Wednesday, June 19, 2013
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Arbaco, Aug 22, 2012
Xildhibaan ka tirsan Baarlamaanka cusub ee Somalia oo Shaaciyay inuu u tartamayo xilka Madaxweynenimo ee Soomaaliya

Arbaco, Ogoosto 22, 2012 (HOL) — Munaasabad ballaaran oo uu xildhibaan ka mid ah kuwa cusub ee baarlamaanka Soomaaliya uu ku shaaciyay inuu yahay murashax u taagan xilka madaxnimo ee Soomaaliya oo ay ka qaybgaleen xildhibaanno, xubno ka socday qeybaha kala duwan ee bulshada, xildhibaanno iyo haween ayaa maanta lagu qabtay hoteelka Naasahablood II ee magaalada Muqdisho.

Xildhibaan C/qaadir Cosoble Cali oo ka mid ah murashaxiinta baarlamaanka cusub ee Soomaaliya ayaa ku dhawaaqay inuu yahay murashax u taagan xilka madaxnimo ee Soomaaliya, isagoo sheegay in haddii uu xilka ku guuleysto uu isbedel ku sameyn doono dalka.


Mas'uuliyiintii iyo xubihii kale ee ka hadlay munaasabadda ayaa waxay sheegeen in burburkii dowladdii milateriga kaddib uu dalka Soomaaliya soo maray marxalado kala duwan, kuwaasoo isugu jiray dagaallo, burbur iyo barakac shacbiga Soomaaliyeed ku reebay musiibo aad u xun oo ay ka dhalatay gaajo, macluul, barakac, dhimasho, dhaawac iyo burbur hantiyeed isla markaasna dowladihii isaga dambeeyay 22-kii sano ee ugu dambeeyay ee soo maray dalka intii awoodooda ah la isku dayay in wax la qabto, hase yeeshee maanta dowladda xilligeeda dhammaaday waxay soo gaarsiisay shacbiga Soomaaliyeed meel laga tallaaba-qaadi karo, sida iyadoo dalka gudihiisa lagu doortay xildhibaano Soomaaliyeed oo asaas u ah jiritaan dowladnimo, iyadoo tallaabadani ay ammaanteeda leeyihiin odayaasha dhaqanka Soomaaliyeed oo soo xulay xubnaha Baarlamaanka ee saldhigga u ah dowladda rasmiga ah ee Soomaaliya.

Musharaxa jagada madaxweynaha isku soo taagay ee oo isaguna munaasabadda ka hadlay ayaa sheegay in haddii uu ku guuleysto jagada madaxtinimada dalka uu wax ka qaban doono arrimaha: mabadgelyada, caafimaadka, dib-u-dhiska, dib-u-heshiisiinta iyo maamul-wanaagga.

"Haddii la i doorto afarta sano ee soo socota waxaan waxyaabaha aan wax ka qaban doono waxaa ka mid ah dhaqaalaha dalkan burbursan, waxaan abuuri doonaa mashaariic kala duwan, kaabayaasha dhaqaalaha dalka, horumarinta waxbarashada, dejinta qorshe kor loogu qaadayo dhaqaalaha gobolada iyo degmooyinka dalka si isku filnaansho loo gaaro," ayuu yiri xildhibaan Cosoble.

Sidoo kale, murashaxu wuxuu yiri: "Amni-darrada waxay caqabad weyn ku tahay soo noqoshada Qaranimada ummadda Soomaaliyeed, waxaana iga go'an inaan dhiso ciidan howlkar ah oo leh agab hufan, dhaqaale iyo daryeel ku filan, tababarro lagu xaqiijinayo cadaalad iyo nidaam garsoor iyo waliba qorshe mideysan oo looga hortago falalka dembiyada ka dhaca badda iyo berriga."


Ugu dambeyn, xildhibaanku wuxuu sheegay in waxyaabaha uu qabanayo haddii uu ku guuleysto tartanka arrimaha dhinaca sharciga, isagoo xusay in sharciugu uu yahay kan ugu sarreeya dalka, hanti-dhowr qaran oo la xisaabtama dowladda, ku dhaqanka habka wada-tashiga, la dagaalanka musuq-maasuqa iyo wax is-daba-marinta iyo inay ku shaqeyso dowladiisu rabitaanka shacabka iyo dhowrista xuquuqda muwaadiniinta Soomaaliyeed.

Dhinaca kale; barbaarta gaashaaman ayaa waxay munaasabadda kusoo bandhigeen ciyaaraha hiddaha iyo dhaqanka, shiribyo guurow iyo maansooyin aad u soo jiitay dareenka xubnihii ka qeyb galayaasha munaasabadda.







Maxamed Xaaji Xuseen, Hiiraan Online
maxuseen@hiiraan.com
Muqdisho, Soomaaliya




Post your comments

8/22/2012 9:59 AM EST
Arbaco, Ogoosto 22, 2012 (HOL) — Madaxweynaha dowladda Soomaaliya, Shariif Sheekh Axmed iyo ergayga gaarka ah ee xoghayaha guud ee Qaramada Midoobay danjire Augustine Mahiga ayaa maanta yeeshay kulan ku saabsan sidii lagu dhammeystiri lahaa liiska xildhibaanada baarlamaanka cusub ee Soomaaliya.

8/22/2012 9:58 AM EST
Arbaco, Ogoosto 22, 2012 (HOL) — Ugu yaraan lix qof oo shacab ah ayaa ku dhintay saddex kalena dhaawacyo ayaa soo gaaray kaddib markii kooxo hubeysan ay weerar ku qaadeen xalay deegaan ku dhow soohdinta ay wadaagaan Soomaaliya iyo Kenya.

8/22/2012 8:53 AM EST
Arbaco, Ogoosto 22, 2012 (HOL) — Madaxweynaha Puntland, C/raxmaan Sheekh Maxamed Faroole ayaa maanta shacabka iyo xukuumadda Itoobiya uga tacsiyeeyay geeridii ra'iisul wasaarihii Itoobiya, Meles Zenawi, kaasoo xanuun dhinaca caloosha ah ugu geeriyooday isbitaal ku yaalla dalka Belgium aroornimadii Talaadadii shalay.

8/22/2012 8:46 AM EST
Arbaco, Ogoosto 22, 2012 (HOL) — Ciidamada AMISOM ayaa si toos ah maanta ula wareegay sugidda ammaanka jidka isku xira Muqdisho iyo Afgooye oo ay inta badan ka dhacaa iskahorimaadyo u dhexeeya ciidamada dowladda Soomaaliya iyo xoogag taabacsan Xarakada Al-shabaab.

8/22/2012 8:07 AM EST
Arbaco, Ogoosto 22, 2012 (HOL) — Guddoomiyaha maamulka gobolka Hiiraan C/fitaax Xassan Afrax oo warbaahinta kula hadllay magaalada Baladweyne ayaa ugu tacsiyeeyay mas’uuliyiinta dowladda Itoobiya iyo shacabka intaba geerida Malas Zanawi ra’iisal wasaarihii dalka Itoobiya.

8/22/2012 8:06 AM EST
Arbaco, Ogoosto 22, 2012 (HOL) — Dabley bastoolado ku hubeysan ayaa xalay ku dilay xerada IFO haweeney ka mid ahayd guddiga ammaanka xeradaas oo ka mid ah xeryaha qoxootiga ee ku yaalla deegaanka Dhadhaab ee dalka Kenya.

8/22/2012 7:38 AM EST
Arbaco, Ogoosto 22, 2012 (HOL) — Dawladda Itoobiya ayaa ciidamo badan keentay xuduudda ay la wadaagto Somaliland, kaas isku socodkii labadda dhinac uu hakad ku yimid, isla markaana dadka ka shakisan yihiin isbedelka ka dhacay Itoobiya.

8/22/2012 7:33 AM EST
Arbaco, Ogoosto 22, 2012 (HOL) — Maydka ra'iisul wasaarihii hore ee Itoobiya, Meles Zenawi oo xanuun dhinaca caloosha ah ugu dhintay dalka Belgium ayaa xalay la geeyay magaalada Addis Ababa ee xarunta dalka Itoobiya inkastoo aan weli la shaacin xilliga la aasayo.

8/22/2012 3:44 AM EST
Arbaco, Ogoosto 22, 2012 (HOL) — Ugu yaraan saddex qof oo shacab ah ayaa ku dhintay rasaas uu askari ka tirsan ciidamada dowladda KMG ah ku furay gaari kuwa dadweynaha qaada ah oo marayay isgoyska Sanca ee degmada Karaan, iyadoo ay ku dhaawacantay haweeney kale.

8/22/2012 3:35 AM EST
Arbaco, Ogoosto 22, 2012 (HOL) — Guddiga doorashada guudoonka baarlamaanka Soomaaliya ayaa lagu wadaa inay maanta kulankoodii ugu horreeyay kaga doodi doona habka iyo shuruudaha doorashada oo lagu wado inay toddobaadka soo socda dhacdo.

8/22/2012 3:32 AM EST
Arbaco, Ogoosto 22, 2012 (HOL) — Xildhibaan Cabdirisaaq Cismaan Xasan (Juurille) oo ka mid ah xildhibaannada barlamaanka cusub ee Soomaaliya, ayaa shaaciyay in uu yahay musharrax u taagan qabashada xilka guddoomiyaha baarlamaanka Federaalka Soomaaliya.