Saturday, May 25, 2013
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Khamiis, Aug 23, 2012
Guddiga Doorashada Guddoonka Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya oo si rasmi ah Maanta u billaabaya Howshooda
Khamiis, Ogoosto 23, 2012 (HOL) — Guddiga doorashada baarlamaanka federaalka Soomaaliya ayaa maanta billaabaya howshooda qabashada araajita murashaxiinta u taagan xilka afhayeenka baarlamaanka iyo ku xigeennadiisa oo doorashadoodu ay dhici doonto toddobaadka soo socda.

Guddigan ayaa waxay shalay isku qaybiyeen saddex guddi hoosaad, waxayna u doorteen guddoomiye xildhibaanad Caasho Xaaji Cilmi, iyado guddiyadan uu ku jiro guddiga maaliyadda kaasoo qaban doona lacagaha laga doonayo inay bixiyaan musharaxiinta u taagan xilka guddoomiyaha baarlamaanka iyo ku xigeennadiisa.

"Howsha guddigu waxay si rasmi ah u bilaabanaysaa Khamiista, waxaana xubnaha u taagan xilalka lagu wargelinayaan inay soo gudbiyaan araajidooda," ayuu yiri afhayeenka guddigan doorashada, xidhibaan Cismaan Libaax Ibaahim oo saxaafadda la hadlay.

Xidhibaan Libaax ayaa sheegay in murashaxiinta xilalka u tartamaya laga doonayo inay buuxiyaan shuruudo ay ka mid yihiin inay bixiyaan lacagta doorashada ay ku galayaan, sidoo kalena ruuxa isku sharraxaya xilkan uu noqdo xildhibaan ka tirsan baarlamaanka.

"Murashaxa u tartamaya xilka guddoomiyaha baarlmaanka waxaa laga doonayaa in uu bixiyo 3,000 oo dollar, gudoomiye ku xigeenka koowaad 2,000 oo dollar iyo ku xigeenka labaad oo bixinaya 1,000 dollar," ayuu yiri Xildhibaan Cismaan Libaax oo sharraxayay shuruudaha laga doonayo murashaxiinta.

Guddiga ayaa lagu wadaa inay maanta la kulmaan guddoomiyaha KMG ah ee baarlmaanka federaalka Soomaaliya, iyagoo kulankooda uga hadli doono qaabka ay ku dhacayso doorashada guddoonka baarlamaanka cusub ee Soomaaliya.

Xubnaha illaa hadda isku taagay xilka guddoomiyaha baarlamaanka Soomaaliya ayaa waxay kala yihiin: Prof. C/risaaq Cismaan Jurille iyo Prof. Maxamed Sheekh Cismaan Jawaari oo labaduba ka mid ah xidhibaannada baarlamaanka cusub ee Soomaaliya.

Maxamed Xaaji Xuseen, Hiiraan Online
maxuseen@hiiraan.com
Muqdisho, Soomaaliya





Post your comments

8/23/2012 9:48 AM EST
Khamiis, Ogoosto 23, 2012 (HOL) — Hay'adda xuquuqda aadanaha ee Human Rights Watch ayaa uga digtay Kenya iyo Al-shabaab inay yareeyaan khasaaraha shacabka Kismaayo ku nool kasoo gaaraya dagaallada u dhexeeya, sida ay HRW ku sheegay warbixin ay soo saartay maanta oo Khamiis ah.

8/23/2012 9:45 AM EST
Khamiis, Ogoosto 23, 2012 (HOL) — Sida uu HOL u sheegay wariye ku sugan degmada Guri-ceel ee gobollka Galguduud sacaadihii ugu danbeeyay waxaa degmada ka jirta xiisad ka dhalatay maxaabiis rag hubeysan maalintii shalay kala baxeen saldhiga degmada.

8/23/2012 9:18 AM EST
Khamiis, Ogoosto 23, 2012 (HOL) — Laba ruux oo caruur ah ayaa ku dhaawacmay duqeymo ay gallinkii dambe ee maanta diyaarado dagaal u geysteen degmada Baardheere ee gobolka Gedo, halkaasoo ay ka taliso Xarakada Al-shabaab.

8/23/2012 9:10 AM EST
Khamiis, Ogoosto 23, 2012 (HOL) — Ciidamada amaanka Mareykanka ayaa xabsiga dhigay Talaadadii lasoo dhaafay nin hubeysan oo fariin habjaad ah internet-ka u mariyay madaxweynaha Mareykanka Barack Obama.

8/23/2012 8:44 AM EST
Khamiis, Ogoosto 23, 2012 (HOL) — Hoggaamiye sare oo Al-shabaab ka tirsan ayaa ku dhawaaqay inay la dagaalamayaan dowladda cusub ee Soomaaliya loo dhisayo, isagoo sheegay inay u arkaan mid shisheeyuhu sameysteen ayna doonayaan inay ku fushadaan danahooda gaarka ah.

8/23/2012 8:22 AM EST
Khamiis, Ogoosto 23, 2012 (HOL) — Afar qof oo dhalinyaro ah oo dhowaan lagu afduubay deegaanka Sool-joogto ee degmadda Buuhoodle ayaa kooxdii afduubatay sii daysay ka dib markii odayaasha iyo waxgaradka Buuhoodle waanwaan ka galeen siideyntoodda.

8/23/2012 8:17 AM EST
Khamiis, Ogoosto 23, 2012 (HOL) — Dowladda Soomaaliya ayaa si rasmi ah maanta ugu dhawaaqday in gobolka Hiiraan oo ku yaalla bartamaha Soomaaliya laba gobol loo qaybiyay, kuwaasoo kala ah: gobolka Hiiraan iyo gobolka Shabeellada sare oo xaruntiisu noqonayso degmada Buulo-barde.

8/23/2012 4:02 AM EST
Khamiis, Ogoosto 23, 2012 (HOL) — Guddoomiye ku xigeenka baarlamaanka dalka Kenya, Faarax Macallin oo ka hadlay geerida ra'iisul wasaarihii dalka Itoobiya, Meles Zenawi ayaa wuxuu ku eedeeyay inuu mas'uul ka ahaa dhibaatada ka taagan Geeska Afrika gaar ahaan Soomaaliya.

8/23/2012 3:47 AM EST
Khamiis, Ogoosto 23, 2012 (HOL) — Ciidammo iyo gaadiid nooca dagaalka ah oo la sheegay inay kasoo goosteen maamulka Khaatumo ayaa soo gaaray magaalada Garoowe ee xarunta gobolka Nugaal.

8/23/2012 3:46 AM EST
Khamiis, Ogoosto 23, 2012 (HOL) — Haweenka Soomaaliyeed ayaa ka cabanaya lambarka ay ku yeesheen baarlamaanka cusub ee Soomaaliya oo qaybtiisii ugu horreysay; taasoo ay ku jiraan haween aad u tiro yar.

8/23/2012 3:34 AM EST
Khamiis, Ogoosto 23, 2012 (HOL) — Dhibaatooyin dhanka nolosha ah ayaa laga soo sheegayaa deegaanka Diif ee ku yaal soohdinta u dhexeeysa Kenya iyo Soomaaliya ee dhanka Jubooyinka, iyadoona deegaankaasi ay ku noolyihiin boqollaal qoys oo ay saameeyeen dhibaatooyin nolol xumo.