladda KMG oo kaashanaya kuwa Kenya ay bilaabeen dhaqdhaqaaqyo ciidan oo ay ku doonayaan in ay ku weeraraan saldhigyada ay xoogagga Al-shabaab ku leeyihiin Jubooyinka.

8/25/2012 8:13 AM EST
Sabti, Ogoosto 25, 2012 (HOL) — Munaasabad ay soo qabanqaabisay hay'ad lagu magacaabo SHARDO oo tababar loogu soo gabagabeynayay boqol dhallinyaro ah ayaa shalay ka dhacday magaalada Muqdisho, waxaana ka qaybgalay mas'uuliyiin ka socday dowladda Soomaaliya iyo maamulka gobolka Banaadir.

8/25/2012 7:56 AM EST
Sabti, Ogoosto 25, 2012 (HOL) — Madaxweynaha maamul gobolleedka Galmudug ee dhawaan la doortay Jen Cabdi Xassan Cawaale Qeybdiid ayaa lugtiisii ugu horeysay tan markii xilka loo magacaabay waxaa uu booqasho ku joogaa degmada Hobyo ee gobollka Mudug.

8/25/2012 7:34 AM EST
Sabti, Ogoosto 25, 2012 (HOL) — Magaalada Baydhabo ee xarunta gobolka Bay oo ciidamada dowlada Soomaaliya iyo kuwa Itoobiya oo isgarabsanaya ay horraantii sannadkan ka qabsadeen Al-shabaab ayaa waxay shacabkeedu aad u rajeynayaan in dowladda cusub ee la dhisayo ay isbedel dhinaca dhaqaalaha kusoo kordhiso deegaankooda.

8/25/2012 4:38 AM EST
Sabti, Ogoosto 25, 2012 (HOL) — Doorashada guddoomiyaha iyo ku xigeennada baarlamaanka Soomaaliya oo lagu wada inay dhaco maalinta berri ah oo ay bishan ku beegan tahay 26-ka Ogoosto ayaa dib loo dhigay laba casho, sida ay sheegeen guddiga doorashada.