Hiiraan Online
Tuesday, May 21, 2013
Today from Hiiraan Online:
Home
Somali Music
Somali Map
Sports
Opinion
RSS
Facebook
Twitter
Google Plus
Wararka Maanta-
Arbaco, Aug 22, 2012
Madaxweyne Shariif iyo Danjire Mahiga oo ka hadlay Dhammeystirka Baarlamaanka cusub ee Soomaaliya
Arbaco, Ogoosto 22, 2012 (HOL) — Madaxweynaha dowladda Soomaaliya, Shariif Sheekh Axmed iyo ergayga gaarka ah ee xoghayaha guud ee Qaramada Midoobay danjire Augustine Mahiga ayaa maanta yeeshay kulan ku saabsan sidii lagu dhammeystiri lahaa liiska xildhibaanada baarlamaanka cusub ee Soomaaliya.
Kulanka oo ka dhacay garoonka diyaaradaha ee Muqdisho ayaa waxaa goobjoog ka ahaa guddoomiyaha KMG ah ee baarlamaanka, Jen. Muuse Xasan, wasiirka arrimaha gudaha iyo ammaanka Qaranka, C/samad Macalin Maxamuud iyo taliyaha ciidamada AMISOM Jen. Andrew Gutti, waxaana kulanka kaddib shir jaraa'id qabtay Shariif iyo Mahiga.
“Kulanku wuxuu daba socday kulammadeenii hore, waxaana ka hadalnay sidii loo dhammeystiri lahaa qaybta ka dhimman xubnaha baarlamaanka iyo mashaakilka yar ee jira sidii loo xalin lahaa, waxaana isla garanay inay lagama maarmaan tahay in la dedejiyo dhameystirka baarlamankaa inay tahay mid lagama maarmaan ah,” ayuu yiri madaxweyne Shariif.
Madaxweynaha Soomaaliya oo la weydiiyay su’aal ahayd in baarlamaanka cusub lagu darayo xubnihii ay soo celiyeen guddiga farsamo ee xulista baarlamaanka ay ku sheegeen inay dambi galeen ayaa sheegay inaan la oran karin cid aysan maxkamad xukumin dambiile.
"Dambi waxaa lagu xaqiijiyaan qaab la yaqaano oo ugu dambeyn ah in maxkamadi xukunto dadka, mana jiraan dad xukuman oo liiska ku jira - in dad la yiraahdo dambiileyaalna waxay u baahanaysaa in xukun maxkamadeed la keeno... waxayna waxyeeleysaa in xilligaan oo kale wax yaabo noocaas ah la dhex-galo nabaddii iyo kalsoonidii dadka (waxayna keeneysaa) dadku waxay kasoo gudbeen in dib loogu celiyo, waxay kaloo wax yeeleysaa habkii dib u heshiisiinta iyo heshiis kasta oo suuragal ah in lala galo dad kasoo horjeeda dowladda, aragtidaasna waa inay meesha ka baxdaa,” ayuu yiri Shariif Sheekh.
Isagoo hadalkiisa sii wata ayaa wuxuu yiri: “Waa inaan isha ku heynaa horumarka nabadda, isku kalsoonida shacabka Soomaaliyeed ka dhex jirta, in si nabad ah loogu gudbo marxaladda cusub, iyadoon qof, koox iyo qolo gaar ah aan bartilmaameed laga dhiganayn.”
Ugu dambeyn, dajire Mahiga oo isaugna shirka jaraa'id ka hadlay ayaa sheegay inuu kulamo la qaatay odayaasha iyo guddiga farsamada, kaddib markii uu shalay kulan la qaatay wakiilo ka socday beesha caalamka, isla markaana caawa ama ugu dambeyn berri subax la heli doono liiska xildhibaanada ka maqan baarlamaanka si isla berri loo dhaariyo.
Guddiga farsamada ayaa waxay horay liiska xildhibaannada uga saareen xubno lagu sheegay inay dambiyo galeen, waxaana xubnahaas ka mid ahaa Maxamed Ibraahim Xaabsade oo sheegay in dib u soo celinta magacyadooda dano gaar ah laga lahaa.
Maxamed Xaaji Xuseen, Hiiraan Online
maxuseen@hiiraan.com
Muqdisho, Soomaaliya
Post your comments
Xildhibaan ka tirsan Baarlamaanka cusub ee Somalia oo Shaaciyay inuu u tartamayo xilka Madaxweynenimo ee Soomaaliya
8/22/2012 10:11 AM EST
Arbaco, Ogoosto 22, 2012 (HOL) — Munaasabad ballaaran oo uu xildhibaan ka mid ah kuwa cusub ee baarlamaanka Soomaaliya uu ku shaaciyay inuu yahay murashax u taagan xilka madaxnimo ee Soomaaliya oo ay ka qaybgaleen xildhibaanno, xubno ka socday qeybaha kala duwan ee bulshada, xildhibaanno iyo haween ayaa maanta lagu qabtay hoteelka Naasahablood II ee magaalada Muqdisho.
Dabley hubeysan oo deegaan ku dhow Soohdinta Soomaaliya iyo Kenya ku dilay dad shacab ah oo uu ku jiray Imaam Masjid
8/22/2012 9:58 AM EST
Arbaco, Ogoosto 22, 2012 (HOL) — Ugu yaraan lix qof oo shacab ah ayaa ku dhintay saddex kalena dhaawacyo ayaa soo gaaray kaddib markii kooxo hubeysan ay weerar ku qaadeen xalay deegaan ku dhow soohdinta ay wadaagaan Soomaaliya iyo Kenya.
Madaxweynaha Puntland: "Zenawi wuxuu ahaa Hoggaamiye weyn oo dalkiisa wax ka bedelay iyo halyey Afrika ka geeriyooday"
8/22/2012 8:53 AM EST
Arbaco, Ogoosto 22, 2012 (HOL) — Madaxweynaha Puntland, C/raxmaan Sheekh Maxamed Faroole ayaa maanta shacabka iyo xukuumadda Itoobiya uga tacsiyeeyay geeridii ra'iisul wasaarihii Itoobiya, Meles Zenawi, kaasoo xanuun dhinaca caloosha ah ugu geeriyooday isbitaal ku yaalla dalka Belgium aroornimadii Talaadadii shalay.
Ciidamada AMISOM oo la wareegay Sugidda Ammaanka Waddada isku xirta Magaalada Muqdisho iyo Degmada Afgooye
8/22/2012 8:46 AM EST
Arbaco, Ogoosto 22, 2012 (HOL) — Ciidamada AMISOM ayaa si toos ah maanta ula wareegay sugidda ammaanka jidka isku xira Muqdisho iyo Afgooye oo ay inta badan ka dhacaa iskahorimaadyo u dhexeeya ciidamada dowladda Soomaaliya iyo xoogag taabacsan Xarakada Al-shabaab.
Guddoomiyaha Gobolka Hiiraan oo ka Tacsiyeeyay Geerida Ra’iisal Wasaarihii dalka Itoobiya Malas Zanawi
8/22/2012 8:07 AM EST
Arbaco, Ogoosto 22, 2012 (HOL) — Guddoomiyaha maamulka gobolka Hiiraan C/fitaax Xassan Afrax oo warbaahinta kula hadllay magaalada Baladweyne ayaa ugu tacsiyeeyay mas’uuliyiinta dowladda Itoobiya iyo shacabka intaba geerida Malas Zanawi ra’iisal wasaarihii dalka Itoobiya.
Kooxo bastoolado ku hubeysan oo Xerada Qoxootiga IFO ku dilay haweeney ka mid ahayd Guddiga Ammaanka Xeradaas
8/22/2012 8:06 AM EST
Arbaco, Ogoosto 22, 2012 (HOL) — Dabley bastoolado ku hubeysan ayaa xalay ku dilay xerada IFO haweeney ka mid ahayd guddiga ammaanka xeradaas oo ka mid ah xeryaha qoxootiga ee ku yaalla deegaanka Dhadhaab ee dalka Kenya.
Wakhtiga kala guurka ee Itoobiya oo keentay inuu yaraado isku socodkii Somaliland iyo Itoobiya iyo Amniga Xuduudda oo la adkeeyey
8/22/2012 7:38 AM EST
Arbaco, Ogoosto 22, 2012 (HOL) — Dawladda Itoobiya ayaa ciidamo badan keentay xuduudda ay la wadaagto Somaliland, kaas isku socodkii labadda dhinac uu hakad ku yimid, isla markaana dadka ka shakisan yihiin isbedelka ka dhacay Itoobiya.
Maydka Ra'iisul Wasaarihii Itoobiya oo la geeyay Magaalada Addis Ababa ee Itoobiya halkaasoo lagu aasi doono (SAWIRRO)
8/22/2012 7:33 AM EST
Arbaco, Ogoosto 22, 2012 (HOL) — Maydka ra'iisul wasaarihii hore ee Itoobiya, Meles Zenawi oo xanuun dhinaca caloosha ah ugu dhintay dalka Belgium ayaa xalay la geeyay magaalada Addis Ababa ee xarunta dalka Itoobiya inkastoo aan weli la shaacin xilliga la aasayo.
Askari ka tirsan Ciidamada Dowladda oo dad shacab ah ku toogtay Isgoyska Sanca iyo Mayd lagu arkay Suuqa Xoolaha
8/22/2012 3:44 AM EST
Arbaco, Ogoosto 22, 2012 (HOL) — Ugu yaraan saddex qof oo shacab ah ayaa ku dhintay rasaas uu askari ka tirsan ciidamada dowladda KMG ah ku furay gaari kuwa dadweynaha qaada ah oo marayay isgoyska Sanca ee degmada Karaan, iyadoo ay ku dhaawacantay haweeney kale.
Guddiga Doorashada Guddoonka sare ee Baarlamaanka Soomaaliya oo ka doodaya habka iyo Shuruudaha Doorashada
8/22/2012 3:35 AM EST
Arbaco, Ogoosto 22, 2012 (HOL) — Guddiga doorashada guudoonka baarlamaanka Soomaaliya ayaa lagu wadaa inay maanta kulankoodii ugu horreeyay kaga doodi doona habka iyo shuruudaha doorashada oo lagu wado inay toddobaadka soo socda dhacdo.
Xildhibaan C/risaaq Juurille: "Waxaan ahay musharax u taagan Jagada Guddoomiyaha Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya"
8/22/2012 3:32 AM EST
Arbaco, Ogoosto 22, 2012 (HOL) — Xildhibaan Cabdirisaaq Cismaan Xasan (Juurille) oo ka mid ah xildhibaannada barlamaanka cusub ee Soomaaliya, ayaa shaaciyay in uu yahay musharrax u taagan qabashada xilka guddoomiyaha baarlamaanka Federaalka Soomaaliya.
Somali News
As Ethiopia looks beyond strongman Meles, fears of instability
-
CSM
8/22/2012 1:53 PM EST
The death this week of Ethiopian Prime Minister Meles Zenawi has raised concerns about whether the imposing but brittle system he devised and dominated will unravel following his departure, leading to turmoil in America's major ally in the Horn of Africa.
At least four dead as tourist plane crashes in Kenya park
-
AFP
8/22/2012 11:58 AM EST
Two German tourists and two pilots were killed when their airplane crashed Wednesday in Kenya's renowned Maasai Mara national park, with at least three other tourists badly injured, police said.
At least 48 Kenyans hacked to death in ethnic clash
-
AFP
8/22/2012 11:56 AM EST
At least 48 Kenyans were hacked or burnt to death in ethnic clashes between two rival groups, the worst single attack since deadly post-election violence four years ago, police said Wednesday.
Farole praises political progress in Somalia
-
Sabahi Online
8/22/2012 7:16 AM EST
Puntland leader Abdirahman Mohamed Farole praised the continued political progress in Somalia in an address to a crowd of more than 15,000 people in Mire Aware Stadium in Garowe in honour of the Eid al-Fitr holiday Sunday (August 19th), Radio Garowe reported.
Editorial: Somalia must seize this great moment
-
The Observer
8/22/2012 6:55 AM EST
Monday, August 20, was a historical day in Somalia. It was the day the political life of the Sharif Sheikh Ahmed led Transitional Federal Government (TGF), which has been running the war-torn country over the last couple of years, expired.
Somalia: Ships, Yachts Now Safer On Indian Ocean
-
East African
8/22/2012 6:50 AM EST
The Somali pirates continue to pose a major threat to all ships in the Indian Ocean.
Praise and warnings sent to Somali leaders
-
UPI
8/22/2012 6:20 AM EST
The U.S. government reminds Somali leaders of their responsibility to work in a fair and transparent fashion, a presidential spokesman said.
EU Hails Formation Of New Parliament In Somalia
-
RTT News
8/22/2012 6:15 AM EST
The European Union on Tuesday hailed the formation of the new Federal Parliament of Somalia as a major "milestone" in the country's efforts to end the eight-year-long transitional period.
Why East Africa and the world are watching closely as Somalia votes
-
East African
8/22/2012 6:12 AM EST
What is at stake as Somalia votes? A number of countries from the region have strategic interests in Somalia that are at variance with each other, even though they have come together under the umbrella of the African Union Mission in Somalia, Amisom, to defeat Al Shabaab and stabilise the country.
Africa Union pledges to work with new Somali leaders
-
Xinhua
8/22/2012 6:09 AM EST
The Africa Union peacekeeping mission in Somalia on Tuesday said it would work with newly elected Horn of Africa nation’s authorities to help bring unity in the country.
Why the West backed Ethiopia's Meles Zenawi
-
BBC
8/22/2012 6:05 AM EST
Ethiopian Prime Minister Meles Zenawi, who has died at the age of 57, was rightly described as an important Western ally in the Horn of Africa.
Dawa River breathing new life in Mandera
-
The Star
8/22/2012 6:01 AM EST
The Dawa River is a perennial river in southeastern Ethiopia. Rising in the mountains east of Aleta Wendo, the Dawa flows south and east to join with the Ganale Dorya at the border with Somalia to become the Jubba. The river forms part of the Ethiopia–Kenya border and part of the Ethiopia–Somalia border.
Death of Ethiopia’s Meles Zenawi likely to affect conflicts in Somalia, Sudan
-
LHL
8/22/2012 5:52 AM EST
Ethiopian leader Meles Zenawi, who during 21 years of repressive rule transformed his nation into a regional powerhouse, has died of an unspecified illness, depriving the United States of a key ally in the battle against al Qaida-affiliated rebels in Somalia.