Friday, May 24, 2013
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Khamiis, Aug 23, 2012
Xiisad ka taagan Degmada Guri-ceel ee Gobolka Galguduud kaddib Maxaabiis lagala baxay Xabsiga degmadaas
Khamiis, Ogoosto 23, 2012 (HOL) — Sida uu HOL u sheegay wariye ku sugan degmada Guri-ceel ee gobollka Galguduud sacaadihii ugu danbeeyay waxaa degmada ka jirta xiisad ka dhalatay maxaabiis rag hubeysan maalintii shalay kala baxeen saldhiga degmada.

Rag hubeysan ayaa shalay galinkii danbe la sheegay in ay xoog ku furteen maxiib ku xirnaa saldhiga degmada Gur-ceel oo ay isku heyb ahaayeen, taasoo caro ku dhalisay sida la sheegay ilaalada saldhiga oo ka dalbaday maamulka degmada in talaabo laga qaado ragga maxaabiista la baxay.

Gudaha degmada ayaa lagu arkayaan xoogag iska soo horjeeda oo ku hubeysan gadiidka dagaallka taaasoo shaki badan ku abuurtay dadka ku dhaqan degmada Guri-ceel oo baqdin badan ka qaba in korkooda lagu dagaallamo.

Ciidammo ka tirsan kuwa dowladda Itoobiya oo fadhigoodu yahay duleedka degmada Guri-ceel ayaa la sheegayaa in ay gudaha u soo galeen degmada iyaga oo tagay saldhiga ama goobta la sheegay in laga kaxeystay maxaabiista, laakiin waxaa muuqata in faragalinta ciidamada Itoobiya aysan waxba ka badali xiisada ka taagan degmada.

Saldhiga degmada waxaa ku sugan xoogagga Ahlu Sunna Waljameeca, kuwaasoo dalbanaya in dib loo soo celiyo shaqsiyaadka lagala baxay saldhiga haddii kale qaadi doonaan talaabo ka dhan ah furashada maxaabiista.

Ma jiro ilaa hadda wax war ah oo ka soo baxay maamulka Ahlu Sunna Waljameeca iyo kan dowladda KMG ee dhawaan loo magacaabay gobollka Galguduud, lamana oga ugu danbeytii wax ka dhalan kara xiisada ka jirta degmada  Guri-ceel.

C/raxmaan Diini, Hiiraan Online
diini@hiiraan.com
Baladweyne, Soomaaliya




Post your comments

8/23/2012 9:48 AM EST
Khamiis, Ogoosto 23, 2012 (HOL) — Hay'adda xuquuqda aadanaha ee Human Rights Watch ayaa uga digtay Kenya iyo Al-shabaab inay yareeyaan khasaaraha shacabka Kismaayo ku nool kasoo gaaraya dagaallada u dhexeeya, sida ay HRW ku sheegay warbixin ay soo saartay maanta oo Khamiis ah.

8/23/2012 9:18 AM EST
Khamiis, Ogoosto 23, 2012 (HOL) — Laba ruux oo caruur ah ayaa ku dhaawacmay duqeymo ay gallinkii dambe ee maanta diyaarado dagaal u geysteen degmada Baardheere ee gobolka Gedo, halkaasoo ay ka taliso Xarakada Al-shabaab.

8/23/2012 9:10 AM EST
Khamiis, Ogoosto 23, 2012 (HOL) — Ciidamada amaanka Mareykanka ayaa xabsiga dhigay Talaadadii lasoo dhaafay nin hubeysan oo fariin habjaad ah internet-ka u mariyay madaxweynaha Mareykanka Barack Obama.

8/23/2012 8:44 AM EST
Khamiis, Ogoosto 23, 2012 (HOL) — Hoggaamiye sare oo Al-shabaab ka tirsan ayaa ku dhawaaqay inay la dagaalamayaan dowladda cusub ee Soomaaliya loo dhisayo, isagoo sheegay inay u arkaan mid shisheeyuhu sameysteen ayna doonayaan inay ku fushadaan danahooda gaarka ah.

8/23/2012 8:22 AM EST
Khamiis, Ogoosto 23, 2012 (HOL) — Afar qof oo dhalinyaro ah oo dhowaan lagu afduubay deegaanka Sool-joogto ee degmadda Buuhoodle ayaa kooxdii afduubatay sii daysay ka dib markii odayaasha iyo waxgaradka Buuhoodle waanwaan ka galeen siideyntoodda.

8/23/2012 8:17 AM EST
Khamiis, Ogoosto 23, 2012 (HOL) — Dowladda Soomaaliya ayaa si rasmi ah maanta ugu dhawaaqday in gobolka Hiiraan oo ku yaalla bartamaha Soomaaliya laba gobol loo qaybiyay, kuwaasoo kala ah: gobolka Hiiraan iyo gobolka Shabeellada sare oo xaruntiisu noqonayso degmada Buulo-barde.

8/23/2012 4:02 AM EST
Khamiis, Ogoosto 23, 2012 (HOL) — Guddoomiye ku xigeenka baarlamaanka dalka Kenya, Faarax Macallin oo ka hadlay geerida ra'iisul wasaarihii dalka Itoobiya, Meles Zenawi ayaa wuxuu ku eedeeyay inuu mas'uul ka ahaa dhibaatada ka taagan Geeska Afrika gaar ahaan Soomaaliya.

8/23/2012 3:54 AM EST
Khamiis, Ogoosto 23, 2012 (HOL) — Guddiga doorashada baarlamaanka federaalka Soomaaliya ayaa maanta billaabaya howshooda qabashada araajita murashaxiinta u taagan xilka afhayeenka baarlamaanka iyo ku xigeennadiisa oo doorashadoodu ay dhici doonto toddobaadka soo socda.

8/23/2012 3:47 AM EST
Khamiis, Ogoosto 23, 2012 (HOL) — Ciidammo iyo gaadiid nooca dagaalka ah oo la sheegay inay kasoo goosteen maamulka Khaatumo ayaa soo gaaray magaalada Garoowe ee xarunta gobolka Nugaal.

8/23/2012 3:46 AM EST
Khamiis, Ogoosto 23, 2012 (HOL) — Haweenka Soomaaliyeed ayaa ka cabanaya lambarka ay ku yeesheen baarlamaanka cusub ee Soomaaliya oo qaybtiisii ugu horreysay; taasoo ay ku jiraan haween aad u tiro yar.

8/23/2012 3:34 AM EST
Khamiis, Ogoosto 23, 2012 (HOL) — Dhibaatooyin dhanka nolosha ah ayaa laga soo sheegayaa deegaanka Diif ee ku yaal soohdinta u dhexeeysa Kenya iyo Soomaaliya ee dhanka Jubooyinka, iyadoona deegaankaasi ay ku noolyihiin boqollaal qoys oo ay saameeyeen dhibaatooyin nolol xumo.