Sunday, May 19, 2013
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Arbaco, Aug 22, 2012
Askari ka tirsan Ciidamada Dowladda oo dad shacab ah ku toogtay Isgoyska Sanca iyo Mayd lagu arkay Suuqa Xoolaha

Arbaco, Ogoosto 22, 2012 (HOL) — Ugu yaraan saddex qof oo shacab ah ayaa ku dhintay rasaas uu askari ka tirsan ciidamada dowladda KMG ah ku furay gaari kuwa dadweynaha qaada ah oo marayay isgoyska Sanca ee degmada Karaan, iyadoo ay ku dhaawacantay haweeney kale.

Laba ka mid ah dadka ku dhintay rasaasta iyo haweeneyda dhaawacantay ayaa ka mid ahaa rakaabkii saarnaa gaariga la rasaaseeyay, waxaana ku jiray dadka dhintay darawalkii gaariga.

"Askarigu wuxuu doonayay inuu dhac u geystay dadka gaariga saaran, balse rasaas ayuu ku furay gaariga kaddib markii darawalku uu ka dhego-adaygay inuu gaariga joojiyo," ayuu yiri goobjooge ku sugnaa isgoyska Sanca.

Goobjoogayaal kale ayaa sheegay in dhibaatadan ay ka mid tahay midda lagu hayo shacabka ku nool degmooyinka Kaaraan, Shibbis iyo Yaaqshiid oo uu kulmiyo isgoyska Sanca, iyadoo askarigii dilalka iyo dhaawaca geystay uu markiiba goobta ka baxsaday.

Ciidammo ka tirsan kuwa dowladda ayaa tagay isgoyska halkaasoo ay ka billaabeen baaritaanno ay ku raadinayaan askarigii falkan geystay, balse ma jirto sarkaal weli ka hadlay falka uu ku kacay askariga. Iyadoo horay u jireen digniino loo jeediyay ciidamada dowladda ee dhibaateeya shacabka.

Dhanka kale, maydka wiil dhallinyaro ah ayaa saakay lagu arkay xaafadda suuqa xoolaha ee degmad Huriwaa kaasoo la sheegay in kooxo hubeysan ay xalay toogteen, iyadoo dadka deegaanku ay soo sheegayaan in aan weli la aqoonsan maydka wiilkaas oo da'diisa lagu qiyaasay dhowr iyo labaatan jir.

Maxamed Xaaji Xuseen, Hiiraan Online
maxuseen@hiiraan.com
Muqdisho, Soomaaliya





Post your comments

8/22/2012 10:11 AM EST
Arbaco, Ogoosto 22, 2012 (HOL) — Munaasabad ballaaran oo uu xildhibaan ka mid ah kuwa cusub ee baarlamaanka Soomaaliya uu ku shaaciyay inuu yahay murashax u taagan xilka madaxnimo ee Soomaaliya oo ay ka qaybgaleen xildhibaanno, xubno ka socday qeybaha kala duwan ee bulshada, xildhibaanno iyo haween ayaa maanta lagu qabtay hoteelka Naasahablood II ee magaalada Muqdisho.

8/22/2012 9:59 AM EST
Arbaco, Ogoosto 22, 2012 (HOL) — Madaxweynaha dowladda Soomaaliya, Shariif Sheekh Axmed iyo ergayga gaarka ah ee xoghayaha guud ee Qaramada Midoobay danjire Augustine Mahiga ayaa maanta yeeshay kulan ku saabsan sidii lagu dhammeystiri lahaa liiska xildhibaanada baarlamaanka cusub ee Soomaaliya.

8/22/2012 9:58 AM EST
Arbaco, Ogoosto 22, 2012 (HOL) — Ugu yaraan lix qof oo shacab ah ayaa ku dhintay saddex kalena dhaawacyo ayaa soo gaaray kaddib markii kooxo hubeysan ay weerar ku qaadeen xalay deegaan ku dhow soohdinta ay wadaagaan Soomaaliya iyo Kenya.

8/22/2012 8:53 AM EST
Arbaco, Ogoosto 22, 2012 (HOL) — Madaxweynaha Puntland, C/raxmaan Sheekh Maxamed Faroole ayaa maanta shacabka iyo xukuumadda Itoobiya uga tacsiyeeyay geeridii ra'iisul wasaarihii Itoobiya, Meles Zenawi, kaasoo xanuun dhinaca caloosha ah ugu geeriyooday isbitaal ku yaalla dalka Belgium aroornimadii Talaadadii shalay.

8/22/2012 8:46 AM EST
Arbaco, Ogoosto 22, 2012 (HOL) — Ciidamada AMISOM ayaa si toos ah maanta ula wareegay sugidda ammaanka jidka isku xira Muqdisho iyo Afgooye oo ay inta badan ka dhacaa iskahorimaadyo u dhexeeya ciidamada dowladda Soomaaliya iyo xoogag taabacsan Xarakada Al-shabaab.

8/22/2012 8:07 AM EST
Arbaco, Ogoosto 22, 2012 (HOL) — Guddoomiyaha maamulka gobolka Hiiraan C/fitaax Xassan Afrax oo warbaahinta kula hadllay magaalada Baladweyne ayaa ugu tacsiyeeyay mas’uuliyiinta dowladda Itoobiya iyo shacabka intaba geerida Malas Zanawi ra’iisal wasaarihii dalka Itoobiya.

8/22/2012 8:06 AM EST
Arbaco, Ogoosto 22, 2012 (HOL) — Dabley bastoolado ku hubeysan ayaa xalay ku dilay xerada IFO haweeney ka mid ahayd guddiga ammaanka xeradaas oo ka mid ah xeryaha qoxootiga ee ku yaalla deegaanka Dhadhaab ee dalka Kenya.

8/22/2012 7:38 AM EST
Arbaco, Ogoosto 22, 2012 (HOL) — Dawladda Itoobiya ayaa ciidamo badan keentay xuduudda ay la wadaagto Somaliland, kaas isku socodkii labadda dhinac uu hakad ku yimid, isla markaana dadka ka shakisan yihiin isbedelka ka dhacay Itoobiya.

8/22/2012 7:33 AM EST
Arbaco, Ogoosto 22, 2012 (HOL) — Maydka ra'iisul wasaarihii hore ee Itoobiya, Meles Zenawi oo xanuun dhinaca caloosha ah ugu dhintay dalka Belgium ayaa xalay la geeyay magaalada Addis Ababa ee xarunta dalka Itoobiya inkastoo aan weli la shaacin xilliga la aasayo.

8/22/2012 3:35 AM EST
Arbaco, Ogoosto 22, 2012 (HOL) — Guddiga doorashada guudoonka baarlamaanka Soomaaliya ayaa lagu wadaa inay maanta kulankoodii ugu horreeyay kaga doodi doona habka iyo shuruudaha doorashada oo lagu wado inay toddobaadka soo socda dhacdo.

8/22/2012 3:32 AM EST
Arbaco, Ogoosto 22, 2012 (HOL) — Xildhibaan Cabdirisaaq Cismaan Xasan (Juurille) oo ka mid ah xildhibaannada barlamaanka cusub ee Soomaaliya, ayaa shaaciyay in uu yahay musharrax u taagan qabashada xilka guddoomiyaha baarlamaanka Federaalka Soomaaliya.