Wednesday, May 22, 2013
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Sabti, Apr 7 , 2012
Ra’iisal Wasaarihii hore ee Soomaaliya oo Ohio ka furay ciyaaraha Spring Break Tournament


Sabti, April 07, 2012(HOL): 12 sano guuradii ciyaaraha Waqooyiga America ee sanadkiiba mar la qabto ayaa maanta ka billowday magaalada Columbus ee Gobolka Ohio. Ciyaaraha sanadkan ayaa koobka loo dhigay waxaa loogu magic-daray halyeeyadii u soo halgamay Isboortiga Soomaaliyeed ee maalmo ka hor ku geeriyooday qaraxii ka dhacay tiyaatarka Muqdisho, kuwaasi oo kala ah alle ha u naxariistee Aadan Xaaji Yabarow Wiish  iyo Saciid Maxamuud Nuur Mugaambe.

Koobka odayaasha ayaa waxaa garsoore ka noqon doonaRai’isul Wasaarihii hore Mahamed C/llaahi Maxamed Farmajo, iyadoo odayaasha ay isugu jiraan ciyaartoydii hore iyo dhalinyaro cusub.

Ciyaarahan ayaa waxaa ka soo qeybgelaya cayaartoy badan oo ka kala yimid Gobolladda Waqooyiga America, waxayna socon doonaan muddo seddex maalmood ah.
 


Ciyaarihii shalay dhacay ayaa waxay kooxuhu isu arkeen sidan:

Midinmo(MN) 2 vs Eagles(OH) 2

Hilaac (OH) 6 vs Az Allstars 5

Tss-Tenn 4 vs Maine 4

Toronto 4 vs Mugadishu 3

Columbus Stars 4 vs Somali Stars(SEA) 3

Twin City Stars 7 vs Samba Tmt 2(OH)

Washington DC 5 vs Som-Tigers(MN)

Atl-Horseed 5 vs Boston 8

Tss-Tenn 6 vs Az Allstars (AZ)

Eagles(OH) 5 vs Mugadhishu-Tenn 3

Hilaac (oh) 3 Maine 3

Midnimo(MN) 1 vs Toronto 0

Somali Stars(SEA) 3 vs Som-Tigers 6

Samba Tmt(OH) 8 vs Boston 2f

 Columbus Stars 2 vs Washington DC 3

Twin City Stars 4 vs Atl-Horseed 3






Hiiraan Online News Desk
Columbus, Ohio

 





Post your comments

4/7/2012 9:47 AM EST
Sabti, Abriil 07, 2012 (HOL) — Guddoomiyaha baarlamaanka KMG ah ee Soomaaliya, Shariif Xasan Sheekh Aadan iyo wafdi uu hoggaaminayo oo baqonimadii maanta ka dhoofay garoonka diyaaradaha ee Muqdisho iyagoo kusii jeeda magaalada Xudur ee gobolka Bakool, halkaasoo ay todobaad ka hor la wareegeen ciidamada DKMG ah iyo kuwa Itoobiya oo iskaashanaya.

4/7/2012 9:45 AM EST
Sabti, Abriil 07, 2012 (HOL) — Ganacsatada Soomaalida iyo kuwa Turkiga ayaa ku sameysay kulan ay Muqdisho ku yeesheen Khamiistii lasoo dhaafay urur ganacsi oo ay ku mideysan yihiin, iyadoo la sheegay in ujeedka ururkan uu yahay sidii labada dal ay albaabooyinka ganacsiga isku dhaafsan lahaayeen.

4/7/2012 9:44 AM EST
Sabti, Abriil 07, 2012 (HOL) — Xildhibaannada afhayeenka baarlamaanka u doortay, xildhibaan Madoobe Nuunow Maxamed oo maanta kulan ku yeeshay Muqdisho ayaa sheegay in maanta la billaabayo qabashada araajida murashaxiinta u tarmaya xilka madaxweynimo ee Soomaaliya, iyagoo isla maanta soo gudbiyay shuruudaha looga baahan yahay mas'uulkan xilkan u tartamaya.

4/7/2012 9:42 AM EST
Sabti, Abriil 07, 2012 (HOL) — Warbixin ay soo saartay hay'adda dhaqaatiirta aan xuduudda lahayn ee MSF ayay kaga warbixisay howlihii caafimaad ee ay Soomaaliya ka qabtay sannadkii hore 2011, iyadoo xustay in weli ay taagan yihiin xaaladihii bani'aadmanimo ee Soomaaliya iyo macluushii laga dhaxlay abaarihii sannadkii hore.

4/7/2012 5:40 AM EST
Sabti, Abriil 07, 2012 (HOL) — Waxaa maanta gaaray degmada Ceelwaaq ee gobolka Gedo saraakiil ciidan oo ka socota dalka Sieraleone, kuwaasoo hordhac u ah ciidamo la filayo in dowladda Sieraleone ay usoo dirto dalka Soomaaliya.

4/7/2012 5:34 AM EST
Sabti, Abriil 07, 2012 (HOL) — Dowladda Kenya ayaa uga digtay shacabkeeda weerarro ay sheegtay in ay qorsheynayaan xoogagga Al-shabaab ee ka dagaalama Soomaaliya, iyadoona ay dowladdu ka codsatay shacabka in ay la shaqeeyaan Booliska.

4/7/2012 5:16 AM EST
Sabti, Abriil 07, 2012 (HOL) — Waxaa magaalada Stockholm ee caasimadda ee dalka Sweden lagu qabtay kulan ballaaran oo loogu talagalay in loogu baroordiiqo madaxdii sportiga iyo dadkii ku geeriyooday iyo kuwii ku dhaawacmay qaraxii ka dhacay Golaha Murtida iyo Madadaallada ee magaalada Muqdisho arbacadii la soo dhaafay. Bahweynta sportiga dalka Sweden ayaa soo qaban qaabiyey kulanka tacsida ah, waxaana ka soo qeyb galay dhamaan qeybaha kala duwan ee bulshada ku dhaqan magaalada Stockholm iyo nawaaxigeeda.

4/7/2012 5:05 AM EST
Sabti, Abriil 07, 2012 (HOL) — Munaasabad lagu maamusayay Kooxda SYS (Ex Skiftinge) oo sanad jirsatay ayaa lagu qabtay Magaalada Eskilstuna ee dalka Sweden, iyadoo munaasabaddana ay ka qeybgaleen bahda Isboortiga Magaalada, saxafiyiin iyo siyaasiyiin.

4/7/2012 3:21 AM EST
Sabti, Abriil 07, 2012 (HOL) — Xarakada Al-shabaab ayaa war-saxaafadeed ay soo saartay maanta oo Sabti ah ku sheegtay in xoogaggeedu ay weli gudaha Muqdisho kula dagalamaayaan ciidamada AMISOM iyo kuwa dowladda KMG ah, kaddib sideed bilood markii ay banneeyeen furumaha dagaalka ee Muqdisho.

4/7/2012 2:55 AM EST
Sabti, Abriil 07, 2012 (HOL) — Abaanduulaha ciidamada milateriga Soomaaliya, Jen. C/kariim Yuusuf Aadan (Dhego-badan) ayaa ka badbaaday qorshe lagu dili lahaa oo ay qabanqaabinaysay Xarakada Al-shabaab, kaddib markii la qabtay jaakad la doonayay in lagu qarxiyo.

4/7/2012 2:36 AM EST
Sabti, Abriil 07, 2012 (HOL) — Ciidamada DKMG ah iyo kuwa Itoobiya ee ku sugan gobolka Bay ayaa saddex degmo oo gobolkaas ka tirsan kala wareegay 24-kii saac ee lasoo dhaafay xoogagga Al-shabaab.