Wednesday, May 22, 2013
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Khamiis, Aug 23, 2012
Dowladda Soomaaliya oo Maanta si Rasmi ah ugu Dhawaaqday in Gobolka Hiiraan loo Qaybiyay laba Gobol
Khamiis, Ogoosto 23, 2012 (HOL) — Dowladda Soomaaliya ayaa si rasmi ah maanta ugu dhawaaqday in gobolka Hiiraan oo ku yaalla bartamaha Soomaaliya laba gobol loo qaybiyay, kuwaasoo kala ah: gobolka Hiiraan iyo gobolka Shabeellada sare oo xaruntiisu noqonayso degmada Buulo-barde.

Wareegto kasoo baxday xafiiska madaxweynaha Soomaaliya oo ku taariikheysnayd bishii July ee sannadkan ayaa waxaa lagu shaaciyay in gobolka Hiiraan uu wixii ka dambeeyay hadda uu noqonayo laba gobol.

"Gobolka Shabeellada sare waxaa loo aqoonsaday gobol gaar ah oo ka go'ay gobolkii hore ee Hiiraan, dhammaan hay'adaha dowladda waxaa laga codsanayaa inay dhameystiraan baahida kaga aadan gobolkan cusub," ayaa lagu yiri qoraal kasoo baxay wasaaradda arrimaha gudaha oo ku lifaaqnaa wareegtada lagu magacaabay gobolkan cusub.

Faafintan rasmiga ah ee kasoo baxday wasaaradda arrimaha gudaha ee Soomaaliya ayaa lagu sheegay in gobolka Hiiraan uu ka mid ahaa siddeedii gobol ee Soomaaliya lagu aasaasay, haddana ay noqonayso markii ugu horreysay oo la kala jaro.

Madaxweynaha Soomaaliya ayaa wareegatadiisa ku sheegay inuu magacaabista gobolkan cusub u cuskaday qodobbo ka mid ah axdiga dalka, magacaabistiisa ay ku timid codsi ka yimid wasaaradda arrimaha gudaha.

Gobolka Shabeellada sare oo gobollada dalka Soomaaliya ka dhigaya 19 gobol ayaa wuxuu ka kooban yahay toban degmo oo kala ah: Buulo-burte, Jalalaqsi, Maxaas, Show, Buur-weyn, Ceel-ciid, Qoryaalle, Halgan, Moqo-kori iyo Buqda.  

Sidoo kale, gobolka Hiiraan oo magacaalo madaxdiisu tahay Baladweyne, ayaa wuxuu ka kooban yahay 000 oo kala ah: Badweyn, Matabaan, Jawiil, Far-libaax, Ceel-cali, Yucubkam, Beer-gadiid, Macaan-qaalle, Buuco, Abaaleey iyo Feerfeer.

Ugu dambeyn wareegtada lagu magacaabay gobolka cusub ee Shabeellada sare oo ka go'ay gobolka Hiiraan ayaa waxaa lagu sheegay in soohdimaha gobolladan dib laga habeyn doono.

Wareegtadan ayaa waxay imaanaysaa iyadoo maalmo ka hor lagu qabtay Muqdisho xaflad looga dhawaaqayay in gobolka Hiiraan loo qaybiyay laba gobol oo daris ah, taasoo ay ka qaybgaleen wasiirro iyo xidhibaanno ka tirsan dowladda Soomaaliya oo kasoo jeeda gobolka Hiiraan.

Maxamed Xaaji Xuseen, Hiiraan Online
maxuseen@hiiraan.com
Muqdisho, Soomaaliya




Post your comments

8/23/2012 9:48 AM EST
Khamiis, Ogoosto 23, 2012 (HOL) — Hay'adda xuquuqda aadanaha ee Human Rights Watch ayaa uga digtay Kenya iyo Al-shabaab inay yareeyaan khasaaraha shacabka Kismaayo ku nool kasoo gaaraya dagaallada u dhexeeya, sida ay HRW ku sheegay warbixin ay soo saartay maanta oo Khamiis ah.

8/23/2012 9:45 AM EST
Khamiis, Ogoosto 23, 2012 (HOL) — Sida uu HOL u sheegay wariye ku sugan degmada Guri-ceel ee gobollka Galguduud sacaadihii ugu danbeeyay waxaa degmada ka jirta xiisad ka dhalatay maxaabiis rag hubeysan maalintii shalay kala baxeen saldhiga degmada.

8/23/2012 9:18 AM EST
Khamiis, Ogoosto 23, 2012 (HOL) — Laba ruux oo caruur ah ayaa ku dhaawacmay duqeymo ay gallinkii dambe ee maanta diyaarado dagaal u geysteen degmada Baardheere ee gobolka Gedo, halkaasoo ay ka taliso Xarakada Al-shabaab.

8/23/2012 9:10 AM EST
Khamiis, Ogoosto 23, 2012 (HOL) — Ciidamada amaanka Mareykanka ayaa xabsiga dhigay Talaadadii lasoo dhaafay nin hubeysan oo fariin habjaad ah internet-ka u mariyay madaxweynaha Mareykanka Barack Obama.

8/23/2012 8:44 AM EST
Khamiis, Ogoosto 23, 2012 (HOL) — Hoggaamiye sare oo Al-shabaab ka tirsan ayaa ku dhawaaqay inay la dagaalamayaan dowladda cusub ee Soomaaliya loo dhisayo, isagoo sheegay inay u arkaan mid shisheeyuhu sameysteen ayna doonayaan inay ku fushadaan danahooda gaarka ah.

8/23/2012 8:22 AM EST
Khamiis, Ogoosto 23, 2012 (HOL) — Afar qof oo dhalinyaro ah oo dhowaan lagu afduubay deegaanka Sool-joogto ee degmadda Buuhoodle ayaa kooxdii afduubatay sii daysay ka dib markii odayaasha iyo waxgaradka Buuhoodle waanwaan ka galeen siideyntoodda.

8/23/2012 4:02 AM EST
Khamiis, Ogoosto 23, 2012 (HOL) — Guddoomiye ku xigeenka baarlamaanka dalka Kenya, Faarax Macallin oo ka hadlay geerida ra'iisul wasaarihii dalka Itoobiya, Meles Zenawi ayaa wuxuu ku eedeeyay inuu mas'uul ka ahaa dhibaatada ka taagan Geeska Afrika gaar ahaan Soomaaliya.

8/23/2012 3:54 AM EST
Khamiis, Ogoosto 23, 2012 (HOL) — Guddiga doorashada baarlamaanka federaalka Soomaaliya ayaa maanta billaabaya howshooda qabashada araajita murashaxiinta u taagan xilka afhayeenka baarlamaanka iyo ku xigeennadiisa oo doorashadoodu ay dhici doonto toddobaadka soo socda.

8/23/2012 3:47 AM EST
Khamiis, Ogoosto 23, 2012 (HOL) — Ciidammo iyo gaadiid nooca dagaalka ah oo la sheegay inay kasoo goosteen maamulka Khaatumo ayaa soo gaaray magaalada Garoowe ee xarunta gobolka Nugaal.

8/23/2012 3:46 AM EST
Khamiis, Ogoosto 23, 2012 (HOL) — Haweenka Soomaaliyeed ayaa ka cabanaya lambarka ay ku yeesheen baarlamaanka cusub ee Soomaaliya oo qaybtiisii ugu horreysay; taasoo ay ku jiraan haween aad u tiro yar.

8/23/2012 3:34 AM EST
Khamiis, Ogoosto 23, 2012 (HOL) — Dhibaatooyin dhanka nolosha ah ayaa laga soo sheegayaa deegaanka Diif ee ku yaal soohdinta u dhexeeysa Kenya iyo Soomaaliya ee dhanka Jubooyinka, iyadoona deegaankaasi ay ku noolyihiin boqollaal qoys oo ay saameeyeen dhibaatooyin nolol xumo.