Saturday, May 18, 2013
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Khamiis, Aug 23, 2012
Diyaarado dagaal oo Maanta duqeeyay Magaalada Baardheere ee Gobolka Gedo oo ay ka taliso Xarakada Al-shabaab
Khamiis, Ogoosto 23, 2012 (HOL) — Laba ruux oo caruur ah ayaa ku dhaawacmay duqeymo ay gallinkii dambe ee maanta diyaarado dagaal u geysteen degmada Baardheere ee gobolka Gedo, halkaasoo ay ka taliso Xarakada Al-shabaab.

Goobjoogayaal ayaa sheegay in diyaaraduhu ay tan iyo xalay dul heehaabayeen degmada, balse ay mar qura maanta 2:30 gantaallo ku garaaceen gudaha iyo duleedka degmada Baardheere.

"Diyaarado dagaal ayaa gantaal ku dhuftay gudaha degmada waxayna dhaawacyo kasoo gaareen laba cunug, sidoo kale, diyaaraduhu waxay duqeeyeen meel dibada degmada ku taalla, mana garanayno khasaaraha ka dhashay," ayay yiraadheen goobjoogayaal ku sugan degmada Baardheere oo ay HOL la hadashay.

Sidoo kale, goobjoogayaashu waxay sheegeen in xoogagga Al-shabaab ee degmada ku sugan ay iska difaaceen diyaaradaha oo mar kale soo noqday si ay duqeymo uga geystaan degmada.

Mas'uuliyiinta Al-shabaab ee degmada Baardheere ayaa duqeynta ku eedeeyay inay ka dambeyso dowladda Kenya, inkastoo aysan weli Kenya sheegin inay mas'uul ka tahay duqeytaas iyo in kale.

"Xaaladda degmadu waa mid kacsan, waayo dadka oo dhan way baqeen, waxay ka baqdin qabaa in mar kale la duqeeyo degmada," ayay tiri haweeney Baardheere ku sugan oo diiday in magaceeda ay sheegto sababa ammaan awgood.

Degmada Baardheere oo ka mid ah degmooyinka gobolka Gedo oo ay weli gacanta ku hayso Al-shabaab ayaa waxaa dhowr jeer oo hore ka dhacday duqeymo ay khasaare kasoo gaartay dadka shacabka ah ee ku nool.

Maxamed Xaaji Xuseen, Hiiraan Online
maxuseen@hiiraan.com
Muqdisho, Soomaaliya




Post your comments

8/23/2012 9:48 AM EST
Khamiis, Ogoosto 23, 2012 (HOL) — Hay'adda xuquuqda aadanaha ee Human Rights Watch ayaa uga digtay Kenya iyo Al-shabaab inay yareeyaan khasaaraha shacabka Kismaayo ku nool kasoo gaaraya dagaallada u dhexeeya, sida ay HRW ku sheegay warbixin ay soo saartay maanta oo Khamiis ah.

8/23/2012 9:45 AM EST
Khamiis, Ogoosto 23, 2012 (HOL) — Sida uu HOL u sheegay wariye ku sugan degmada Guri-ceel ee gobollka Galguduud sacaadihii ugu danbeeyay waxaa degmada ka jirta xiisad ka dhalatay maxaabiis rag hubeysan maalintii shalay kala baxeen saldhiga degmada.

8/23/2012 9:10 AM EST
Khamiis, Ogoosto 23, 2012 (HOL) — Ciidamada amaanka Mareykanka ayaa xabsiga dhigay Talaadadii lasoo dhaafay nin hubeysan oo fariin habjaad ah internet-ka u mariyay madaxweynaha Mareykanka Barack Obama.

8/23/2012 8:44 AM EST
Khamiis, Ogoosto 23, 2012 (HOL) — Hoggaamiye sare oo Al-shabaab ka tirsan ayaa ku dhawaaqay inay la dagaalamayaan dowladda cusub ee Soomaaliya loo dhisayo, isagoo sheegay inay u arkaan mid shisheeyuhu sameysteen ayna doonayaan inay ku fushadaan danahooda gaarka ah.

8/23/2012 8:22 AM EST
Khamiis, Ogoosto 23, 2012 (HOL) — Afar qof oo dhalinyaro ah oo dhowaan lagu afduubay deegaanka Sool-joogto ee degmadda Buuhoodle ayaa kooxdii afduubatay sii daysay ka dib markii odayaasha iyo waxgaradka Buuhoodle waanwaan ka galeen siideyntoodda.

8/23/2012 8:17 AM EST
Khamiis, Ogoosto 23, 2012 (HOL) — Dowladda Soomaaliya ayaa si rasmi ah maanta ugu dhawaaqday in gobolka Hiiraan oo ku yaalla bartamaha Soomaaliya laba gobol loo qaybiyay, kuwaasoo kala ah: gobolka Hiiraan iyo gobolka Shabeellada sare oo xaruntiisu noqonayso degmada Buulo-barde.

8/23/2012 4:02 AM EST
Khamiis, Ogoosto 23, 2012 (HOL) — Guddoomiye ku xigeenka baarlamaanka dalka Kenya, Faarax Macallin oo ka hadlay geerida ra'iisul wasaarihii dalka Itoobiya, Meles Zenawi ayaa wuxuu ku eedeeyay inuu mas'uul ka ahaa dhibaatada ka taagan Geeska Afrika gaar ahaan Soomaaliya.

8/23/2012 3:54 AM EST
Khamiis, Ogoosto 23, 2012 (HOL) — Guddiga doorashada baarlamaanka federaalka Soomaaliya ayaa maanta billaabaya howshooda qabashada araajita murashaxiinta u taagan xilka afhayeenka baarlamaanka iyo ku xigeennadiisa oo doorashadoodu ay dhici doonto toddobaadka soo socda.

8/23/2012 3:47 AM EST
Khamiis, Ogoosto 23, 2012 (HOL) — Ciidammo iyo gaadiid nooca dagaalka ah oo la sheegay inay kasoo goosteen maamulka Khaatumo ayaa soo gaaray magaalada Garoowe ee xarunta gobolka Nugaal.

8/23/2012 3:46 AM EST
Khamiis, Ogoosto 23, 2012 (HOL) — Haweenka Soomaaliyeed ayaa ka cabanaya lambarka ay ku yeesheen baarlamaanka cusub ee Soomaaliya oo qaybtiisii ugu horreysay; taasoo ay ku jiraan haween aad u tiro yar.

8/23/2012 3:34 AM EST
Khamiis, Ogoosto 23, 2012 (HOL) — Dhibaatooyin dhanka nolosha ah ayaa laga soo sheegayaa deegaanka Diif ee ku yaal soohdinta u dhexeeysa Kenya iyo Soomaaliya ee dhanka Jubooyinka, iyadoona deegaankaasi ay ku noolyihiin boqollaal qoys oo ay saameeyeen dhibaatooyin nolol xumo.