Saturday, May 18, 2013
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Sabti, Apr 7 , 2012
Kooxda Kubadda Cagta SYS ee Magaalada Eskilstuna ee dalka Sweden oo maamuustay sanadguuradeedii koowaad


Sabti, Abriil 07, 2012 (HOL) — Munaasabad lagu maamusayay Kooxda SYS (Ex Skiftinge) oo sanad jirsatay ayaa lagu qabtay Magaalada Eskilstuna ee dalka Sweden, iyadoo munaasabaddana ay ka qeybgaleen bahda Isboortiga Magaalada, saxafiyiin iyo siyaasiyiin.

Ugu horreyn waxaa munaasabadda ka hadlay Guddoomiyaha Kooxda Maxamed Cumar oo soo dhaweeyay dadkii munaasabadda ka soo qeybgalay, sidoo kalena u mahadceliyay intii ay soo wada shaqeeyeen ee kooxda SYS (Ex Skiftinge).

Sidoo kale waxaa ka hadlay Afhayeenka Kooxda Sakariye Cabdi oo aad ugu dheeraaday ka hadalka taariikhihii kala duwanaa ee ay kooxda soo martay, magaceedii hore ee Skiftinge sida uu ku yimid halka ay gaareen iyo ugu dambeyntiina ay garteen in ay la baxaan magaca SYS (Somali Young Stars).

Waxaa kale oo xafladda ka hadlay  Maxamed Khadar oo ah xoghayaha guud ee Ururka Somaliska Ungdomar Nätverk (SUN), wuxuuna ka hadlay isku dhalinyarada degmada
Eskilstuna iyo dhaqdhaqaaqyada Isboorti ee jira Magaalada Eskilstuna.


Intii xafladda socotay ayaa waxaa la cambaareeyay dadkii ka dambeeyay qaraxii maalmo ka hor Muqdisho ka dhacay, kaasi oo ay ku dhinteen mas’uuliyiintii Isboortiga Soomaaliya, gaar ahaan Guddoomiyaha Guddiga Olombikada Soomaaliyeed Aadan Xaaji Yabarow Wiish iyo Guddoomiyihii Xiriirka Soomaaliyeed ee Kubadda Cagta Saciid Maxamuud Nuur Mugaambe.

C/qaadir Maxamuud Walaayo oo ah siyaasi iyo saxafi Soomaaliyeed ayaa isna munaasabadda ka hadlay, wuxuuna ku dheeraaday waxtarka dhalinyarada iyo sida ay qowmiyadaha ugu sameeyaan isbedellada, wuxuuna tusaale u soo qaatay halgankii gobonimo-doonka Soomaaliya oo ay horseed ka ahaayeen dhalinyaro Soomaaliyeed iyo meelo kale oo caalamka ka mid ah oo ay dhalinyaradu ka sameeyeen isbedello.


Waxaa uu guubaabiyay C/qaadir Walaayo dhalinyarada Isboortiga Magaalada Eskilstuna oo uu ka codsaday in ay ku dadaalaan sidii ay isbedel u sameyn lahaayeen, dalkooda iyo dadkoodana ay wax ugu qaban lahaayeen. Dhanka kalena C/qaadir Walaayo oo sheegay in muddo 10 sano ka badan uu soo ahaa afhayeenka Guddiga Olombikada Soomaaliyeed waxaa uu ka tacsiyeeyay geeridii naxdinta lahayd ee ku timid mas’uuliyiintii Isboortiga Soomaaliyeed ee ku geeriyooday qaraxii maalmo ka hor ka dhacay magaalada Muqdisho.

Sidoo kale waxaa munaasabadda ka hadlay Macallin C/risaaq oo ka socday Ururka Cross Cultures wuxuuna dhalinyarada magaalad Eskilstuna u jeediyay hadal gubaabo iyo niyad-dhiska iyo sida ay ugu guuleysan karaan hadafkooda ah in ay kubadda cagta ka gaaraan meel sare. Macallin C/risaaq oo uu ururkiisa kubaddo ugu deeqay Kooxda Kubadda Cagta SYS waxaa uu Ururrada magaalada ka codsaday in ay dhiirigeliyaan oo ay maalgeliyaan kooxda SYS.


Sidoo kale waxaa Munaasabadda ka hadlay Simon Cali iyo M3 oo ka mid ah mas’uuliyiinta Isboorti ee aadka u firfircoon, waxayna labaduba dhiirigeliyeen kooxda Kubadda Cagta SYS, iyagoo dib u qooraansaday heerarkii kala duwanaa ee ay kooxda soo martay iyo halka ay taagan tahay.

Gunaanadkii munaasabadda ayaa waxaa lagu bixiyay abaalmarinno la guddoonsiiyay ciyaaryahanka ugu fiican, difaaca iyo qadka dhexe iyo dad kale oo abaalmarinta lagu siiyay dadaallo dhinaca Isboortiga ah oo ay sameeyeen.












Salaad Iidow Xasan (Xiis), Hiiraan Online
sxiis@hiiraan.com





Post your comments

4/7/2012 4:35 PM EST
Sabti, April 07, 2012(HOL): 12 sano guuradii ciyaaraha Waqooyiga America ee sanadkiiba mar la qabto ayaa maanta ka billowday magaalada Columbus ee Gobolka Ohio. Ciyaaraha sanadkan ayaa koobka loo dhigay waxaa loogu magic-daray halyeeyadii u soo halgamay Isboortiga Soomaaliyeed...

4/7/2012 9:47 AM EST
Sabti, Abriil 07, 2012 (HOL) — Guddoomiyaha baarlamaanka KMG ah ee Soomaaliya, Shariif Xasan Sheekh Aadan iyo wafdi uu hoggaaminayo oo baqonimadii maanta ka dhoofay garoonka diyaaradaha ee Muqdisho iyagoo kusii jeeda magaalada Xudur ee gobolka Bakool, halkaasoo ay todobaad ka hor la wareegeen ciidamada DKMG ah iyo kuwa Itoobiya oo iskaashanaya.

4/7/2012 9:45 AM EST
Sabti, Abriil 07, 2012 (HOL) — Ganacsatada Soomaalida iyo kuwa Turkiga ayaa ku sameysay kulan ay Muqdisho ku yeesheen Khamiistii lasoo dhaafay urur ganacsi oo ay ku mideysan yihiin, iyadoo la sheegay in ujeedka ururkan uu yahay sidii labada dal ay albaabooyinka ganacsiga isku dhaafsan lahaayeen.

4/7/2012 9:44 AM EST
Sabti, Abriil 07, 2012 (HOL) — Xildhibaannada afhayeenka baarlamaanka u doortay, xildhibaan Madoobe Nuunow Maxamed oo maanta kulan ku yeeshay Muqdisho ayaa sheegay in maanta la billaabayo qabashada araajida murashaxiinta u tarmaya xilka madaxweynimo ee Soomaaliya, iyagoo isla maanta soo gudbiyay shuruudaha looga baahan yahay mas'uulkan xilkan u tartamaya.

4/7/2012 9:42 AM EST
Sabti, Abriil 07, 2012 (HOL) — Warbixin ay soo saartay hay'adda dhaqaatiirta aan xuduudda lahayn ee MSF ayay kaga warbixisay howlihii caafimaad ee ay Soomaaliya ka qabtay sannadkii hore 2011, iyadoo xustay in weli ay taagan yihiin xaaladihii bani'aadmanimo ee Soomaaliya iyo macluushii laga dhaxlay abaarihii sannadkii hore.

4/7/2012 5:40 AM EST
Sabti, Abriil 07, 2012 (HOL) — Waxaa maanta gaaray degmada Ceelwaaq ee gobolka Gedo saraakiil ciidan oo ka socota dalka Sieraleone, kuwaasoo hordhac u ah ciidamo la filayo in dowladda Sieraleone ay usoo dirto dalka Soomaaliya.

4/7/2012 5:34 AM EST
Sabti, Abriil 07, 2012 (HOL) — Dowladda Kenya ayaa uga digtay shacabkeeda weerarro ay sheegtay in ay qorsheynayaan xoogagga Al-shabaab ee ka dagaalama Soomaaliya, iyadoona ay dowladdu ka codsatay shacabka in ay la shaqeeyaan Booliska.

4/7/2012 5:16 AM EST
Sabti, Abriil 07, 2012 (HOL) — Waxaa magaalada Stockholm ee caasimadda ee dalka Sweden lagu qabtay kulan ballaaran oo loogu talagalay in loogu baroordiiqo madaxdii sportiga iyo dadkii ku geeriyooday iyo kuwii ku dhaawacmay qaraxii ka dhacay Golaha Murtida iyo Madadaallada ee magaalada Muqdisho arbacadii la soo dhaafay. Bahweynta sportiga dalka Sweden ayaa soo qaban qaabiyey kulanka tacsida ah, waxaana ka soo qeyb galay dhamaan qeybaha kala duwan ee bulshada ku dhaqan magaalada Stockholm iyo nawaaxigeeda.

4/7/2012 3:21 AM EST
Sabti, Abriil 07, 2012 (HOL) — Xarakada Al-shabaab ayaa war-saxaafadeed ay soo saartay maanta oo Sabti ah ku sheegtay in xoogaggeedu ay weli gudaha Muqdisho kula dagalamaayaan ciidamada AMISOM iyo kuwa dowladda KMG ah, kaddib sideed bilood markii ay banneeyeen furumaha dagaalka ee Muqdisho.

4/7/2012 2:55 AM EST
Sabti, Abriil 07, 2012 (HOL) — Abaanduulaha ciidamada milateriga Soomaaliya, Jen. C/kariim Yuusuf Aadan (Dhego-badan) ayaa ka badbaaday qorshe lagu dili lahaa oo ay qabanqaabinaysay Xarakada Al-shabaab, kaddib markii la qabtay jaakad la doonayay in lagu qarxiyo.

4/7/2012 2:36 AM EST
Sabti, Abriil 07, 2012 (HOL) — Ciidamada DKMG ah iyo kuwa Itoobiya ee ku sugan gobolka Bay ayaa saddex degmo oo gobolkaas ka tirsan kala wareegay 24-kii saac ee lasoo dhaafay xoogagga Al-shabaab.