Thursday, May 23, 2013
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Arbaco, Aug 22, 2012
Wakhtiga kala guurka ee Itoobiya oo keentay inuu yaraado isku socodkii Somaliland iyo Itoobiya iyo Amniga Xuduudda oo la adkeeyey
Arbaco, Ogoosto 22, 2012 (HOL) — Dawladda Itoobiya ayaa ciidamo badan keentay xuduudda ay la wadaagto Somaliland, kaas isku socodkii labadda dhinac uu hakad ku yimid, isla markaana dadka ka shakisan yihiin isbedelka ka dhacay Itoobiya.

Magaalo xuduudeedka Tog-wajaale ayaa la sheegayaa in la adkeeyey isku socodkii labada dhinac, kaas oo ay yaraadeen dadkii u gudbayey Itoobiya tan iyo ilaa shalay, iyadoo awal hore isku socodka Somaliland iyo Itoobiya camirnaan jirtay, kaas oo ilaa in kabadan sondon Bas ay ka bixi jireen maalintii Togwajaale, intaa in ka badana ay soo gali jireen.

Haseyeeshee wararka naga soo gaadhay Tog-wajaale ayaa sheegay in ciidamo fadaraal ah la keenay xuduudda, isla markaana isku gudubtii labadda dhinac uu hakad ku yimid ilaa shalay, marka laga reebo gaadiidka Qaadka keena oo iyaga loo ogol yahay inay socdaan.

Maxamuud Aadan oo ka mid ah dadka degan magaalada Wajaale oo khadka Telefoonka iigu waramayey isagoo jooga Wajaale ayaa HOL u sheegay in la xidhay xuduudda labadda dal, kaas oo dadweyne badan ku kala xanibmay Wajaale iyo Jig-jiga, inkastoo ay jireen buu yidhi dad si qarsoodi ah ugu gudbayey Itoobiya, wallow imika la furay xadka.

Haseyeeshee, sarkaal ka tirsan laanta socdaalka ee Wajaale oo khadka telefoonka aan kula xidhiidhay isagoo jooga Wajaale, ayaa sheegay in aanay waxba iska bedelin isku socodkii dadweynaha, isla markaana dadweynuhu si caadi ah ugu gudbayaan Itoobiya, waxa kale oo uu sheegay in ciidamada faderaalka ah aan la keenin magaaladda, balse ay ku eegtahay uun Jig-jiga.

Si kastaba ah ahaatee, dadweynaha u kala safra Somaliland iyo Itoobiya ayaa isku socodkii yareeyey, iyagoo ka cabsi qaba kala guurka iyo isbedelka ka dhacay Itoobiya, wallow wararku sheegayaan inay yar tahay dadka gudbaya oo aanay sidoodii hore ahayn, balse aad loo adkeeyey xaga amniga iyo sharciga ay sitaan dadka u gudbaya dhinaca Itoobiya.

Magaaladda Wajaale ayaa ah magaalo xuduudeed ay ka wada taliyaan Somaliland iyo Itoobiya, isla markana waa magaalo ganacsi ay isku xidhan yihiin ganacsatada Itoobiya, maadaama ganacsiga Itoobiya yahay mid xidh xidhan ayaa keentay inay Magaaladu noqoto suuq weyn oo u furan Itoobiya.

Barkhad-Ladiif  M. Cumar, Hiiraan Online 
barkhadladiif@hiiraan.com
Hargeysa, Somaliland




Post your comments

8/22/2012 10:11 AM EST
Arbaco, Ogoosto 22, 2012 (HOL) — Munaasabad ballaaran oo uu xildhibaan ka mid ah kuwa cusub ee baarlamaanka Soomaaliya uu ku shaaciyay inuu yahay murashax u taagan xilka madaxnimo ee Soomaaliya oo ay ka qaybgaleen xildhibaanno, xubno ka socday qeybaha kala duwan ee bulshada, xildhibaanno iyo haween ayaa maanta lagu qabtay hoteelka Naasahablood II ee magaalada Muqdisho.

8/22/2012 9:59 AM EST
Arbaco, Ogoosto 22, 2012 (HOL) — Madaxweynaha dowladda Soomaaliya, Shariif Sheekh Axmed iyo ergayga gaarka ah ee xoghayaha guud ee Qaramada Midoobay danjire Augustine Mahiga ayaa maanta yeeshay kulan ku saabsan sidii lagu dhammeystiri lahaa liiska xildhibaanada baarlamaanka cusub ee Soomaaliya.

8/22/2012 9:58 AM EST
Arbaco, Ogoosto 22, 2012 (HOL) — Ugu yaraan lix qof oo shacab ah ayaa ku dhintay saddex kalena dhaawacyo ayaa soo gaaray kaddib markii kooxo hubeysan ay weerar ku qaadeen xalay deegaan ku dhow soohdinta ay wadaagaan Soomaaliya iyo Kenya.

8/22/2012 8:53 AM EST
Arbaco, Ogoosto 22, 2012 (HOL) — Madaxweynaha Puntland, C/raxmaan Sheekh Maxamed Faroole ayaa maanta shacabka iyo xukuumadda Itoobiya uga tacsiyeeyay geeridii ra'iisul wasaarihii Itoobiya, Meles Zenawi, kaasoo xanuun dhinaca caloosha ah ugu geeriyooday isbitaal ku yaalla dalka Belgium aroornimadii Talaadadii shalay.

8/22/2012 8:46 AM EST
Arbaco, Ogoosto 22, 2012 (HOL) — Ciidamada AMISOM ayaa si toos ah maanta ula wareegay sugidda ammaanka jidka isku xira Muqdisho iyo Afgooye oo ay inta badan ka dhacaa iskahorimaadyo u dhexeeya ciidamada dowladda Soomaaliya iyo xoogag taabacsan Xarakada Al-shabaab.

8/22/2012 8:07 AM EST
Arbaco, Ogoosto 22, 2012 (HOL) — Guddoomiyaha maamulka gobolka Hiiraan C/fitaax Xassan Afrax oo warbaahinta kula hadllay magaalada Baladweyne ayaa ugu tacsiyeeyay mas’uuliyiinta dowladda Itoobiya iyo shacabka intaba geerida Malas Zanawi ra’iisal wasaarihii dalka Itoobiya.

8/22/2012 8:06 AM EST
Arbaco, Ogoosto 22, 2012 (HOL) — Dabley bastoolado ku hubeysan ayaa xalay ku dilay xerada IFO haweeney ka mid ahayd guddiga ammaanka xeradaas oo ka mid ah xeryaha qoxootiga ee ku yaalla deegaanka Dhadhaab ee dalka Kenya.

8/22/2012 7:33 AM EST
Arbaco, Ogoosto 22, 2012 (HOL) — Maydka ra'iisul wasaarihii hore ee Itoobiya, Meles Zenawi oo xanuun dhinaca caloosha ah ugu dhintay dalka Belgium ayaa xalay la geeyay magaalada Addis Ababa ee xarunta dalka Itoobiya inkastoo aan weli la shaacin xilliga la aasayo.

8/22/2012 3:44 AM EST
Arbaco, Ogoosto 22, 2012 (HOL) — Ugu yaraan saddex qof oo shacab ah ayaa ku dhintay rasaas uu askari ka tirsan ciidamada dowladda KMG ah ku furay gaari kuwa dadweynaha qaada ah oo marayay isgoyska Sanca ee degmada Karaan, iyadoo ay ku dhaawacantay haweeney kale.

8/22/2012 3:35 AM EST
Arbaco, Ogoosto 22, 2012 (HOL) — Guddiga doorashada guudoonka baarlamaanka Soomaaliya ayaa lagu wadaa inay maanta kulankoodii ugu horreeyay kaga doodi doona habka iyo shuruudaha doorashada oo lagu wado inay toddobaadka soo socda dhacdo.

8/22/2012 3:32 AM EST
Arbaco, Ogoosto 22, 2012 (HOL) — Xildhibaan Cabdirisaaq Cismaan Xasan (Juurille) oo ka mid ah xildhibaannada barlamaanka cusub ee Soomaaliya, ayaa shaaciyay in uu yahay musharrax u taagan qabashada xilka guddoomiyaha baarlamaanka Federaalka Soomaaliya.