Wednesday, June 19, 2013
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Arbaco, Aug 22, 2012
Ciidamada AMISOM oo la wareegay Sugidda Ammaanka Waddada isku xirta Magaalada Muqdisho iyo Degmada Afgooye
Arbaco, Ogoosto 22, 2012 (HOL) — Ciidamada AMISOM ayaa si toos ah maanta ula wareegay sugidda ammaanka jidka isku xira Muqdisho iyo Afgooye oo ay inta badan ka dhacaa iskahorimaadyo u dhexeeya ciidamada dowladda Soomaaliya iyo xoogag taabacsan Xarakada Al-shabaab.

Deegaannada ceelasha biyaha, Lafoole iyo Xaawo-cabdi oo dhammaantood ka mid ahaa deegaanno ka sameysay inta u dhexeysa Muqdisho iyo Afgooye ayaa waxaa lagu arkayay gaadiid ay wataan ciidamada AMISOM oo roondo ilaalo ah halkaas ka sameynayay.

"Gaadiidka AMISOM ayaa maanta billaabay inay socod ku maraan waddada Afgooye iyo Muqdisho isku xirta, tani waa mid aan aad u soo dhaweynayno, waayo waxaa meesha ka baxayay ciidammo ka tirsan kuwa dowladda oo lacago si baad ah nooga qaadi jiray," ayuu yiri mid ka mid ah darawallada

Sidoo kale, goobjoogayaal ku sugan deegaanka Ceelasha biyaha ayaa sheegay inay ciidamada dowladda ku sugan yihiin saldhigga degmadaas oo keliya, iyadoo aan la ogeyn sababta keentay in ciidamada AMISOM ay la wareegaan sugidda ammaanka inta u dhexeysa Muqdisho iyo Afgooye.

Ciidamada dowladda KMG ah iyo kuwa AMISOM oo isgarabsanaya ayaa waxay bishii May ee sannadkan la wareegeen gacan ku haynta deegaannada u dhexeeya Muqdisho iyo Afgooye oo ay ka talin jirtay Al-shabaab.

Inkastoo Al-shabaab aysan hadda maamulin deegaannada duleedka Muqdisho ku yaalla haddana waxay weerarro gaadmo ah la beegsadaan gaadiidka dowladda ee maraya jidkaas iyo saldhigga ciidan ee deegaannadaas ku yaalla.

Maxamed Xaaji Xuseen, Hiiraan Online
maxuseen@hiiraan.com
Muqdisho, Soomaaliya




Post your comments

8/22/2012 10:11 AM EST
Arbaco, Ogoosto 22, 2012 (HOL) — Munaasabad ballaaran oo uu xildhibaan ka mid ah kuwa cusub ee baarlamaanka Soomaaliya uu ku shaaciyay inuu yahay murashax u taagan xilka madaxnimo ee Soomaaliya oo ay ka qaybgaleen xildhibaanno, xubno ka socday qeybaha kala duwan ee bulshada, xildhibaanno iyo haween ayaa maanta lagu qabtay hoteelka Naasahablood II ee magaalada Muqdisho.

8/22/2012 9:59 AM EST
Arbaco, Ogoosto 22, 2012 (HOL) — Madaxweynaha dowladda Soomaaliya, Shariif Sheekh Axmed iyo ergayga gaarka ah ee xoghayaha guud ee Qaramada Midoobay danjire Augustine Mahiga ayaa maanta yeeshay kulan ku saabsan sidii lagu dhammeystiri lahaa liiska xildhibaanada baarlamaanka cusub ee Soomaaliya.

8/22/2012 9:58 AM EST
Arbaco, Ogoosto 22, 2012 (HOL) — Ugu yaraan lix qof oo shacab ah ayaa ku dhintay saddex kalena dhaawacyo ayaa soo gaaray kaddib markii kooxo hubeysan ay weerar ku qaadeen xalay deegaan ku dhow soohdinta ay wadaagaan Soomaaliya iyo Kenya.

8/22/2012 8:53 AM EST
Arbaco, Ogoosto 22, 2012 (HOL) — Madaxweynaha Puntland, C/raxmaan Sheekh Maxamed Faroole ayaa maanta shacabka iyo xukuumadda Itoobiya uga tacsiyeeyay geeridii ra'iisul wasaarihii Itoobiya, Meles Zenawi, kaasoo xanuun dhinaca caloosha ah ugu geeriyooday isbitaal ku yaalla dalka Belgium aroornimadii Talaadadii shalay.

8/22/2012 8:07 AM EST
Arbaco, Ogoosto 22, 2012 (HOL) — Guddoomiyaha maamulka gobolka Hiiraan C/fitaax Xassan Afrax oo warbaahinta kula hadllay magaalada Baladweyne ayaa ugu tacsiyeeyay mas’uuliyiinta dowladda Itoobiya iyo shacabka intaba geerida Malas Zanawi ra’iisal wasaarihii dalka Itoobiya.

8/22/2012 8:06 AM EST
Arbaco, Ogoosto 22, 2012 (HOL) — Dabley bastoolado ku hubeysan ayaa xalay ku dilay xerada IFO haweeney ka mid ahayd guddiga ammaanka xeradaas oo ka mid ah xeryaha qoxootiga ee ku yaalla deegaanka Dhadhaab ee dalka Kenya.

8/22/2012 7:38 AM EST
Arbaco, Ogoosto 22, 2012 (HOL) — Dawladda Itoobiya ayaa ciidamo badan keentay xuduudda ay la wadaagto Somaliland, kaas isku socodkii labadda dhinac uu hakad ku yimid, isla markaana dadka ka shakisan yihiin isbedelka ka dhacay Itoobiya.

8/22/2012 7:33 AM EST
Arbaco, Ogoosto 22, 2012 (HOL) — Maydka ra'iisul wasaarihii hore ee Itoobiya, Meles Zenawi oo xanuun dhinaca caloosha ah ugu dhintay dalka Belgium ayaa xalay la geeyay magaalada Addis Ababa ee xarunta dalka Itoobiya inkastoo aan weli la shaacin xilliga la aasayo.

8/22/2012 3:44 AM EST
Arbaco, Ogoosto 22, 2012 (HOL) — Ugu yaraan saddex qof oo shacab ah ayaa ku dhintay rasaas uu askari ka tirsan ciidamada dowladda KMG ah ku furay gaari kuwa dadweynaha qaada ah oo marayay isgoyska Sanca ee degmada Karaan, iyadoo ay ku dhaawacantay haweeney kale.

8/22/2012 3:35 AM EST
Arbaco, Ogoosto 22, 2012 (HOL) — Guddiga doorashada guudoonka baarlamaanka Soomaaliya ayaa lagu wadaa inay maanta kulankoodii ugu horreeyay kaga doodi doona habka iyo shuruudaha doorashada oo lagu wado inay toddobaadka soo socda dhacdo.

8/22/2012 3:32 AM EST
Arbaco, Ogoosto 22, 2012 (HOL) — Xildhibaan Cabdirisaaq Cismaan Xasan (Juurille) oo ka mid ah xildhibaannada barlamaanka cusub ee Soomaaliya, ayaa shaaciyay in uu yahay musharrax u taagan qabashada xilka guddoomiyaha baarlamaanka Federaalka Soomaaliya.