Tuesday, May 21, 2013
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Khamiis, Aug 23, 2012
Haweenka oo ka cabanaya Tirada ay ku yeesheen Baarlamaanka Somalia oo aad uga yar intii horay loogu Qoondeeyay
Khamiis, Ogoosto 23, 2012 (HOL) — Haweenka Soomaaliyeed ayaa ka cabanaya lambarka ay ku yeesheen baarlamaanka cusub ee Soomaaliya oo qaybtiisii ugu horreysay; taasoo ay ku jiraan haween aad u tiro yar.

Haweenka ayaa aad uga qaylo-dhaaminaya tirada ay baarlamaanka ku yeesheen oo ay sheegeen inay tahay mid aad u yar, waxayna walaac xoogan ka qabaan inaysan heli doonin tiradii horay loogu qoondeeyay oo ah 30%.

Tiro haween ah oo ka cabanaya xubnaha haweenka ah ee ku jira baarlamanka oo aad u yar ayaa shalay oo Arbaco ahayd isugu soo baxay Muqdisho, kuwaasoo ka kala socday beelaha uu ka kooban yahay baarlamaanka cusub.

"Kuma qanacsanin tirada haweenka ah ee ku jirta baarlamaanka, waxaana beesha caalamka ka codsanaynaa in la xaqiijiyo tirada haweenka horay loogu qoondeeyay inay ka mid noqdaan baarlamaanka 275 kursi ka kooban," ayay yiraahdeen dhowr haween ah oo ka mid ahaa kuwii cabanayay.

Haweenka ayaa waxay ku dhaliilayaan odoyaasha dhaqanka ee soo xulaya xubnaha baarlamaanka inaysan xoogga saarin sidii haweenka ay ku heli lahaayeen xubnihii loo qoondeeyay, taasoo ay ku sheegeen mas'uuliyad-darro weyn.

Xubno haweenkan ka mid ah oo wabaahinta la hadlay ayaa sheegay inay dadaal u galayaan sidii ay ku heli lahaayeen xaqooda, iyo sidii ay kaalintooda uga qaadan lahaayeen kaalinta kaga aaddan hannaanka siyaasadda ee dalka.

Cabashada haweenkan ayaa waxay kusoo beegmaysaa iyadoo hay'adaha xuquuqda aadanaha ay dhawaanahan dadaal ugu jireen sidii lagu xaqiijin lahaa in haweenku ay helaan tirada loo qoondeeyay inay ku yeeshaan baarlamaamka cusub oo saldhig u noqon doona dowladda soo socota.

Maxamed Xaaji Xuseen, Hiiraan Online
maxuseen@hiiraan.com
Muqdisho, Soomaaliya





Post your comments

8/23/2012 9:48 AM EST
Khamiis, Ogoosto 23, 2012 (HOL) — Hay'adda xuquuqda aadanaha ee Human Rights Watch ayaa uga digtay Kenya iyo Al-shabaab inay yareeyaan khasaaraha shacabka Kismaayo ku nool kasoo gaaraya dagaallada u dhexeeya, sida ay HRW ku sheegay warbixin ay soo saartay maanta oo Khamiis ah.

8/23/2012 9:45 AM EST
Khamiis, Ogoosto 23, 2012 (HOL) — Sida uu HOL u sheegay wariye ku sugan degmada Guri-ceel ee gobollka Galguduud sacaadihii ugu danbeeyay waxaa degmada ka jirta xiisad ka dhalatay maxaabiis rag hubeysan maalintii shalay kala baxeen saldhiga degmada.

8/23/2012 9:18 AM EST
Khamiis, Ogoosto 23, 2012 (HOL) — Laba ruux oo caruur ah ayaa ku dhaawacmay duqeymo ay gallinkii dambe ee maanta diyaarado dagaal u geysteen degmada Baardheere ee gobolka Gedo, halkaasoo ay ka taliso Xarakada Al-shabaab.

8/23/2012 9:10 AM EST
Khamiis, Ogoosto 23, 2012 (HOL) — Ciidamada amaanka Mareykanka ayaa xabsiga dhigay Talaadadii lasoo dhaafay nin hubeysan oo fariin habjaad ah internet-ka u mariyay madaxweynaha Mareykanka Barack Obama.

8/23/2012 8:44 AM EST
Khamiis, Ogoosto 23, 2012 (HOL) — Hoggaamiye sare oo Al-shabaab ka tirsan ayaa ku dhawaaqay inay la dagaalamayaan dowladda cusub ee Soomaaliya loo dhisayo, isagoo sheegay inay u arkaan mid shisheeyuhu sameysteen ayna doonayaan inay ku fushadaan danahooda gaarka ah.

8/23/2012 8:22 AM EST
Khamiis, Ogoosto 23, 2012 (HOL) — Afar qof oo dhalinyaro ah oo dhowaan lagu afduubay deegaanka Sool-joogto ee degmadda Buuhoodle ayaa kooxdii afduubatay sii daysay ka dib markii odayaasha iyo waxgaradka Buuhoodle waanwaan ka galeen siideyntoodda.

8/23/2012 8:17 AM EST
Khamiis, Ogoosto 23, 2012 (HOL) — Dowladda Soomaaliya ayaa si rasmi ah maanta ugu dhawaaqday in gobolka Hiiraan oo ku yaalla bartamaha Soomaaliya laba gobol loo qaybiyay, kuwaasoo kala ah: gobolka Hiiraan iyo gobolka Shabeellada sare oo xaruntiisu noqonayso degmada Buulo-barde.

8/23/2012 4:02 AM EST
Khamiis, Ogoosto 23, 2012 (HOL) — Guddoomiye ku xigeenka baarlamaanka dalka Kenya, Faarax Macallin oo ka hadlay geerida ra'iisul wasaarihii dalka Itoobiya, Meles Zenawi ayaa wuxuu ku eedeeyay inuu mas'uul ka ahaa dhibaatada ka taagan Geeska Afrika gaar ahaan Soomaaliya.

8/23/2012 3:54 AM EST
Khamiis, Ogoosto 23, 2012 (HOL) — Guddiga doorashada baarlamaanka federaalka Soomaaliya ayaa maanta billaabaya howshooda qabashada araajita murashaxiinta u taagan xilka afhayeenka baarlamaanka iyo ku xigeennadiisa oo doorashadoodu ay dhici doonto toddobaadka soo socda.

8/23/2012 3:47 AM EST
Khamiis, Ogoosto 23, 2012 (HOL) — Ciidammo iyo gaadiid nooca dagaalka ah oo la sheegay inay kasoo goosteen maamulka Khaatumo ayaa soo gaaray magaalada Garoowe ee xarunta gobolka Nugaal.

8/23/2012 3:34 AM EST
Khamiis, Ogoosto 23, 2012 (HOL) — Dhibaatooyin dhanka nolosha ah ayaa laga soo sheegayaa deegaanka Diif ee ku yaal soohdinta u dhexeeysa Kenya iyo Soomaaliya ee dhanka Jubooyinka, iyadoona deegaankaasi ay ku noolyihiin boqollaal qoys oo ay saameeyeen dhibaatooyin nolol xumo.