Monday, May 20, 2013
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Arbaco, Aug 22, 2012
Guddiga Doorashada Guddoonka sare ee Baarlamaanka Soomaaliya oo ka doodaya habka iyo Shuruudaha Doorashada

Arbaco, Ogoosto 22, 2012 (HOL) — Guddiga doorashada guudoonka baarlamaanka Soomaaliya ayaa lagu wadaa inay maanta kulankoodii ugu horreeyay kaga doodi doona habka iyo shuruudaha doorashada oo lagu wado inay toddobaadka soo socda dhacdo.

Xubnahan guddigan qaarkood ayaa warbaahinta u sheegay inay kulankoodan ugu horreeya ku dajin doonaan shuruudaha doorashada iyo habka ay u dhacayso, taas oo uu horay uga dhawaajiyay guddoomiyaha KMG ah ee baarlamaanka habeenkii la dhaariyay xildhibaannada.

"Waxyaabaha aan kaga hadlayno kulankeena waa inaan sal u dhigno doorashada guddoonka sare ee baarlamaanka, markaas kaddibna aan shaacinno shuruudaha laga doonayo murashaxiinta doonaya inay u tartamaan guddoomiyaha iyo ku xigeennadiisa," ayaa laga soo xigtay guddiga qaarkood.

Guddigan oo ka kooban 15-xubnood oo isugu jira 10-rag ah iyo shan dumar ah ayaa waxaa laga doonayaa inay ku diyaariyaan doorashada guddoonka baarlamaanka illaa 25-ka bishan laga gaarayo, taasoo ku beegan maalinta Sabtida ah ee soo socota.

Baarlamaankan cusub ee Soomaaliya ayaa wuxuu noqonayaa kii ugu horreeyay oo joogto ah oo ay Soomaaliya yeelato tan iyo markii ay dhacday dowladdii dhexe ee Soomaaliya 1991-kii, iyadoo lagu wado in doorashada guddoonka kaddib la doorto madaxweynaha Soomaaliya.

Guddiga doorashada ayaa waxay ka mid ahaayeen 211 mudane oo lagu dhaariyay habeen hore garoonka diyaaradaha ee Muqdisho, waxayna ku yimaadeen habka uu ku dhisan yahay baarlamaanka ee ah shanta beelood iyo barka.

Maxamed Xaaji Xuseen, Hiiraan Online
maxuseen@hiiraan.com
Muqdisho, Soomaaliya





Post your comments

8/22/2012 10:11 AM EST
Arbaco, Ogoosto 22, 2012 (HOL) — Munaasabad ballaaran oo uu xildhibaan ka mid ah kuwa cusub ee baarlamaanka Soomaaliya uu ku shaaciyay inuu yahay murashax u taagan xilka madaxnimo ee Soomaaliya oo ay ka qaybgaleen xildhibaanno, xubno ka socday qeybaha kala duwan ee bulshada, xildhibaanno iyo haween ayaa maanta lagu qabtay hoteelka Naasahablood II ee magaalada Muqdisho.

8/22/2012 9:59 AM EST
Arbaco, Ogoosto 22, 2012 (HOL) — Madaxweynaha dowladda Soomaaliya, Shariif Sheekh Axmed iyo ergayga gaarka ah ee xoghayaha guud ee Qaramada Midoobay danjire Augustine Mahiga ayaa maanta yeeshay kulan ku saabsan sidii lagu dhammeystiri lahaa liiska xildhibaanada baarlamaanka cusub ee Soomaaliya.

8/22/2012 9:58 AM EST
Arbaco, Ogoosto 22, 2012 (HOL) — Ugu yaraan lix qof oo shacab ah ayaa ku dhintay saddex kalena dhaawacyo ayaa soo gaaray kaddib markii kooxo hubeysan ay weerar ku qaadeen xalay deegaan ku dhow soohdinta ay wadaagaan Soomaaliya iyo Kenya.

8/22/2012 8:53 AM EST
Arbaco, Ogoosto 22, 2012 (HOL) — Madaxweynaha Puntland, C/raxmaan Sheekh Maxamed Faroole ayaa maanta shacabka iyo xukuumadda Itoobiya uga tacsiyeeyay geeridii ra'iisul wasaarihii Itoobiya, Meles Zenawi, kaasoo xanuun dhinaca caloosha ah ugu geeriyooday isbitaal ku yaalla dalka Belgium aroornimadii Talaadadii shalay.

8/22/2012 8:46 AM EST
Arbaco, Ogoosto 22, 2012 (HOL) — Ciidamada AMISOM ayaa si toos ah maanta ula wareegay sugidda ammaanka jidka isku xira Muqdisho iyo Afgooye oo ay inta badan ka dhacaa iskahorimaadyo u dhexeeya ciidamada dowladda Soomaaliya iyo xoogag taabacsan Xarakada Al-shabaab.

8/22/2012 8:07 AM EST
Arbaco, Ogoosto 22, 2012 (HOL) — Guddoomiyaha maamulka gobolka Hiiraan C/fitaax Xassan Afrax oo warbaahinta kula hadllay magaalada Baladweyne ayaa ugu tacsiyeeyay mas’uuliyiinta dowladda Itoobiya iyo shacabka intaba geerida Malas Zanawi ra’iisal wasaarihii dalka Itoobiya.

8/22/2012 8:06 AM EST
Arbaco, Ogoosto 22, 2012 (HOL) — Dabley bastoolado ku hubeysan ayaa xalay ku dilay xerada IFO haweeney ka mid ahayd guddiga ammaanka xeradaas oo ka mid ah xeryaha qoxootiga ee ku yaalla deegaanka Dhadhaab ee dalka Kenya.

8/22/2012 7:38 AM EST
Arbaco, Ogoosto 22, 2012 (HOL) — Dawladda Itoobiya ayaa ciidamo badan keentay xuduudda ay la wadaagto Somaliland, kaas isku socodkii labadda dhinac uu hakad ku yimid, isla markaana dadka ka shakisan yihiin isbedelka ka dhacay Itoobiya.

8/22/2012 7:33 AM EST
Arbaco, Ogoosto 22, 2012 (HOL) — Maydka ra'iisul wasaarihii hore ee Itoobiya, Meles Zenawi oo xanuun dhinaca caloosha ah ugu dhintay dalka Belgium ayaa xalay la geeyay magaalada Addis Ababa ee xarunta dalka Itoobiya inkastoo aan weli la shaacin xilliga la aasayo.

8/22/2012 3:44 AM EST
Arbaco, Ogoosto 22, 2012 (HOL) — Ugu yaraan saddex qof oo shacab ah ayaa ku dhintay rasaas uu askari ka tirsan ciidamada dowladda KMG ah ku furay gaari kuwa dadweynaha qaada ah oo marayay isgoyska Sanca ee degmada Karaan, iyadoo ay ku dhaawacantay haweeney kale.

8/22/2012 3:32 AM EST
Arbaco, Ogoosto 22, 2012 (HOL) — Xildhibaan Cabdirisaaq Cismaan Xasan (Juurille) oo ka mid ah xildhibaannada barlamaanka cusub ee Soomaaliya, ayaa shaaciyay in uu yahay musharrax u taagan qabashada xilka guddoomiyaha baarlamaanka Federaalka Soomaaliya.